Heeskii Sarreeyey 3:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee. Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil Ayaa hareereheeda ku wareegsan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 8:16 : 16 Oo haddana wuxuu idinka qaadan doonaa raggiinna addoommada idiin ah, iyo gabdhaha addoommaha idiin ah, iyo dhallinyaradiinna ragga ugu wanaagsan, iyo dameerihiinna, markaasuu ku shaqaysan doonaa.
  • 1 Sam 14:52 : 52 ¶ Oo intii Saa'uul noolaa oo dhan dagaal kulul oo reer Falastiin ka gees ah ayaa jiray. Oo Saa'uulna markuu arko nin xoog leh, amase nin daran wuu qaadan jiray.
  • 1 Sam 28:2 : 2 Oo Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.
  • 1 Boq 9:22 : 22 Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan addoommo kama dhigan, waxayse ahaayeen raggii dagaalyahannada ahaa, iyo midiidinnadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisii, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisaba.
  • 1 Boq 14:27 : 27 Oo Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabkii guriga boqorka dhawri jiray.
  • 2 Boq 6:17 : 17 Markaasaa Eliishaa baryootamay oo yidhi, Rabbiyow, waxaan kaa baryayaa inaad ninkan indhaha u furtid wax ha arkee. Markaasaa Rabbigu ninkii dhallinyarada ahaa indhihii u furay, wax buuna arkay; oo wuxuu u jeeday fardo iyo gaadhifardood dab ah oo buurta ka buuxa ee Eliishaa ku wareegsan.
  • Hees 1:16 : 16 Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay, Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.
  • Hees 3:9 : 9 Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado Ka samaystay qoryihii Lubnaan.
  • Cib 1:14 : 14 Miyaanay kulligood ahayn ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Hees 3:8-11
    4 aayado
    77%

    8Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan. Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay, Cabsida habeenka aawadeed.

    9Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado Ka samaystay qoryihii Lubnaan.

    10Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay, Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay, Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay.

    11Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.

  • 6Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?

  • Maah 7:16-17
    2 aayado
    71%

    16Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.

    17Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.

  • 10Oo xataa kan xoog badan, ee qalbigiisu yahay sida qalbiga libaaxa, wuu dhalaali doonaa dhammaantiis; waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu way og yihiin in aabbahaa yahay nin xoog badan, iyo in kuwa isaga la jira ay yihiin rag daran.

  • 70%

    15Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.

    16Oo laguma tirin Sulaymaan saraakiishiisii sarsare oo hawsha u taliyey, kuwaasoo ahaa saddex kun iyo saddex boqol oo u talin jiray dadkii shuqulka qaban jiray.

  • 17Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex mina oo dahab ah, markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.

  • 9Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan shuqulkiisii addoommo ugama uu dhigan, waxayse ahaayeen rag dagaalyahan ah iyo madaxdii saraakiishiisa, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa iyo fardooleydiisaba.

  • 69%

    17Markaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof.

    18Oo wuxuu iyagii ka dhigay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jara, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo dadka u taliya oo shuqulka u dira.

  • Ish 3:2-3
    2 aayado
    69%

    2iyo ninka xoogga badan, iyo ninka dagaalyahanka ah, iyo xaakinka, iyo nebiga, iyo waxsheegaha, iyo odayga,

    3iyo sirkaalka konton u taliya, iyo ninka sharafta leh, iyo lataliyaha, iyo saanaca, iyo saaxirka.

  • 3Oo raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.

  • 16Oo haddana wuxuu kaloo sameeyey saddex boqol oo gaashaan oo yaryar oo dahab la tumay ah, oo gaashaan yarba waxaa galay saddex boqol oo sheqel oo dahab ah; markaasaa boqorku iyagii dhigay gurigii ku yiil kaynta Lubnaan.

  • 8Waxaa jira lixdan boqoradood, iyo siddeetan naagood oo addoommo ah, Iyo gabdho aan tiro lahayn.

  • 5Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een, Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.

  • 2Markaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya.

  • 10¶ Haddaba kuwanu waa kuwii u horreeyey ee nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay, kuwaasoo ismuujiyey inay isaga iyo boqortooyadiisa aad iyo aad ula jiraan si ay boqor uga dhigtaan iyadoo reer binu Israa'iil oo dhammu ay la wada jiraan, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo reer binu Israa'iil ku saabsanaa.

  • 3iyo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,

  • 13¶ Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu dadkii Israa'iil oo dhan ka dhex doortay niman shaqaalayaal ah, oo shaqaalayaashuna waxay ahaayeen soddon kun oo nin.

  • 26Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah.

  • 7Oo wuxuu kaloo sameeyey balbaladii carshiga oo ahayd meeshii uu wax ku xukumi lahaa, oo taasu waxay ahayd balbaladii xukunka; oo dhulkeedana waxaa ku dednaa alwaax kedar ah.

  • 20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 2 Boq 11:7-8
    2 aayado
    68%

    7Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.

    8Oo idinku waxaad isku wareejisaan boqorka idinkoo nin waluba hubkiisa gacanta ku haysto, oo midkii safafka soo dhex gala ha la dilo, oo boqorkana la jira markuu baxayo iyo markuu soo gelayoba.

  • 67%

    46Oo haddana Sulaymaan wuxuu ku fadhiistay carshigii boqortooyada.

    47Oo weliba addoommadii boqorku waxay u yimaadeen inay u duceeyaan sayidkeenna Boqor Daa'uud, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahaagu magaca Sulaymaan ha ka dhigo mid ka sii wanaagsan magacaaga, oo carshigiisana ha ka sii weyneeyo carshigaaga, oo boqorkiina wuxuu ku kor foororsaday sariirtiisii.

  • 3Oo waxaa ku dednaa qoryo kedar ah oo ka sarreeya shan iyo afartanka loox oo tiirarka dul saarnaa, ee shan iyo tobanba saf ahaayeen.

  • 7Oo waxay noqotay in dooxooyinkaagii ugu wacanaa gaadhifardoodyo ka buuxsameen, ragga fardooleyda ahuna waxay isku diyaariyeen iridda horteeda.

  • 26Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah; oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.

  • 41oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay.

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida adhijirku afka libaaxa uga badbaadiyo laba lugood, amase dheg go'eed, saasoo kalaa loo badbaadin doonaa dadka Israa'iil ee Samaariya deggan oo ku fadhiya sariirta rukunkeeda iyo gogosha barkimaheeda xariirta ah.

  • 20Oo jaranjaradii lixdeedii tallaabo labadooda dhinac waxaa ka taagnaa laba iyo toban libaax; oo boqortooyana saas oo kale looguma samayn.

  • 15Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.

  • 12Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.

  • 5Wuxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.

  • 6kuwaas oo dhar buluug ah xidhnaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal, oo kulligood dhallinyaro suurad wacan ahaa, oo ahaa fardooley fardo fuushan.

  • 3Sidaas daraaddeed gabadh qurxoon ayay ka doondooneen dalkii Israa'iil oo dhan, oo waxay soo heleen Abiishag oo ahayd reer Shuuneem, oo taas bay boqorkii u keeneen.

  • 14¶ Sulaymaanna wuxuu urursaday gaadhifardood iyo rag fardooley ah, oo wuxuu lahaa kun iyo afar boqol oo gaadhifaras, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.

  • 25Sulaymaanna wuxuu lahaa afar kun oo xero oo fardaha iyo gaadhifardoodka lagu xereeyo, iyo laba iyo toban kun oo nin oo fardooley ah, oo wuxuu fadhiisiyey magaalooyinkii gaadhifardoodka, oo qaarna boqorkay Yeruusaalem la joogeen.

  • 11Oo isna wuxuu u yeedhay iridjoogayaashii, oo iyana waxay saas u soo sheegeen reerkii boqorka ee gudaha joogay.

  • 10Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?

  • 33iyo laba iyo toddobaatan kun oo lo' ah,

  • 16Oo raggiina markay gurigiisii soo galeen ayay arkeen sanamkii oo sariirta saaran oo barkin dhogor riyood ahu madaxa u taal.

  • 17Oo gaadhifaras wuxuu Masar kaga soo bixi jiray lix boqol oo sheqel oo lacag ah, farasna boqol iyo konton sheqel; oo saasoo kalay ugu wada keeni jireen boqorradii reer Xeed oo dhan iyo boqorradii reer Suuriyaba.

  • 3Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,