Rooma 7:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, waxaan samaynayo garan maayo, maxaa yeelay, ma sameeyo wixii aan doonayo, laakiin waxaan sameeyaa wixii aan necbahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Gal 5:17 : 17 Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.
  • Fil 3:12-14 : 12 Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay. 13 Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya. 14 Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix.
  • 2 Tim 2:19 : 19 Habase yeeshee aasaaskii adkaa oo Ilaah dhigay wuu taagan yahay, isagoo leh sumaddan, Rabbigu wuu yaqaan kuwiisa; oo mid kasta oo magaca Rabbiga soo qaada xaqnimola'aanta ha ka tago.
  • Cib 1:9 : 9 Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
  • Yac 3:2 : 2 Waayo, dhammaanteen wax badan baynu ku gafnaa. Haddii nin ku gafi waayo hadalka, kaasu waa nin kaamil ah, wuuna xakamayn karaa jidhka oo dhan.
  • 1 Yoox 1:7-8 : 7 Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan. 8 Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.
  • Yuud 1:23 : 23 qaarna dabka ka dhufta oo badbaadiya, qaarna u naxariista idinkoo cabsanaya oo nacaya xataa dharka jiidhka ku wasakhoobay.
  • Wacd 7:20 : 20 Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.
  • Nax 1:7 : 7 Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo wakhtigii dhib jirona waa qalcad, wuuna garanayaa kuwa isaga isku halleeya.
  • Room 12:9 : 9 ¶ Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.
  • Room 14:22 : 22 Rumaysadka aad leedahay, Ilaah hortiis u hayso. Waxaa faraxsan kii aan isku xukumin wixii la qumman isaga.
  • Room 7:16 : 16 Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay.
  • Room 7:19-20 : 19 Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa. 20 Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.
  • Aam 5:15 : 15 Sharka nebcaada, oo wanaagga jeclaada, oo caddaalad iridda ku sameeya, waayo, waxaa suurtowda in Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu uu u roonaado kuwa reer Yuusuf ka hadhay.
  • 1 Boq 8:46 : 46 Haddii ay kugu dembaabaan, waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, oo aad u cadhootid, oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan cadowga dalkiisii, ama ha dhowaado ama ha dheeraadee;
  • Sab 1:6 : 6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
  • Sab 19:12 : 12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara? Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
  • Sab 36:4 : 4 Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.
  • Sab 65:3 : 3 Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.
  • Sab 97:10 : 10 Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada, Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.
  • Sab 101:3 : 3 Indhahayga hortooda wax xun ma dhigi doono, Waan necbahay kuwa leexda shuqulkooda, Oo innaba iguma dhegi doono.
  • Sab 119:1-6 : 1 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda. 2 Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan. 3 Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan. 4 Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno. 5 Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro! 6 Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
  • Sab 119:32 : 32 Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
  • Sab 119:40 : 40 Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
  • Sab 119:104 : 104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
  • Sab 119:113 : 113 Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
  • Sab 119:128 : 128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
  • Sab 119:163 : 163 Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
  • Maah 8:13 : 13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
  • Maah 13:5 : 5 Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
  • Luuk 11:48 : 48 Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 7:16-25
    10 aayado
    91%

    16Laakiin haddaan sameeyo waxa aanan doonayn, de markaas waxaan gartay in sharcigu wanaagsan yahay.

    17Haddabase haatan ma aha aniga kan waxaas sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.

    18Waayo, waan ogahay inaan wax wanaagsanu igu dhex jirin, taas waxaan ula jeedaa, jidhkayga wax wanaagsanu kuma jiraan, waayo, waan ku talo jiraa inaan waxa wanaagsan sameeyo, laakiin ma sameeyo.

    19Waayo, waxa wanaagsan oo aan doonayo inaan falo, ma sameeyo, laakiinse waxa sharka ah oo aanan doonayn inaan falo, ayaan sameeyaa.

    20Laakiin haddaan sameeyo wixii aanan doonayn inaan falo, de haatan ma aha aniga kan sameeyaa, laakiinse waa dembiga igu dhex jira.

    21Haddee waxaan arkaa qaynuunka in shar ila jiro in kastoo aan doonayo inaan waxa wanaagsan sameeyo.

    22Waayo, sharciga Ilaah ayaan kaga farxaa ninka gudaha ah.

    23Laakiin waxaan xubnahayga ka arkaa qaynuun kale, isagoo la dagaallamaya qaynuunka maankayga oo maxbuus iiga dhigaya qaynuunka dembiga oo xubnahayga ku jira.

    24Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?

    25Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inuu Rabbigeen Ciise Masiix igu furan doono. Sidaas daraaddeed aniga qudhaydu waxaan maankayga ugu adeegaa sharciga Ilaah; laakiinse waxaan jidhka ugu adeegaa qaynuunka dembiga.

  • Room 7:5-14
    10 aayado
    81%

    5Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho.

    6Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.

    7¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.

    8Dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka dhexdayda kaga falay damac xun oo kasta; waayo, sharciga la'aantiis dembigu waa meyd.

    9Waa baan noolaa sharciga la'aantiis, laakiin markii amarku yimid, dembigu waa soo noolaaday, aniguna waan dhintay.

    10Amarkii nolosha ii geeyn lahaa, waxaan gartay inuu dhimasho ii geeynayo.

    11Waayo, dembigu, isagoo wakhti helay, ayuu amarka igu khiyaaneeyey, wuuna igu dilay.

    12Haddabase sharcigu waa quduus, amarkuna waa quduus, waana xaq, wuuna wanaagsan yahay.

    13Haddaba wixii wanaagsanaa miyey dhimasho ii noqdeen? Ma suurtowdo! Laakiin dembigu, inuu muuqdo inuu dembi yahay, ayuu wax wanaagsan igaga dhex shaqeeyey oo dhimasho ii keenay, in dembigu amarka ku noqdo dembi miidhan.

    14¶ Waayo, waxaynu og nahay in sharcigu ku saabsan yahay ruuxa, laakiinse anigu waxaan ahay mid jidhka raaca oo lagu iibiyey dembiga hoostiisa.

  • 17Waayo, damaca jidhku waa ka gees Ruuxa, Ruuxuna waa ka gees jidhka, maxaa yeelay, kuwanu waa kala gees, si aydnaan u samayn waxyaalahaad doonaysaan.

  • 1 Kor 4:3-4
    2 aayado
    70%

    3Laakiin waa ila yar tahay inaad idinku i xukuntaan ama in dad kale i xukumo; xataa aniga qudhaydu isma xukumo.

    4Waayo, waxba iskuma ogi, laakiinse ma aha taas aawadeed in xaq layga dhigay, waayo, waa Rabbiga kan i xukumaa.

  • Gal 2:18-19
    2 aayado
    70%

    18Waayo, haddaan mar kale dhiso waxyaalihii aan dumiyey, waxaan isku caddaynayaa inaan ahay mid xad gudbay.

    19Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.

  • Room 8:2-3
    2 aayado
    69%

    2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.

    3Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,

  • 69%

    11Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan.

    12Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.

  • Room 6:15-16
    2 aayado
    69%

    15¶ Waa sidee haddaba? Sharciga kuma hoos jirno, oo waxaynu ku hoos jirnaa nimcada, sidaas daraaddeed miyaan dembaabnaa? Yaanay noqon!

    16Ma waydaan ogayn inaad addoommo u tihiin kii aad isu siisaan sida addoommo addeeca, oo aad addoommadiisa tihiin kii aad addeecdaan, ama ha noqoto dembiga idiin kaxeeya xagga dhimashada ama addeecidda idiin kaxaysa xagga xaqnimada?

  • 17Haddaba kii garanaya inuu wax wanaagsan sameeyo laakiin aan samayn, dembi bay u tahay isaga.

  • 15Idinku waxaad wax ka xukuntaan xagga jidhka, aniguse ninna ma xukumo.

  • 7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

  • 12¶ Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.

  • 22Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo.

  • 7Runta Ilaah hadday beentayda ugu badatay ammaantiisa, de maxaa aniga haddana weli la iigu xukumaa sida mid dembi leh?

  • 27Laakiin jidhkaygaan dhibaa oo addoon ka dhigaa si markaan qaar kale injiilka ku wacdiyo aan qudhayda lay diidin.

  • Room 9:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa

    2in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed, nin yahow, marmarsiinyo ma lihid ku kastoo aad tahayba kaaga wax xukuma; maxaa yeelay, meeshii aad ku kale ku xukuntid, waad isku xukumaysaa, waayo, kaaga wax xukumaa, waxaad samaysaa isla wixii.

  • 32Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

  • 12¶ Sidaas daraaddeed dembigu yuusan jidhkiinna dhimanaya u talin inaad damacyadiisa xunxun addeecdaan.

  • 16Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale.

  • 20Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.

  • Room 2:14-15
    2 aayado
    66%

    14Markii dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan sharciga lahaynu, ay dabiicadda ka sameeyaan waxyaalaha sharciga, kuwan aan sharciga lahaynu waa isu sharci.

    15Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo,

  • 20Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

  • 1¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato?

  • 1¶ Ninna ha xukumina inaan laydin xukumin.