Rooma 4:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, haddii Ibraahim shuqullo xaq ku noqday, wax uu ku faano buu leeyahay ee Ilaah hortiisa ma aha.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 1:31 : 31 in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
  • 1 Kor 4:7 : 7 Waayo, yaa kaa soocay? Maxaad haysataa oo, aanad helin? Laakiin haddaad heshay, bal maxaad u faanaysaa sidii adigoo aan helin?
  • 1 Kor 9:16 : 16 Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin.
  • 2 Kor 5:12 : 12 Annagu haddana isu kiin ammaani mayno, laakiin waxaannu idin siinaynaa waxaad aawadayo ku faantaan, inaad lahaataan waxaad ugu jawaabtaan kuwa wejiga ku faana ee aan qalbiga ku faanin.
  • 2 Kor 11:12 : 12 Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.
  • 2 Kor 11:30 : 30 Hadday tahay inaan faano waxaan ku faanayaa waxyaalaha ku saabsan itaaldarradayda.
  • 2 Kor 12:1-9 : 1 ¶ Waa inaan faano in kastoo aanay waxtar lahayn, laakiin waxaan gaadhi doonaa riyooyin iyo waxa Rabbigu muujiyo. 2 Waxaan garanayaa nin Masiix ku jira oo afar iyo toban sannadood ka hor kor loo qaaday ilaa samada saddexaad. Inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 3 Oo waxaan garanayaa ninkaas, laakiin inuu jidhka ku jiray iyo inaanu jidhka ku jirin garan maayo, Ilaah baase garan. 4 Isaga kor baa loogu qaaday Firdooska, oo wuxuu maqlay erayo aan lagu hadlin oo aan nin loo idmin inuu ku hadlo. 5 Kaasoo kale xaggiisa waan ku faani doonaa, laakiin xaggayga kuma faani doono, itaaldarradayda mooyaane. 6 Waayo, haddaan dooni lahaa inaan faano, doqon ma ahaan doono, waayo, runtaan ku hadli doonaa; laakiin waan iska celiyaa inaanu qofna ii malayn mid ka weyn wuxuu igu arko ama iga maqlo. 7 ¶ Inaanan isu sarraysiin waxyaalaha lay muujiyey weynaantooda dheer aawadeed, waxaa lay siiyey wax jidhkayga muda oo ah mid Shayddaan uu soo diray inuu i kadeedo, si aanan isu sarraysiin. 8 Waxaas aawadiis saddex goor ayaan Rabbiga ka baryay in waxaasi iga fogaado. 9 Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego.
  • Bil 12:12-13 : 12 oo waxaa dhici doona in markii ay Masriyiintu ku arkaan, ay odhan doonaan, Waa naagtiisii tanu. Oo way i dili doonaan, laakiin adiga way ku dayn doonaan. 13 Waxaad ku tidhaahdaa, Walaashiis baan ahay; si ay iigu roonaadaan adiga aawadaa, oo ay naftaydu daraaddaa u noolaato.
  • Bil 12:18 : 18 Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii?
  • Bil 12:20 : 20 Fircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan.
  • Bil 20:9-9 : 9 Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo. 10 Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Maxaad aragtay oo aad waxan u samaysay? 11 Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan. 12 Oo weliba sida runta ah iyadu waa walaashay, waana gabadhii aabbahay, laakiin ma aha gabadhii hooyaday; waxayna noqotay naagtaydii. 13 Waxaana dhacay, markii Ilaah iga wareejiyey gurigii aabbahay, inaan ku idhi iyada, Raxmaddaada aad i tusi doonto waxay tahay inaad meel kastoo aynu tagnaba iga tidhaahdo, Waa walaalkay.
  • Yash 24:2 : 2 Oo Yashuuca wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Awowayaashiin waxay waa hore degganaan jireen Webigii shishadiisa, oo waxaa ka mid ahaa Terax oo ahaa aabbihii Ibraahim iyo Naaxoor; waxayna u adeegi jireen ilaahyo kale.
  • Yer 9:23-24 : 23 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin, 24 laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.
  • Yex 8:9 : 9 Oo isna wuxuu igu yidhi, Sii gal, oo bal fiiri waxyaalaha karaahiyada iyo sharka ah oo ay halkan ku samaynayaan.
  • Room 3:20-28 : 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga. 21 ¶ Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh. 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah; 24 iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay, 25 kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah; 26 waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan. 27 Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka. 28 Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga.
  • Room 15:17 : 17 Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah.
  • 1 Kor 1:29 : 29 si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa.
  • Gal 6:13-14 : 13 Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan. 14 Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.
  • Fil 3:9 : 9 oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,
  • Ef 2:9 : 9 laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin.
  • Gal 3:22 : 22 Laakiin Qorniinku wax walba dembiguu ku hoos xidhay in ballanka rumaysadka ee Ciise Masiix la siiyo kuwa rumaystay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 4:3-6
    4 aayado
    86%

    3Maxaa Qorniinku leeyahay? Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

    4Haddee kii shaqeeya abaalgudkiisa looguma tiriyo sida nimco laakiinse sida qaan oo kale.

    5Laakiin kii aan shaqayn illowse rumaysta kan xaq ka dhiga kuwa aan cibaadada lahayn, rumaysadkiisa waxaa lagu tiriyaa xaqnimo.

    6Sida Daa'uudna uga sheegayo barakadii ninkii Ilaah xaq u tiriyo shuqullola'aantood, isagoo leh,

  • 1¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa inuu helay Ibraahim oo awowgeennii hore ahaa xagga jidhka?

  • Yac 2:20-25
    6 aayado
    81%

    20Doqonow, ma doonaysaa inaad garatid in rumaysadka aan shuqullada lahaynu aanu waxba tarin?

    21Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey?

    22Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada.

    23Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah.

    24Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya.

    25Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay?

  • Gal 3:5-9
    5 aayado
    80%

    5Haddaba kan Ruuxa idin siiya oo shuqullada xoogga leh idinku dhex sameeyaa, ma wuxuu ku sameeyaa shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka?

    6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

    7Haddaba ogaada in kuwa rumaysadka lahu yihiin wiilashii Ibraahim.

    8Qorniinka oo hore u arkay in Ilaah quruumaha xaq kaga dhigi doono rumaysad, ayaa injiilka hore ugu sii sheegay Ibraahim isagoo leh, Quruumaha oo dhammi adigay kugu barakoobi doonaan.

    9Sidaas daraaddeed kuwa rumaysadka lahu waxay la barakaysan yihiin Ibraahimkii rumaystay.

  • Room 4:9-17
    9 aayado
    78%

    9¶ Haddaba barakadan miyaa lagaga hadlay kuwa gudan oo keliya, mise kuwa buuryoqabka ahna waa lagaga hadlay? Waayo, waxaannu nidhaahnaa, Ibraahim rumaysadkiisii waxaa loogu tiriyey xaqnimo.

    10Sidee baa haddaba loogu tiriyey? Ma markuu gudnaa, mise markuu buuryoqabka ahaa? Ma aha markuu gudnaa, laakiinse waa markuu buuryoqabka ahaa;

    11oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga,

    12iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.

    13¶ Waayo, ballankii lagula ballamay Ibraahim ama farcankiisii inuu ku noqdo kii dunida dhaxli lahaa, uguma iman sharciga, laakiinse wuxuu ugu yimid xaqnimada rumaysadka.

    14Waayo, haddii kuwa sharciga leh ay noqdaan kuwa dhaxalka leh, de markaas rumaysadkii waxaa laga dhigay wax aan waxtar lahayn, ballankiina waa la buriyey,

    15maxaa yeelay, sharcigu wuxuu keenaa cadho, laakiinse meeshii aan sharci jirin xadgudubna ma jiro.

    16¶ Taas daraaddeed waa xagga rumaysadka inay noqoto xagga nimcada, in ballanku hubaal u ahaado farcanka oo dhan; ee uusan u ahayn kan sharciga leh oo keliya, laakiinse inuu u ahaado kan leh rumaysadkii Ibraahim, kan aabbaha inoo ah kulligeen,

    17(sida qoran, Quruumo badan baan aabbe kaaga dhigay) Ilaaha uu rumaystay hortiisa, kan nooleeya kuwii dhintay oo u yeedha waxyaalaha aan jirin sida iyagoo jira.

  • Room 4:20-24
    5 aayado
    78%

    20Ballankii Ilaah rumaysaddarro kagama uu shakiyin, laakiinse rumaysad buu ku xoogaystay, isagoo Ilaah ammaanaya

    21oo aad u huba in wixii uu u ballanqaaday uu samayn karo.

    22Sidaas daraaddeedna waxaa loogu tiriyey xaqnimo.

    23Wixii loo tiriyey looma qorin isaga aawadiis oo keliya,

    24laakiin waxaa loo qoray innaga aawadeenna. Waa loo tirin doonaa kuweenna rumaysan kii kuwii dhintay ka soo sara kiciyey Rabbigeenna Ciise,

  • 77%

    9laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga shuqullada, si aan ninna ugu faanin.

  • Room 3:26-28
    3 aayado
    77%

    26waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan.

    27Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka.

    28Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga.

  • Gal 2:16-17
    2 aayado
    77%

    16ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.

    17Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!

  • 6Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo.

  • 11Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

  • 6Laakiinse haddii nimco lagu doortay, de haddaba ma aha mar dambe xagga shuqullada, haddii kalese nimcadu mar dambe nimco ma aha.

  • 30¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo;

  • 20Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

  • 18Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.

  • 13waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa.

  • 29si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa.

  • 31in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.

  • 21Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed innagoo xaq laynagaga dhigay rumaysad, nabad baynu xagga Ilaah ku haysannaa Rabbigeenna Ciise Masiix;

  • 17Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

  • 9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,

  • 4Laakiin nin kastaa shuqulkiisa ha tijaabiyo, dabadeedna faan ayuu iska heli doonaa oo ku kale kama heli doono.