Rooma 15:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 10:24 : 24 Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon.
  • Room 14:19 : 19 Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.
  • 1 Kor 9:19-22 : 19 ¶ Waayo, in kastoo aan xor ka ahaa dad oo dhan, dhammaan ayaan addoon isaga dhigay, si aan qaar kaloo badan u soo kordhiyo. 20 Yuhuudda waxaan u noqday sida Yuhuudi oo kale, si aan Yuhuud kale u soo kordhiyo. Kuwa sharciga ka hooseeyana, sida mid sharciga ka hooseeya ayaan u noqday, aniga oo aan sharciga ka hoosayn, si aan kuwa sharciga ka hooseeya u soo kordhiyo. 21 Xagga kuwa aan sharciga lahayn, sida mid aan sharci lahayn ayaan u noqday anigoo aan ahayn mid sharci la' xagga Ilaah, laakiin sharci leh xagga Masiix, si aan u soo kordhiyo kuwa aan sharciga lahayn. 22 Xagga kuwa itaalka daran waxaan u noqday mid itaaldaran, si aan kuwa itaalka daran u soo kordhiyo. Dadka oo dhan ayaan wax kasta u noqday inaan si kastaba qaar ku badbaadiyo.
  • 1 Kor 10:33-11:1 : 33 sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan. 1 ¶ Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.
  • 1 Kor 13:5 : 5 wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro,
  • Fil 2:4-5 : 4 Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale. 5 ¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.
  • Titus 2:9-9 : 9 Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin, 10 oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin.

  • 78%

    18Kii waxaas Masiixa ugu adeega, Ilaah buu ka farxiyaa, xagga dadkana waa mid loo bogay.

    19Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.

  • Room 15:3-5
    3 aayado
    76%

    3Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday.

    4Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno.

    5Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix,

  • 24Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon.

  • 74%

    14Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.

    15Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.

  • 24Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan.

  • Fil 2:2-4
    3 aayado
    73%

    2farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah.

    3Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay.

    4Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale.

  • 26Yeynan iskibrin, oo iska xanaajin, oo isxaasidin.

  • 73%

    32Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah,

    33sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.

  • 10Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.

  • 10Sidaas daraaddeed markaynu wakhtiga haysanno, kulli aan wanaag u samayno, khusuusan dadka rumaysadka leh.

  • 11Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.

  • 19¶ Haatan waxaad u malaynaysaan inaannu iska kiin daafacayno. Ilaah hortiisa waxaannu u hadlaynaa sida kuwo Masiix, oo gacaliyayaalow, wax kastaba waxaannu u samaynaa si aad u dhisantaan.

  • 2Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa.

  • 16Haddaba wanaaggiinna yaan la caayin.

  • 71%

    15La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.

    16Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.

    17Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa.

  • 71%

    12Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.

    13¶ Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada.

  • Room 12:4-5
    2 aayado
    71%

    4Waayo, sida aynu xubno badan ugu leennahay jidhkeenna, oo aan xubnaha oo dhammuna isku shuqul u ahayn,

    5sidaas oo kalaan, innagoo badan, Masiixa isku jidh ku nahay, oo midba midka kale waa xubnihiisii.

  • 10Tijaabiya waxa Rabbigu aad ugu farxo,

  • Gal 6:4-5
    2 aayado
    71%

    4Laakiin nin kastaa shuqulkiisa ha tijaabiyo, dabadeedna faan ayuu iska heli doonaa oo ku kale kama heli doono.

    5Waayo, nin kastaaba waa inuu culaabtiisa qaato.

  • 14Waayo, sharciga oo dhammu hadal keliya buu ku dhammaaday, waana kan, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.

  • 25¶ Sidaas daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula hadlo, waayo, innaga midkeenba midka kale wuxuu u yahay xubnihiisa.

  • 17qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.

  • 32oo idinka midkiinba midka kale ha u roonaado, oo ha u qalbi jilicsanaado, idinkoo iscafiyaya sidii Ilaahba Masiixa idiinku cafiyey.

  • 2oo ayan ninna caayin oo noqon kuwa ilaaq badan, laakiinse dadka oo dhan roonaan iyo qaboobaan ha tuseen.

  • 25inaan jidhku qaybsanaan, laakiin in xubiniba xubinta kale u welwesho.

  • 9Waayo, waannu ku faraxnaa markaannu itaal yar nahay, idinkuna aad itaal weyn tihiin. Wax kalena Ilaah baannu ka baryayna oo waa kaamilnimadiinna.

  • 10¶ Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.

  • 9Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,

  • 69%

    2idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo.

  • 7Midkeenna naftiisa uma noola, midkeenna naftiisa uma dhinto.

  • 9Sidaa daraaddeed haddaynu joogno iyo haddaynu maqnaannoba aad baynu u doonaynaa inaynu isaga ka farxinno.

  • 14Dadkeennuna ha barto inay shuqullo wanaagsan ugu dadaalaan caawimaadda loo baahan yahay, inayan kuwo aan midho lahayn noqonin.

  • 7¶ Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano.

  • 3Annagu ninna wax uu ku turunturoodo uma dhigno, si aan adeegiddayada waxba looga sheegin.

  • 10Jacaylku xumaan kuma sameeyo deriskiisa; jacaylku haddaba waa oofinta sharciga.

  • 13Waayo, tan u odhan maayo in kuwa kale la daayo oo idinka laydin dhibo,

  • 14Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.