Rooma 7:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed inta ninkeedu nool yahay, hadday nin kale naag u noqoto, waxaa loogu yeedhi doonaa dhillo, laakiinse ninkeedu hadduu dhinto, sharciga way ka furan tahay, oo sidaas daraaddeed dhillo ma aha in kastoo ay nin kale naag u noqoto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 5:32 : 32 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.
  • Mark 10:6-9 : 6 Laakiin tan iyo bilowgii abuurniinta, Ilaah wuxuu sameeyey lab iyo dhaddig. 7 Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa. 8 Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. 9 Haddaba wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin. 10 Goortay guriga ku jireen, xertiisii ayaa haddana waxaas wax ka weyddiiyeen. 11 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa oo mid kale guursadaa ayaa ka sinaysta. 12 Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.
  • Yoox 8:3-5 : 3 Culimmadii iyo Farrisiintii waxay u keeneen naag sino lagu qabtay. Markaasay dhexda joojiyeen, 4 oo waxay isagii ku yidhaahdeen, Macallimow, naagtan waxaa lagu qabtay sino. 5 Hadda Muuse wuxuu sharciga nagu amray in la dhagxiyo tan oo kale, adiguse maxaad ka leedahay iyada?
  • 1 Tim 5:11-14 : 11 Laakiinse carmallada dhallintayar diid, waayo, markay qooqaan ayay ka jeestaan Masiixa, oo waxay doonayaan inay guursadaan. 12 Iimaankoodii hore way naceen, oo sidaas daraaddeed waa la xukumay. 13 Waxay kaloo weliba bartaan inay caajisiin noqdaan, iyagoo iska wareegaya oo guriba guri uga baxaya; caajisiin oo keliyana ma ahaye, weliba way warsheeko badan yihiin, oo axwaalka dadka kalena way faraggeliyaan, iyagoo ku hadlaya waxyaalo aan waajib ku ahayn. 14 Haddaba waxaan doonayaa inay carmallada dhallintayaru guursadaan, oo carruur dhalaan, oo gurigooda u taliyaan, oo ayan cadowga isu jebin inuu caayo.
  • Bax 20:14 : 14 ¶ Waa inaanad sinaysan.
  • Laaw 20:10 : 10 Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.
  • Tir 5:13-31 : 13 oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii, 14 oo markaas haddii masayr ku soo dego ninka oo uu naagtiisa ka masayro oo ay iyadu nijaasowday, amase haddii masayr ku soo dego oo uu naagtiisa ka masayro oo ayan iyadu nijaasoobin, 15 markaas ninku waa inuu naagtiisa wadaadka u keenaa, oo iyada aawadeed qurbaan ugu keenaa eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis bur shaciir ah. Isagu waa inuusan saliidna ku shubin amase foox saarin, waayo, taasu waxa weeye qurbaankii masayrka, waana qurbaan xusuuseed oo dembiga lagu soo xusuusto. 16 Markaas wadaadku waa inuu iyada soo dhoweeyaa oo Rabbiga hortiisa keenaa. 17 Oo markaas wadaadku waa inuu biyo quduus ah weel dhoobo ah ku qaadaa, oo ciidda taambuugga dhulkiisa taalna waa in wadaadku qaadaa oo biyaha ku shubaa, 18 oo markaas waa in wadaadku naagta keenaa Rabbiga hortiisa, oo naagta timaheeduna ha furfurnaadaan, oo qurbaankii xusuuseedna gacmaheeda ha ku rido, kaasoo ah qurbaankii masayrka. Wadaadkuna gacanta ha ku haysto biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo. 19 Oo markaas wadaadku iyada ha dhaariyo, oo ha ku yidhaahdo naagta, Hadduusan nin kale kula jiifsan, oo aadan nijaaso ku leexan, adoo ninkaaga ka dambayn lahaa, ka xorow biyahan qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo, 20 laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane, 21 markaas wadaadku waa inuu naagta ku dhaariyaa dhaar habaar ah, oo wadaadku naagta ha ku yidhaahdo, Markuu Rabbigu bowdadaada hilib beeliyo oo uu calooshaada barariyo, dadkaaga dhexdiisa ha kaaga dhigo habaar iyo dhaar, 22 oo biyahan habaarka kiciyaa way ku geli doonaan, oo calooshaaday bararin doonaan, bowdadaadana way hilib beelin doonaan. Oo naagtuna waa inay tidhaahdaa, Aamiin, Aamiin. 23 Oo wadaadkiina waa inuu habaarradaas buug ku qoraa, oo uu biyaha qadhaadhka ah ku baabbi'iyaa. 24 Oo waa inuu naagta cabsiiyaa biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciya, oo biyaha habaarka kiciyaa ayaa iyada geli doona oo qadhaadh bay noqon doonaan. 25 Oo markaas wadaadku waa inuu qurbaankii masayrka naagta gacanteeda ka qaadaa oo Rabbiga hortiisa ku ruxruxaa, oo markaas waa inuu meesha allabariga keenaa. 26 Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa cantoobo muggeed oo qurbaanka xusuuseed ah, oo waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, oo haddana naagta biyaha cabsiiyaa. 27 Oo markuu iyada biyaha cabsiiyo markaas hadday iyadu nijaasowday, oo ay ninkeeda ku xadgudubtay, biyaha habaarka kiciya iyaday geli doonaan oo qadhaadh bay noqon doonaan, oo caloosheedu way barari doontaa oo bowdadeeduna way hilib beeli doontaa; oo naagtu waxay dadkeeda ku dhex ahaan doontaa habaar. 28 Laakiinse naagtu haddaanay nijaasoobin illowse ay daahir tahay, markaas iyadu xor bay ahaanaysaa, wayna uuraysanaysaa. 29 Kanu waa sharciga ku saabsan masayrka haddii naagu iyadoo ninkeeda ka dambayn lahayd ka leexato oo ay nijaasowdo, 30 ama haddii masayr ku soo dego nin, oo uu naagtiisa ka masayro, de markaas waa inuu naagta Rabbiga hor keenaa, oo wadaadku waa inuu iyada sharcigaas oo dhan ku oofiyaa. 31 Oo markaas ninku dembi xor buu ka ahaanayaa, oo naagtaasuna dembigeeda way qaadan doontaa.
  • Sharc 22:22-24 : 22 ¶ Oo haddii la helo nin la jiifa naag nin kale qabo, markaas labadooduba waa inay dhintaan, ninkii naagta la jiifsaday iyo naagtaba, oo sidaas waa inaad sharka reer binu Israa'iil dhexdooda uga saartaan. 23 ¶ Oo haddii nin magaalada dhexdeeda ka helo gabadh bikrad ah oo nin kale u doonan, oo uu iyada la jiifsado, 24 markaas labadoodaba waa inaad soo bixisaan oo keentaan magaaladaas iriddeeda, oo waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan, maxaa yeelay, gabadhu magaaladay joogtay, mana ay qaylin, ninkuna ceeb buu ku hoosaysiiyey tii deriskiisa u doonanayd, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
  • Ruud 2:13 : 13 Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.
  • 1 Sam 25:39-42 : 39 Oo Daa'uudna markuu maqlay in Naabaal dhintay ayuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbigii Naabaal caydii uu i caayay iiga soo aarguday, oo anoo addoonkiisa ah shar iga celiyey; Naabaalna xumaantii uu samaynayay Rabbigu isaguu ku celiyey. Markaasuu Daa'uud cid u diray Abiigayil oo kala hadlay siduu u guursan lahaa. 40 Oo addoommadii Daa'uudna markay Abiigayil ugu yimaadeen Karmel, intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Daa'uud baa noogu kaa soo diray inuu ku guursado. 41 Markaasay kacday oo intay sujuudday ayay wejigeeda dhulka saartay, oo waxay tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah waxaan ahay midiidin cagaha u maydha addoommada sayidkayga. 42 Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo kacday, oo waxay fuushay dameer, iyadoo wadata shan gabdhood oo kuweed ah oo la socda; oo iyana wargeeyayaashii Daa'uud bay daba gashay, waxayna noqotay naagtiisii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 7:1-2
    2 aayado
    93%

    1¶ Mise ma waydaan ogayn, walaalayaalow, in sharcigu nin u taliyo intuu nool yahay oo keliya? (Waxaan la hadlayaa dadka sharciga yaqaan.)

    2Naagtii nin luhu sharcigay ugu xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiinse mar haddii ninku dhinto, way ka furan tahay sharcigii ninka.

  • 87%

    38Sidaasna kii bikraddiisa u guuriyaa si wanaagsan ayuu falaa, iyo kii bikraddiisa aan u guurinin si ka wanaagsan ayuu falaa.

    39Naag waxay ku xidhan tahay ninkeeda intuu nool yahay, laakiin haddii ninku dhinto, waa xor inay guursato kay doonto laakiin xagga Rabbiga oo keliya.

    40Laakiin way ka sii faraxsanaan lahayd hadday iska joogto, siday aniga ila tahay, oo anigu waxaan u malaynayaa inaan Ruuxa Ilaah leeyahay.

  • Room 7:4-7
    4 aayado
    84%

    4Sidaas daraaddeed, walaalahayow, jidhkii Masiixa baa meyd idinka dhigay xagga sharciga, in mid kale idin lahaado, oo ah kii kuwii dhintay laga sara kiciyey inaynu Ilaah midho u soo bixinno.

    5Waayo, markii aynu jidhka ku dhex jirnay, damacyadii dembiyada ee sharciga ka yimid waxay ka dhex shaqaynayeen xubnaheenna inay midho u soo bixiyaan dhimasho.

    6Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.

    7¶ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Sharcigu ma dembi baa? Ma suurtowdo! Hase ahaatee, dembi ma aanan garteen, sharcigaan ku gartay mooyaane, damaca xun ma aanan garteen haddaan sharcigu i odhan, Waa inaadan wax damcin.

  • 1 Kor 7:8-16
    9 aayado
    79%

    8¶ Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan,

    9laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.

    10Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.

    11Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.

    12¶ Kuwa kale anigu waxaan ku leeyahay ee ma aha Rabbiga, Hadduu mid walaal ah qabo afo aan rumaysanayn, oo ayna raalli ka tahay inay la joogto, yaanu ka tegin.

    13Oo afadii nin aan rumaysanayni qabo oo isna raalli ka yahay inuu la joogo, yaanay ninkeeda ka tegin.

    14Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu quduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay quduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen, laakiin haatan waa quduus.

    15Laakiin haddii kan aan rumaysanayni tago, ha iska tago. Waxaas oo kale walaalka ama walaashu uma xidhxidhna. Ilaah wuxuu inoogu yeedhay nabad.

    16Waayo, sidee baad ku garanaysaa, naag yahay, inaad ninkaaga badbaadin doonto iyo in kale? Ama sidee baad ku garanaysaa, nin yahow, inaad naagtaada badbaadin doonto iyo in kale?

  • 78%

    11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa oo mid kale guursadaa ayaa ka sinaysta.

    12Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.

  • 78%

    27Miyaad naag ku xidhan tahay? Ha doonin inaad ka furnaato. Miyaad naag ka furan tahay? Ha doonin naag.

    28Laakiin haddaad guursatid ma aad dembaabin, bikraduna hadday guursato ma ay dembaabin, laakiin kuwaas oo kale xagga jidhka dhib bay ka heli doonaan, laakiin dhibtaasaan idinka celin lahaa.

    29Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin;

  • Sharc 24:1-3
    3 aayado
    77%

    1¶ Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo.

    2Oo iyadu markay gurigiisa ka tagto way tegi kartaa oo nin kale naagtiis way noqon kartaa.

    3Oo ninka dambena hadduu iyada nebcaado, oo uu qoro warqaddii furniinta, oo uu iyada gacanta u geliyo, oo uu gurigiisana ka eryo, amase haddii ninka dambe oo iyada guursaday uu dhinto,

  • 18Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.

  • 2Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.

  • Mat 22:25-26
    2 aayado
    74%

    25Waxaa nala jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey ayaa guursaday, wuuna dhintay, dhalna ma lahayn, wuxuuna naagtiisii uga tegey walaalkiis.

    26Sidaas oo kalaa ku dhacday kii labaad, iyo kii saddexaad ilaa kii toddobaad.

  • 4Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.

  • 6Oo hadday nin leedahay iyadoo ay kor saaran yihiin nidarradeedii iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay,

  • 33Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.

  • 73%

    33Laakiin kii guursaday wuxuu u welwelaa waxyaalaha dunida siduu afadiisa uga farxin lahaa.

    34Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay quduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso.

  • 9Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa.

  • 36Nin uun hadduu u maleeyo inuu wax aan toosnayn ku falayo xagga bikraddiisa, hadday wakhtigii dhallinyaronimadeedii dhaafto oo sidaas loo baahnaado, ha sameeyo wuxuu dooni lahaa. Dembaabi maayo ee ha guursadeen.

  • 23Wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay iyaga kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.

  • Mat 5:31-32
    2 aayado
    73%

    31Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo.

    32Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

  • 28Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada.

  • 9Laakiinse carmal laga dhintay, amase tii la furay, nidarkeeda iyo xataa waxa kastoo ay nafteeda ku xidhayba way taagnaan doonaan.

  • 7Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo?

  • 13oo haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii,

  • 20laakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane,

  • 29Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan.

  • 29Kanu waa sharciga ku saabsan masayrka haddii naagu iyadoo ninkeeda ka dambayn lahayd ka leexato oo ay nijaasowdo,

  • 7Waayo, kii dhintay dembi wuu ka xoroobay oo xaq baa laga dhigay.

  • 16Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.

  • 11Oo hadduusan saddexdaas iyada u samayn, markaas lacagla'aan ha ku baxdo.