Rooma 8:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 But 3:13 : 13 Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.
  • Fal 3:21 : 21 kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii.
  • Muj 22:3-5 : 3 Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan, 4 oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda. 5 Oo mar dambe habeen ma jiri doono, oo iyana uma baahnaan doonaan laambad iftiinkeed iyo iftiinka qorraxda toona; waayo, waxaa iyaga iftiimin doona Rabbiga Ilaaha ah, oo iyana waxay talin doonaan weligood iyo weligood.
  • Room 8:19 : 19 Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah.
  • Muj 21:1 : 1 ¶ Oo waxaan arkay samo cusub iyo dhul cusub; waayo, samadii hore iyo dhulkii hore way dhammaadeen; oo baddiina mar dambe ma ay jirin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 8:14-20
    7 aayado
    85%

    14¶ In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah.

    15Waayo, ma aydnaan helin ruuxa addoonnimada inaad mar kale cabsataan, laakiinse waxaad hesheen Ruuxa carruur idinka dhigay, kan aynu ku qaylinno Aabbow.

    16Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah.

    17Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.

    18¶ Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.

    19Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah.

    20Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis,

  • Room 8:22-23
    2 aayado
    84%

    22Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan.

    23Iyagoo keliya ma aha, laakiin innagana waa sidaas oo kale, kuweenna haysta midhihii ugu horreeyey ee Ruuxa, xataa innaga qudheennu dhexdeenna ayaynu ka taahnaa, innagoo sugayna carruurnoqoshadeenna, taasu waxaa weeyaan samatabbixinta jidhkeenna.

  • Room 8:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.

    2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.

    3Waayo, wax aan sharcigu samayn karayn, maxaa yeelay, wuu itaaldarnaa jidhka aawadiis, ayaa Ilaah sameeyey isagoo Wiilkiisa ku soo diraya u-ekaantii jidhka dembiga leh oo u soo diraya dembiga aawadiis, wuxuuna xukumay dembigii jidhka ku jiray,

  • 21Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.

  • 19oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada.

  • 36Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan.

  • 1¶ Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.

  • Room 1:23-25
    3 aayado
    70%

    23Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.

    24¶ Taas aawadeed iyagoo qalbigooda wax xun ka damacsan, Ilaah wuxuu u daayay wasakhnimo in dhexdooda jidhkoodu ku maamuus jabo;

    25maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin.

  • 22Laakiin haatan idinkoo dembi laydinka xoreeyey oo aad addoommadii Ilaah noqoteen, waxaad midho ku haysataan quduusnaanta, oo ugu dambaysteeduna waa nolosha weligeed ah.

  • 18oo idinkoo dembiga laydinka xoreeyey, xaqnimada ayaad addoommo u noqoteen.

  • 31Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.

  • 7Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

  • 2 But 1:3-4
    2 aayado
    69%

    3¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.

    4Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.

  • 18Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.

  • 3Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida;

  • 4Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.

  • Room 8:29-31
    3 aayado
    68%

    29Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.

    30Oo kuwuu hore u doortayna, haddana wuu u yeedhay, kuwuu u yeedhayna, haddana xaq buu ka dhigay, kuwuu xaq ka dhigayna, haddana wuu ammaanay.

    31¶ Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?

  • 5inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo.

  • Room 1:19-20
    2 aayado
    68%

    19maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.

    20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.

  • 20Waayo, markaad addoommadii dembiga ahaan jirteen, xagga xaqnimada waxaad ahaydeen xor.

  • 24Nin belaysan baan ahay. Yaa iga furan doona jidhkan dhimashada leh?

  • 17Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah.

  • 39ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 15iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada.

  • 13Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,

  • 23iyo inuu hodantinimadii ammaantiisa ogeysiiyo weelasha naxariista oo uu hore ugu diyaariyey ammaanta,

  • 18Laakiin dhammaanteen innagoo aan indho shareernayn, ammaanta Rabbiga ayaynu arkaynaa sidii oo muraayad lagu arko, oo isu-ekaanta ayaa laynoo roogayaa, ammaan ilaa ammaan, sida tan xagga Rabbiga Ruuxa ah ka timaada.

  • 4kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah.

  • 32Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.

  • 42Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla'aan.

  • 2Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.

  • 24iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay,

  • 53Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta.

  • 15inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,

  • 10Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed.