Rooma 12:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Innagoo haysanna hadiyado ku kala duwan nimcadii layna siiyey, hadday tahay wax sii sheegid, aan wax ku sii sheegno sida qaybta rumaysadkeenna.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 7:7 : 7 De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.
  • 1 But 4:10-11 : 10 Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah. 11 Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin.
  • Room 12:3 : 3 ¶ Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah.
  • 1 Kor 12:28-31 : 28 Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla. 29 Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa? 30 Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan? 31 Laakiin aad u doona hadiyadaha u waaweyn. Oo weliba waxaan idin tusayaa jid kan ka sii wanaagsan.
  • 1 Kor 13:2 : 2 Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.
  • 1 Kor 14:1 : 1 ¶ Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.
  • 1 Kor 14:3-5 : 3 Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh. 4 Kii af uusan aqoon ku hadlaa wuu isdhisaa, laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dhisaa kiniisadda. 5 ¶ Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto.
  • Fal 13:1 : 1 ¶ Haddaba kiniisaddii Antiyokh ku tiil waxaa joogay nebiyo iyo macallimiin, kuwaas oo ahaa Barnabas, iyo Simecoon oo la odhan jiray Niger, iyo Lukiyos oo reer Kuranaya ah, iyo Mana'een oo la koray taliye Herodos, iyo Sawlos.
  • 1 Kor 1:5-7 : 5 Maxaa yeelay, wax walba hodan buu idinkaga dhigay, ha ahaato hadal walba iyo aqoon walbaba, 6 sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo furay; 7 si aan hadiyadiinna idiinka dhinmin intaad sugaysaan muujinta Rabbigeenna Ciise Masiix;
  • 1 Kor 4:6-7 : 6 ¶ Haddaba, walaalayaalow, waxyaalahan ayaan aawadiin u soo qaaday qudhayda iyo Abolloosba, inaad xaggayaga ka barataan inaydnaan ka gudbin waxyaalaha qoran oo aan midkiinna midka kale u faanin. 7 Waayo, yaa kaa soocay? Maxaad haysataa oo, aanad helin? Laakiin haddaad heshay, bal maxaad u faanaysaa sidii adigoo aan helin?
  • 1 Kor 12:4-9 : 4 ¶ Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux. 5 Waxaana jira adeegid kala cayn ah, waana isku Rabbi. 6 Waxaana jira shuqullo kala cayn ah, laakiin waa isku Ilaah, kan dhammaan wax walba kaga dhex shaqeeya. 7 Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar. 8 Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo. 9 Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya. 10 Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda. 11 Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.
  • Room 1:11 : 11 Waayo, aad baan u doonayaa inaan idin arko oo idin siiyo hadiyad Ruuxa ka timaada inaad ku xoogaysataan;
  • Ef 4:11 : 11 Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin.
  • Fil 3:15 : 15 Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona.
  • 1 Tes 5:20 : 20 Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.
  • Fal 15:32 : 32 Yuudas iyo Silas, iyagoo qudhooduna nebiyo ahaa, ayay hadallo badan walaalihii ku waaniyeen oo ku xoogeeyeen.
  • Fal 18:24-28 : 24 ¶ Haddaba waxaa Efesos yimid Yuhuudi Abolloos la odhan jiray oo reer Iskanderiya ahaa, oo wuxuu ahaa nin hadalyaqaan ah, oo Qorniinka garasho xoog leh u leh. 25 Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya; 26 oo wuxuu bilaabay inuu geesinimo kaga dhex hadlo sunagogga. Laakiin Bariskilla iyo Akula, markay maqleen isagii, ayay kaxaysteen, kolkaasay aad ugu sii caddeeyeen jidka Ilaah. 27 Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay, 28 maxaa yeelay, si xoog leh ayuu Yuhuuddii u garansiiyey oo caddaan ugu tusay Qorniinka in Ciise yahay Masiixa.
  • Fal 21:9 : 9 Ninkanu wuxuu lahaa afar gabdhood oo bikrado ah oo wax sheegi jiray.
  • Mat 23:34 : 34 Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,
  • Luuk 11:49 : 49 Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa,
  • Fal 2:17 : 17 Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan, Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan; Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan;
  • Fal 11:27-28 : 27 ¶ Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem ka yimid nebiyo inay Antiyokh tagaan. 28 Markaasaa mid iyaga ka mid ah oo Agabos la odhan jiray ayaa istaagay, oo wuxuu Ruuxa ku sheegay in abaar weyni dunida ku dhici doonto, taas oo dhacday wakhtigii Kalawdiyos.
  • 1 Kor 14:24 : 24 Laakiin hadday dhammaantood wax sii sheegaan oo uu u yimaado mid aan rumaysanayn ama aan garanaynini, isaga waa la wada canaantaa, oo la wada xukumaa.
  • 1 Kor 14:29 : 29 Nebiyadana laba ama saddex ha hadleen, kuwa kalena ha kala xukumeen waxay leeyihiin.
  • 1 Kor 14:31-32 : 31 Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro. 32 Oo ruuxyada nebiyadu waa ka dambeeyaan nebiyada.
  • 2 Kor 8:12 : 12 Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.
  • Ef 3:5 : 5 kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 12:7-8
    2 aayado
    77%

    7Ama hadday tahay adeegid, aan aad u adeegno; kii wax baraana, si fiican wax ha u baro;

    8kii wax waaniyaana, si fiican wax ha u waaniyo; kii wax bixiyaana, deeqsinimo wax ha u bixiyo; kii wax u taliyaana, dadaal wax ha ugu taliyo; kii wax u naxariistaana, farxad wax ha ugu naxariisto.

  • Room 12:3-5
    3 aayado
    76%

    3¶ Waayo, nimcadii lay siiyey ayaan ku hadlayaa, waxaan ku leeyahay, Mid kasta oo idinka mid ah, yuusan isderejayn intuu isderejayn lahaa in ka badan, laakiinse miyirqab ha ku fikiro, sida Ilaah mid kasta u siiyey qayb rumaysad ah.

    4Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,

    5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.

  • 76%

    7Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa.

  • 76%

    10Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah.

    11Haddii nin hadlo, ha u hadlo sidii isagoo ku hadlaya ereyga Ilaah; haddii nin adeegona, ha u adeego siduu Ilaah xoogga u siiyo, in wax walbaba Ilaah ku ammaanmo Ciise Masiix, kaasoo weligiis iyo weligiisba leh ammaanta iyo dowladnimadaba. Aamiin.

  • 76%

    4¶ Waxaa jira hadiyado kala cayn ah, laakiin waa isku Ruux.

    5Waxaana jira adeegid kala cayn ah, waana isku Rabbi.

    6Waxaana jira shuqullo kala cayn ah, laakiin waa isku Ilaah, kan dhammaan wax walba kaga dhex shaqeeya.

    7Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar.

    8Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo.

    9Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya.

    10Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda.

    11Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya.

    12¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale.

  • 72%

    27¶ Idinku waxaad tihiin jidhka Masiix iyo xubno ka mid ah.

    28Ilaah markii hore kiniisadda qaar wuxuu uga dhigay rasuullo, markii labaadna qaar kale nebiyo, markii saddexaadna qaar kale macallimiin, dabadeedna qaar cajaa'ibyo sameeya, qaarna kuwo leh hadiyado wax lagu bogsiiyo, qaarna kaalmeeyayaal, qaarna taliyayaal, iyo qaar afaf kala cayn ah ku hadla.

    29Dhammaan ma wada rasuullo baa? Dhammaan ma wada nebiyo baa? Dhammaan ma wada macallimiin baa? Dhammaan ma wada cajaa'ibyo sameeyayaal baa?

    30Dhammaan ma wada leeyihiin hadiyado wax lagu bogsiiyo? Dhammaan ma ku hadlaan afaf kala cayn ah? Dhammaan wax ma fasiraan?

    31Laakiin aad u doona hadiyadaha u waaweyn. Oo weliba waxaan idin tusayaa jid kan ka sii wanaagsan.

  • 12Sidaasoo kale idinkuna, idinkoo ku kulul hadiyadaha ruuxa, aad u dadaala inaad hadiyado badan u lahaataan kiniisadda dhisniinteeda.

  • 1¶ Jacaylka raaca, oo weliba hadiyadaha Ruuxa ka yimaada aad u doona, oo siiba doona inaad wax sii sheegtaan.

  • 10Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

  • Ef 4:11-12
    2 aayado
    69%

    11Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin.

    12Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa,

  • 7Laakiin sidaad wax kasta badnaan uga haysaan xagga rumaysadka, iyo hadalka, iyo aqoonta, iyo dadaalka oo dhan, iyo jacaylka aad noo qabtaan, waa inaad nimcadanna badnaan uga haysaan.

  • 26¶ Maxaa jira haddaba, walaalayaalow? Markaad isu timaadaan, mid kasta hees sabuur ah buu leeyahay, midna waxbarid buu leeyahay, midna muujin buu leeyahay, midna af buu leeyahay, midna fasiraad buu leeyahay. Wax walba ha loo sameeyo dhisniin.

  • 9Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa.

  • 10¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.

  • 6¶ Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.

  • 5¶ Waxaan jeclaan lahaa inaad dhammaantiin afaf ku wada hadashaan, laakiin waxaan ka sii jeclaan lahaa inaad wax sii sheegtaan. Kii afaf ku hadlaa hadduusan fasirin, waxaa ka sii weyn kii wax sii sheega, si ay kiniisaddu u hesho wax ay ku dhisanto.

  • 15annagoo aan si dhaafsiisan uga faanayn hawlihii dadka kale, laakiin rajo u leh intuu rumaysadkiinnu korayo inaannu aad iyo aad ugu weynaan doonno dhexdiinna sida soohdintayada ah,

  • 13Isu faanin mayno si qiyaastayada dhaafsiisan, laakiin sida ay tahay qiyaasta Ilaah noo qaybiyey inay qiyaas ahaato, si aannu idiin soo gaadhno.

  • 68%

    7kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu.

  • 5kan aannu ku helnay nimco iyo rasuulnimo, inaannu addeecidda rumaysadka magiciisa daraaddiis ugu geeyno quruumaha oo dhan.

  • 14¶ Waayo, jidhku xubin qudha ma aha ee waa xubno badan.

  • 4Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.

  • 31Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro.

  • 6Oo waxaan baryayaa in wadaagidda iimaankaagu uu socodsiiyo aqoonta wax kasta oo wanaagsan oo inoogu jira Masiixa.

  • 24Xubnaheenna aan cawrada ahaynse waxba uma baahna. Laakiin Ilaah baa jidhka isku hagaajiyey isagoo tan ugu daran maamuus badan siinaya,

  • 7De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.

  • 1¶ Walaalayaalow, dooni maayo inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan hadiyadaha Ruuxa ka yimaada.

  • 3Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.

  • 18Haatanse Ilaah baa siduu doonayay xubnaha middood kastaba jidhka ugu hagaajiyey.

  • 13Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa.

  • 12Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.

  • 11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.

  • 15Mid wuxuu siiyey shan talanti, midna wuxuu siiyey laba, midna wuxuu siiyey mid; mid kasta sidii tabartiisu ahayd, markaasuu dhoofay.