Ruud 2:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ruud 4:21 : 21 Salmoonna wuxuu dhalay Bocas, Bocasna wuxuu dhalay Coobeed;
  • Ruud 3:2 : 2 Haddaba sow Bocas oo ka mid ah xigaalkayaga ma joogo kaasoo aad addoommihiisii la joogtay? Bal eeg, caawa wuxuu shaciir ku haadinayaa meesha wax lagu tumo.
  • Ruud 3:12 : 12 Haddaba inaan anigu ahay xigaal kuu dhow waa run, habase yeeshee waxaa jira nin xigaal ah oo iiga kaa sii dhow.
  • Mat 1:5 : 5 Salmoonna wuxuu Raxab ka dhalay Bocas, Bocasna wuxuu Ruud ka dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,
  • 1 Taar 2:10-12 : 10 ¶ Oo Raam wuxuu dhalay Cammiinaadaab, Cammiinaadaabna wuxuu dhalay Naxshoon, oo reer Yahuudah amiir u ahaan jiray. 11 Oo Naxshoon wuxuu dhalay Salmaa, Salmaana wuxuu dhalay Bocas, 12 Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,
  • Ayuub 1:3 : 3 Oo weliba xoolihiisuna waxay ahaayeen toddoba kun oo ido ah, iyo saddex kun oo geel ah, iyo shan boqol oo dibi oo laba laba ah, iyo shan boqol oo dameerood oo dhaddig ah, oo weliba wuxuu kaloo lahaa addoommo aad u badan, oo sidaas daraaddeed ninkaasu wuxuu ahaa kan ugu wada weyn dadka bariga oo dhan.
  • Ayuub 31:25 : 25 Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,
  • Sharc 8:17-18 : 17 waaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay. 18 Laakiinse waa inaad xusuusataan Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, kan xoogga aad maalka ku heshaan idin siiyaa waa isaga, inuu adkeeyo axdigii uu awowayaashiin ugu dhaartay, siday maanta tahay.
  • Xaak 12:8-9 : 8 ¶ Isaga dabadiisna waxaa reer binu Israa'iil xukumi jiray Ibsaan oo ahaa reer Beytlaxam. 9 Oo wuxuu lahaa soddon wiil, oo soddon gabdhoodna wuu bixiyey, soddon gabdhoodna wiilashiisuu dibadda uga keenay. Oo isna reer binu Israa'iil wuxuu xukumayay toddoba sannadood. 10 Markaasuu Ibsaan dhintay, oo waxaa lagu aasay Beytlaxam.
  • Ruud 1:2 : 2 Oo ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Eliimeleg, naagtiisana waxaa la odhan jiray Nimco, labadiisa wiil magacyadooduna waxay ahaayeen Maxloon iyo Kilyoon, oo qoladooduna waxay ahayd reer Efraad oo Beytlaxam Yahuudah ka yimid. Oo waxay soo galeen waddankii Moo'aab, oo halkaasay iska degeen.
  • Luuk 3:32 : 32 kan ahaa ina Yesay, kan ahaa ina Coobeed, kan ahaa ina Bocas, kan ahaa ina Salmoon, kan ahaa ina Naasoon,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ruud 2:2-8
    7 aayado
    85%

    2Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay Nimco ku tidhi, Bal i daa aan beerta tagee, oo kii iga raalli noqda, intaan raaco, aan hadhuudh ka soo xaabxaabee. Oo iyana waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tag.

    3Markaasay tagtay, oo markay timid, kuwii beerta gooynayay ayay dabadood beertii xaabxaabtay. Oo nasiibkeeduna waxaa weeye inay timaado beertii uu lahaa Bocas oo ahaa reer Eliimeleg.

    4Oo bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo.

    5Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo?

    6Markaasaa midiidinkii kuwii beerta gooynayay madaxda u ahaa wuxuu Bocas ugu jawaabay, Waa gabadhii reer Moo'aab ee Nimco kala soo noqotay waddankii reer Moo'aab.

    7Oo waxay igu tidhi, Waan ku baryayaaye aan beerta xaabxaabo, oo aan kuwa beerta gooynaya dabadood xidmooyinka wax ka dhex urursado. Taas aawadeed way timid, oo wax bay urursanaysay subaxdii ilaa haatan, in yar oo ay guriga ku maqnayd mooyaane.

    8Markaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog.

  • Ruud 2:18-23
    6 aayado
    83%

    18Markaasay kor u qaadatay oo magaaladii gashay; oo soddohdeedna way aragtay wixii ay soo xaabxaabtay; oo waxay u soo bixisay oo siisay wixii ay hambaysay markay dheregtay.

    19Markaasaa soddohdeed waxay ku tidhi, Xaggee baad maanta wax ka soo xaabxaabtay? Oo xaggee baad ka shaqaysay? Ha barakaysnaado kii ku gartay. Oo iyana waxay soddohdeed u sheegtay kii ay la shaqaysay, oo waxay ku tidhi, Ninkii aan maanta la shaqeeyey magiciisa waxaa la yidhaahdaa Bocas.

    20Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii ay soddohda u ahayd, Rabbigu ha barakeeyo kan aan roonaantiisa ka dayn kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Oo Nimco waxay ku tidhi iyadii, Ninku waa noo dhow yahay oo waa xigaalkayo, oo waa qaraabadayada noo dhow midkood.

    21Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay tidhi, Oo weliba wuxuu igu yidhi, Waa inaad la joogtaa raggayga dhallinyarada ah ilaa ay dhammeeyaan beertayda ay gooynayaan.

    22Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii Ruud oo ay soddohda u ahayd, Gabadhaydiiyey, waa wanaagsan tahay inaad gabdhihiisa raacdid oo aan lagugula kulmin beer kaleto.

    23Sidaas daraaddeed waxay la sii joogtay gabdhihii Bocas inay xaabxaabto beerta ilaa gooyntii shaciirka iyo gooyntii sarreenkuba dhammaadeen, oo waxayna la degganayd soddohdeed.

  • Ruud 1:1-9
    9 aayado
    82%

    1¶ Waagii xaakinnadu wax xukumi jireen abaar baa dalkii ka dhacday. Markaasaa nin Beytlaxam Yahuudah ka tegey, oo wuxuu qariib ahaan u degay waddankii Moo'aab, isagii iyo naagtiisii, iyo labadiisii wiilba.

    2Oo ninkaas magiciisu wuxuu ahaa Eliimeleg, naagtiisana waxaa la odhan jiray Nimco, labadiisa wiil magacyadooduna waxay ahaayeen Maxloon iyo Kilyoon, oo qoladooduna waxay ahayd reer Efraad oo Beytlaxam Yahuudah ka yimid. Oo waxay soo galeen waddankii Moo'aab, oo halkaasay iska degeen.

    3Markaasaa waxaa dhintay Eliimeleg oo ahaa Nimco ninkeedii, oo waxaa hadhay iyadii iyo labadeedii wiil.

    4Oo iyana waxay naago ka guursadeen dumarkii reer Moo'aab; oo naagahoodii mid magaceedii waxaa la odhan jiray Corfah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Ruud; oo waxay halkaas degganaayeen intii toban sannadood ku dhow.

    5Oo haddana Maxloon iyo Kilyoon labadiiba way dhinteen; oo naagtii waxaa ka dhintay labadeedii carruur ahayd iyo ninkeedii.

    6¶ Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey.

    7Oo markaasay meeshii ay joogtay ka tagtay, oo labadii gabdhood oo ay soddohda u ahaydna way la socdeen; oo jidkay qaadeen inay ku noqdaan dalkii reer Yahuudah.

    8Markaasaa Nimco waxay ku tidhi labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd, Taga oo middiin kastaaba ha ku noqoto gurigii hooyadeed; oo Rabbigu si raxmad leh ha idiin yeelo taasoo ah sidii aad ula macaamilooteen kuwii dhintay iyo anigaba.

    9Rabbigu middiin kastaba nasasho ha ku siiyo guriga ninkeeda. Oo markaasay iyagii dhunkatay; oo iyana codkoodii bay kor u qaadeen oo ooyeen.

  • Ruud 4:1-6
    6 aayado
    81%

    1¶ Markaasaa Bocas wuxuu tegey iriddii magaalada, oo halkaasuu fadhiistay; oo bal eeg waxaa ag yimid ninkii Bocas ka hadlay ee ahaa xigaalka uga dhow. Markaasuu wuxuu ku yidhi, War, hebelow, soo leexo, oo bal kaalay, halkan fadhiiso. Kolkaasuu soo leexday oo fadhiistay.

    2Markaasuu wuxuu soo kaxaystay toban nin oo odayaashii magaalada ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal halkan fadhiista, oo iyana way fadhiisteen.

    3Markaasuu wuxuu ku yidhi ninkii xigaalka u dhow ahaa, Nimco oo ka soo noqotay waddankii reer Moo'aab ayaa iibinaysa jagadii dhulka ahayd ee uu lahaa walaalkeen Eliimeleg.

    4Oo waxay ila noqotay inaan ku ogeysiiyo inaad ku iibsato kuwa halkan fadhiya iyo odayaasha dadkayga hortooda. Haddaad doonaysid inaad iibsatid, iibso, laakiinse haddaanad doonaynin inaad iibsatid ii sheeg aan ogaadee, waayo, nin kaaga dhow oo iibsanaya ma jiro, oo anna adigaan kaa dambeeyaa. Isna wuxuu yidhi, Waan iibsanayaa.

    5Markaasaa Bocas wuxuu yidhi, Maalintii aad Nimco gacanteeda beerta ka iibsatid, waa inaad Ruud tii reer Moo'aabna ka iibsataa, taasoo ah naagtii kii dhintay, inaad kii dhintay magiciisii ku soo celisid dhulkii dhaxalkiisa ahaa.

    6Markaasaa ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu yidhi, Anigu taas ma iibsan karo, waayo, waaba intaasoo aan dhaxalkayga halleeyaa; haddaba adigu qaado xaqii aan iibsashada u lahaa, maxaa yeelay, anigu ma aan iibsan karo.

  • Ruud 1:21-22
    2 aayado
    78%

    21Anigoo buuxaan tegey, oo Rabbigu wuxuu i soo celiyey anigoo madhan. Haddaba maxaad iigu yeedhaysaan Nimco? Maxaa yeelay, Rabbigu waa igu marag furay, oo Qaadirku waa i dhibay.

    22Sidaasay Nimco iyo Ruud tii reer Moo'aab ee ay soddohda u ahaydba u noqdeen, oo waxay ka soo laabteen waddankii Moo'aab oo Beytlaxam yimaadeen markay goosashada shaciirku bilaabatay.

  • Ruud 4:13-14
    2 aayado
    78%

    13¶ Markaasuu Bocas kaxaystay Ruud, oo iyana waxay noqotay naagtiisii; kolkaasuu iyadii u tegey, oo Rabbiguna wuxuu iyadii siiyey uur oo waxay dhashay wiil.

    14Markaasaa dumarkii waxay Nimco ku yidhaahdeen, Mahad waxaa leh Rabbiga aan maanta xigaalla'aan ku dhigin, oo magiciisuna reer binu Israa'iil caan ha ku dhex ahaado.

  • Ruud 4:8-10
    3 aayado
    78%

    8Sidaas daraaddeed ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu Bocas ku yidhi, Adigu soo iibso. Markaasuu kabtiisii iska siibay.

    9Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi odayaashii iyo dadkii oo dhanba, Bal idinku maanta markhaatiyaal baad ka tihiin inaan Nimco gacanteeda ka iibsaday kulli wixii Eliimeleg lahaa oo dhan, iyo kulli wixii Kilyoon iyo Maxloon lahaayeen oo dhan.

    10Oo weliba Ruud tii reer Moo'aab oo ahayd naagtii Maxloonna waxaan u iibsaday inay naagtaydii ahaato ee aan kii dhintay magiciisii u soo celiyo dhulkii uu dhaxalka u lahaa, si uusan kii dhintay magiciisii uga go'in walaalihiis dhexdooda iyo iriddii meeshiisa; idinku markhaatiyaal baad ka tihiin.

  • Ruud 3:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Oo markaasaa Nimco oo ahayd soddohdeed ayaa waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, miyaanan nasasho kuu doonayn inay ku wanaagsanaato?

    2Haddaba sow Bocas oo ka mid ah xigaalkayaga ma joogo kaasoo aad addoommihiisii la joogtay? Bal eeg, caawa wuxuu shaciir ku haadinayaa meesha wax lagu tumo.

  • 11Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon.

  • 75%

    11Oo Naxshoon wuxuu dhalay Salmaa, Salmaana wuxuu dhalay Bocas,

    12Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,

  • Ruud 2:14-15
    2 aayado
    74%

    14Oo wakhtigii qadada ayaa Bocas wuxuu ku yidhi, Kaalay halkan, oo kibista wax ka cun, oo cuntadaada ku qoyso khalka. Oo waxay dhinac fadhiisatay kuwii beerta gooynayay, oo waxay siiyeen hadhuudh la saloolay, oo way cuntay, wayna dheregtay, oo wax bayna hambaysay.

    15Oo markay u kacday inay beerta soo xaabxaabto ayaa Bocas wuxuu ku amray raggiisii dhallinyarada ahaa, Xataa xidhmooyinka ha ka dhex xaabxaabto, oo hana canaananina.

  • 19Sidaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa?

  • Ruud 1:11-12
    2 aayado
    74%

    11Markaasay Nimco waxay tidhi, Iska noqda, gabdhahaygiiyow, bal maxaad ii raacaysaan? Ma wiilal kalaa uurkayga ku hadhay oo niman idiin noqonaya?

    12Iska noqda, gabdhahaygiiyow, oo iska taga, waayo, waan ka gaboobay inaan nin guursado. Haddii aan odhan lahaa, Weli rajaan qabaa, iyo haddii xataa aan caawa nin guursado, ee haddana wiilal dhalo,

  • Ruud 3:8-9
    2 aayado
    74%

    8Oo habeenbadhkii ayaa ninkii argaggaxay, oo wuu isrogay, oo bal eeg, naag baa cagihiisa jiiftay.

    9Markaasuu ku yidhi, Tumaad tahay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waxaan ahay addoontaadii Ruud; haddaba macawistaada ku kor kala bixi addoontaada, waayo, waxaad tahay xigaal ii dhow.

  • 12Haddaba inaan anigu ahay xigaal kuu dhow waa run, habase yeeshee waxaa jira nin xigaal ah oo iiga kaa sii dhow.

  • 5Salmoonna wuxuu Raxab ka dhalay Bocas, Bocasna wuxuu Ruud ka dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,

  • 16Markaasaa Nimco wiilkii qaadday oo laabta ku jiifisay, oo waxay u noqotay tu xannaanaysa.