Rooma 11:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

sida qoran, Ilaah wuxuu iyaga siiyey maskax hurudda, iyo indho aanay waxba ku arkin, iyo dhego aanay waxba ku maqlin, ilaa maalintatan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 29:4 : 4 laakiinse Rabbigu ilaa maantadan la joogo idinma siin qalbi wax garta iyo indho wax arka iyo dhego wax maqla toona.
  • Ish 29:10 : 10 Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.
  • Yer 5:21 : 21 Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla:
  • Yex 12:2 : 2 Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.
  • Mat 13:13-14 : 13 Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan. 14 Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.
  • 2 Kor 3:14-15 : 14 Laakiin fikirradoodii way adkaadeen. Waayo, tan iyo maalintaas markii axdiga hore la akhriyo, indho shareerkaas ayaa hadha isagoo aan laga saarin, kan xagga Masiix ka idlaaday. 15 Laakiin tan iyo maalintaas mar alla markii Muuse wax laga akhriyo dabool ayaa qalbigooda saaran.
  • Mark 4:11-12 : 11 Kolkaasuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada Ilaah garataan, laakiin kuwa dibadda jooga wax walba waxaa loogu sheegaa masaallo, 12 si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.
  • Luuk 8:10 : 10 Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.
  • Fal 28:26 : 26 oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto;
  • 2 Boq 17:41 : 41 Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.
  • Ish 6:9 : 9 Oo wuxuu igu yidhi, Tag, oo dadkan waxaad ku tidhaahdaa, Wax sii maqla, mana garan doontaan, oo wax sii arka, idiinmana dhaadhici doonto.
  • 2 Boq 17:34 : 34 Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 7Waa maxay haddaba? Wixii reer binu Israa'iil doondoonayeen ma ay helin, laakiinse kuwii la doortay waa heleen, intii kalena waa la engejiyey,

  • Room 11:9-11
    3 aayado
    81%

    9Daa'uudna wuxuu yidhi, Miiskoodu ha u noqdo dabin iyo wax qabsada iyaga, Iyo wax ay ku turunturoodaan, iyo wax ka aarguta iyaga;

    10Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Dhabarkoodana foorari weligiis.

    11¶ Haddaba waxaan leeyahay, Miyey turunturoodeen inay dhacaan? Maya, ma suurtowdo! Laakiin dhicitinkoodii aawadiis ayaa badbaadinu ugu timid quruumaha kale inay ka hinaasaan.

  • 78%

    39Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,

    40Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey, Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan, Oo aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.

  • 18Iyagu ma ay aqoon, mana ay garanayn, waayo, indhahoodii waa la xidhay si ayan waxba u arkin, oo qalbigoodiina si ayan waxba u garan.

  • Fal 28:26-27
    2 aayado
    76%

    26oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto;

    27Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.

  • Mat 13:13-16
    4 aayado
    76%

    13Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan.

    14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.

    15Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.

    16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.

  • Ish 6:9-10
    2 aayado
    76%

    9Oo wuxuu igu yidhi, Tag, oo dadkan waxaad ku tidhaahdaa, Wax sii maqla, mana garan doontaan, oo wax sii arka, idiinmana dhaadhici doonto.

    10Dadkan qalbigooda ka dhig mid qallafsan, dhegahoodana kuwa dhib wax ku maqla, indhahoodana kuwa xidhan, si aanay indhaha wax ugu arkin, oo aanay dhegaha wax ugu maqlin, oo aanay qalbiga wax ugu garan, oo aanay u soo noqon, oo aanay u bogsan.

  • 12si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.

  • Ish 29:10-11
    2 aayado
    75%

    10Waayo, Rabbigu wuxuu idinku riday hurdo weyn, wuxuuna awday indhihiinnii oo nebiyadii ahaa, wuxuuna daboolay madaxyadiinnii oo wax arkayaashii ahaa.

    11Oo riyo kastaaba waxay idiin noqotay sidii erayadii qorniin shaabad lagu xidhay, oo loo dhiibay qof wax akhriyi kara, oo lagu leeyahay, Waannu ku baryaynaaye kan akhri, oo isna wuxuu leeyahay, Ma aan akhriyi karo, waayo, shaabad buu ku xidhan yahay.

  • 75%

    14Laakiin fikirradoodii way adkaadeen. Waayo, tan iyo maalintaas markii axdiga hore la akhriyo, indho shareerkaas ayaa hadha isagoo aan laga saarin, kan xagga Masiix ka idlaaday.

    15Laakiin tan iyo maalintaas mar alla markii Muuse wax laga akhriyo dabool ayaa qalbigooda saaran.

  • 4laakiinse Rabbigu ilaa maantadan la joogo idinma siin qalbi wax garta iyo indho wax arka iyo dhego wax maqla toona.

  • 25¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho;

  • 11Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin.

  • 18Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah.

  • 18Indho baad leedihiin, miyaydnaan waxba arkaynin? Dhegona waad leedihiin, miyaydnaan waxba maqlaynin oo aydnaan xusuusnayn?

  • 18¶ Kuwiinna dhegaha la'ow, wax maqla, oo kuwiinna indhaha la'ow, wax fiiriya, aad wax aragteene.

  • 72%

    27Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga, Markaan dembigooda ka qaadi doono.

    28Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood.

  • 72%

    16Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

    17Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto.

  • 4Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.

  • 18Oo wakhtigaas kuwa dhegaha la'u erayada qorniinka ayay maqli doonaan, oo kuwa indhaha la' indhahooduna wax bay mugdiga iyo gudcurka ka arki doonaan.

  • 71%

    30Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda,

    31sidaas oo kalay iyaguna haatan caasi u noqdeen, in naxariistii laydin tusay, iyagana haatan loogu naxariisto.

    32Waayo, Ilaah kulli wuxuu ku wada xidhay caasinimo inuu u wada naxariisto kulli.

  • 21Laakiinse, sida qoran, Waxaa arki doona kuwo aan warkiisu u iman, Kuwii aan maqlinuna waa garan doonaan.

  • 8iyo Dhagax lagu turunturoodo oo ah dhadhaab lagu xumaado; waayo, waxay ku turunturoodaan ereyga, maxaa yeelay, ma addeecsana; taas oo ah wixii loo xugmay.

  • 12uu markii hore ku yidhi, Tanu waa nasasho, ee kuwa daallan ku nasiya, oo tanuna waa isqabowjintii. Laakiinse inay maqlaan way diideen.

  • 21Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla:

  • Room 9:32-33
    2 aayado
    70%

    32Tan sababteedu waa maxay? Maxaa yeelay, rumaysad kuma ay doondoonin, shuqullada samayntooda mooyaane. Waxay ku turunturoodeen dhagaxii turunturada;

    33sida qoran, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax lagu turunturoodo oo ah sallax lagu xumaado; Oo kii rumaysta isaga ma ceeboobi doono.

  • 16Laakiin waa la indhasaabay si aanay u garanayn.

  • Sab 115:5-6
    2 aayado
    70%

    5Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

    6Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,

  • 70%

    18Laakiin waxaan leeyahay, Miyaanay maqlin? Haah, runtii. Codkoodii wuxuu gaadhay dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu shishaysa.

    19Laakiin waxaan leeyahay, Miyaan reer binu Israa'iil ogayn? Ugu horraystii Muuse wuxuu yidhi, Waxaan idinkaga hinaasin doonaa kuwo aan quruun ahayn; Quruun aan wax garanayn waan idinkaga cadhaysiin doonaa.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

  • 8Waxaad soo bixisaan dadka indhaha la' oo indho leh, iyo kuwa dhegaha la' oo dhego leh.

  • 15Oo kuwa badan ayaa turunturoon doona, oo kufi doona, oo jebi doona, waana la dabi doonaa, oo la qabsan doonaa.