Rooma 11:26
oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran, Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha. Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta.
oo sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu u wada badbaadi doonaan, sida qoran, Waxaa Siyoon ka soo bixi doona Bixiyaha. Wuxuu Yacquub ka sii jeedin doonaa cibaadola'aanta.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
27Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga, Markaan dembigooda ka qaadi doono.
28Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood.
26Oo waxay noqon doontaa, meeshii laga yidhi iyaga, Dadkayga ma ihidin, Meeshaas waxaa looga bixin doonaa, Carruurtii Ilaaha nool.
27¶ Oo Isayos wuxuu ku qayliyey wax Israa'iil ku saabsan isagoo leh, In kastoo tirada reer binu Israa'iil noqoto sida cammuudda badda, intii hadhay waa badbaadi doontaa,
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba.
25¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho;
17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.
6Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
21Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.
32Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku barya uu samatabbixi doono, waayo, Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, iyo kuwa hadhay oo Rabbigu u yeedhayba waxaa jiri doona kuwo u baxsada sidii Rabbigu yidhi.
17Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.
7Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
7Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi.
1¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub.
25Farcanka Israa'iil oo dhammu Rabbiga bay xaq ku noqon doonaan, wayna faani doonaan.
1¶ Walaalayaalow, waxaan qalbigayga ka doonayaa oo Ilaah ka baryaa inay iyagu badbaadaan.
1¶ De waxaan leeyahay, Ilaah miyuu xooray dadkiisii? Ma suurtowdo. Waayo, anba waxaan ahay mid reer binu Israa'iil ah, oo farcankii Ibraahim ah, oo qabiilkii Benyaamiin ah.
20¶ Oo waxay maalintaas noqon doontaa in kuwa dadka Israa'iil ka hadhay iyo intii dadka Yacquub ka baxsatayba ayan mar dambe ku tiirsan kii iyaga wax ku dhuftay, laakiinse waxay si run ah ugu tiirsan doonaan Rabbiga ah Kan Quduuska ah oo dadka Israa'iil.
21Qaar hadhay baa soo noqon doona, xataa qaar hadhay oo dadka Yacquub waxay u soo noqon doonaan Ilaaha xoogga badan.
7Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
8Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.
13Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.
11¶ Haddaba waxaan leeyahay, Miyey turunturoodeen inay dhacaan? Maya, ma suurtowdo! Laakiin dhicitinkoodii aawadiis ayaa badbaadinu ugu timid quruumaha kale inay ka hinaasaan.
25¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.
11¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.
12Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.
21Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku dhawaaqaa, uu badbaadi doono.
11Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay, oo wuxuu ka soo badbaadiyey gacantii kii isaga ka xoogga badnaa.
6¶ Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha.
7Waa maxay haddaba? Wixii reer binu Israa'iil doondoonayeen ma ay helin, laakiinse kuwii la doortay waa heleen, intii kalena waa la engejiyey,
3Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
7Hoogay wakhtigaasu waa wakhti weyn, oo ma jiro mid isaga la mid ahu, waana wakhtigii dhibkii dadka Yacquub, laakiinse waa laga badbaadin doonaa dhibkaas.
27Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba.
12¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.
10Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.
28¶ Haddaba idinku waxaad ogaataan in badbaadadan Ilaah loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn; oo iyaguna way maqli doonaan.
10Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto.
17Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,
6Uunka oo dhammuna badbaadinta Ilaah ayay arki doonaan.
16Reer binu Israa'iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa.
31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.
25¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haatan waxaan soo celin doonaa maxaabiistii reer Yacquub, oo reer binu Israa'iil oo dhanna waan u wada naxariisan doonaa, oo magacayga quduuskaa aawadiis ayaan u hinaasi doonaa.
5Sidaas oo kale wakhtigan la joogona waxaa jira kuwo hadhay oo nimco lagu doortay.
27Siyoon waxaa lagu soo furan doonaa caddaalad, oo kuweeda soo noqdayna waxaa lagu soo furan doonaa xaqnimo.
6Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.
8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,
22Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.
11Laakiin waxaan rumaysan nahay inaynu ku badbaadi doonno nimcadii Rabbi Ciise siday ugu badbaadi doonaan.
13Waayo, ku alla kii magaca Rabbiga ku baryaa, waa badbaadi doonaa.
11Oo dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iilba waa laysu soo wada ururin doonaa, oo waxay dooran doonaan mid madax iyaga u ah, oo dalkana way ka bixi doonaan, waayo, maalinta Yesreceel maalin weyn bay ahaan doontaa.