Heeskii Sarreeyey 6:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Taan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale, Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale, Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hees 6:10 : 10 Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?
  • Sab 48:2 : 2 Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
  • 1 Boq 14:17 : 17 ¶ Markaasay Yaaraabcaam bilcantiisii kacday oo tagtay, oo waxay timid Tirsaah; oo markay guriga iriddiisii soo gaadhay ayaa wiilkii dhintay.
  • Hees 2:14 : 14 Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.
  • Hees 4:7 : 7 Taan jeclahayay, adigu waad qurxoon tahay, Oo innaba iin ma lihid.
  • Sab 50:2 : 2 Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
  • Bar 2:15 : 15 Waxa ag mara oo dhammu way kugu sacbiyaan, Wayna ku foodhyaan oo ay madaxa ku lulaan magaalada Yeruusaalem, oo waxay isku yidhaahdaan, Tanu ma magaaladii la odhan jiray Kaamilnimada quruxda iyo farxadda dunida oo dhan baa?
  • Muj 21:2 : 2 Oo haddana waxaan arkay magaalada quduuska ah, taasoo ah Yeruusaalem cusub oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, iyadoo loo diyaariyey sidii aroosad ninkeedii loo sharraxay.
  • Tir 24:5-9 : 5 Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow! 6 Waxay u fidsan yihiin sidii dooxooyin, Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal, Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray, Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal. 7 Baaldiyadooda waxaa ka daadan doona biyo, Oo farcankoodu wuxuu ku jiri doonaa biyo badan, Oo boqorkooduna wuu ka sarrayn doonaa Agag, Oo boqortooyadoodana waa la sarraysiin doonaa. 8 Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Oo iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale, Oo waxay cuni doonaan quruumaha cadaawayaashooda ah, Oo lafahooda way jejebin doonaan, Oo waxay iyaga ka mudhbixin doonaan fallaadhahooda. 9 Iyagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen, Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona? Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya, Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.
  • Yex 16:13-14 : 13 Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay. 14 Oo quruxdaada aawadeed ayaa warkaagii quruumaha ku dhex faafay, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay ku dhammaystirantay haybaddaydii aan ku dul saaray.
  • Sak 12:3 : 3 Oo waxay wakhtigaas ahaan doontaa inaan Yeruusaalem dhagax culaab badan uga dhigo dadyowga oo dhan, oo intii isku culaabaysa oo dhammuna aad bay u dhaawacmi doonaan, oo quruumaha dhulka oo dhammuna iyaday isu soo urursan doonaan inay la dagaallamaan.
  • 2 Kor 10:4 : 4 waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.
  • Ef 5:27 : 27 si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.
  • Muj 19:14-16 : 14 Oo ciidammadii samada ku jirayna isagay soo raaceen iyagoo fuushan fardo cadcad oo qaba dhar wanaagsan oo cad oo daahir ah. 15 Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa. 16 Oo dharkiisa iyo bowdadiisana waxaa ugu qornaa magac, kaas oo ah BOQORKA BOQORRADA, IYO SAYIDKA SAYIDYADA.
  • Sab 144:4-8 : 4 Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha. 5 Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan. 6 Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi. 7 Gacantaada kor ka soo fidi, Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan, Iyo gacanta shisheeyayaasha, 8 Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
  • Hees 1:5 : 5 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay Sida teendhooyinkii reer Qedaar Iyo sida daahyadii Sulaymaan.
  • Hees 1:15 : 15 Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.
  • Hees 5:2 : 2 Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.
  • 1 Boq 15:21 : 21 Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo wuxuu degay Tirsaah.
  • 1 Boq 15:33 : 33 ¶ Oo boqorkii dalka Yahuudah oo Aasaa ahaa sannaddiisii saddexaad ayaa Bacshaa ina Axiiyaah boqor dalka Israa'iil ugu noqday Tirsaah, oo wuxuu boqor ahaa afar iyo labaatan sannadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga, Oo sida dayaxa u qurxoon, Ee sida qorraxda u daahirsan, Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?

  • Hees 7:4-7
    4 aayado
    81%

    4Qoortaaduna waa sida munaarad foolmaroodi ah, Oo indhahaaguna waa sida ballidii Xeshboon oo ku ag yaal iridda Batrabbiim. Oo sankaaguna waa sida munaaradda Lubnaan Oo xagga Dimishaq u jeeda.

    5Madaxaagu sida Buur Karmel oo kale wuu dheer yahay, Oo timaha madaxaaguna waa sida guduud oo kale, Oo boqorkuna wuu ku xidhan yahay.

    6Taan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!

    7Sarajooggaagu waa sida geed baar ah, Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.

  • 1Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale oo indhashareertaada ku qarsoon. Timahaaguna waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.

  • Hees 1:14-16
    3 aayado
    80%

    14Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal.

    15Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale.

    16Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay, Oo weliba sariirteennuna waa cagaar.

  • Hees 4:3-11
    9 aayado
    80%

    3Bushimahaagu waa sida dun guduudan, Oo afkaaguna waa qurxoon yahay, Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.

    4Qoortaaduna waa sida munaaraddii Daa'uud oo loo dhisay inay ahaato meel hubka dagaalka la dhigto, Oo ay sudhan yihiin kun gaashaan, Oo ah gaashaammadii ragga xoogga badan oo dhan.

    5Oo labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay. Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.

    6Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

    7Taan jeclahayay, adigu waad qurxoon tahay, Oo innaba iin ma lihid.

    8Aroosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac, Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac. Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri, Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri, Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada, Iyo buuraha shabeelladaba.

    9Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

    10Walaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.

    11Aroosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.

  • 5Indhahaaga iga sii jeedi, Waayo, way iga adkaadeen. Timahaagu waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.

  • Hees 1:7-10
    4 aayado
    77%

    7Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa?

    8Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon, Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa, Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada.

    9Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.

    10Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan, Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.

  • Hees 6:1-3
    3 aayado
    77%

    1Taada naagaha u qurxoonay, Xaggee gacaliyahaagii tegey? Aannu kula goobnee, Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

    2Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.

    3Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii, Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.

  • Hees 2:7-10
    4 aayado
    77%

    7Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    8Waa kaa codkii gacaliyahaygu! Bal eega, wuu soo socdaa, Isagoo buuraha korkooda ku soo boodboodaya, oo kuraha dushooda ku faclaynaya.

    9Gacaliyahaygu waa sida cawl ama deer qayrab ah oo kale. Bal eega, wuxuu taagan yahay derbigayaga gadaashiisa, Oo daaqadahuu ka soo eegayaa, oo shabagguu ka soo dayayaa.

    10Markaasaa gacaliyahaygii ila hadlay oo wuxuu igu yidhi, Taan jeclahayay, soo kac, taydan qurxoonay i soo raac.

  • Hees 5:8-10
    3 aayado
    76%

    8Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.

    9Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

    10Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan. Waana kan toban kun ugu wanaagsan.

  • 2Magaalada Siyoon oo u eg naag suurad wacan oo jilicsan ayaan baabbi'in doonaa.

  • Hees 1:4-5
    2 aayado
    76%

    4I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii.

    5Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay Sida teendhooyinkii reer Qedaar Iyo sida daahyadii Sulaymaan.

  • 10Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.

  • 14Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

  • 13Tan reer Shuuleemay, soo noqo, soo noqo, Aan ku daawannee soo noqo, soo noqo.

  • 16Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

  • 4Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.

  • Hees 3:5-6
    2 aayado
    74%

    5Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Cawsha iyo deerada duurka Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin Ilaa uu doono.

    6Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah? Oo ay malmalka, iyo fooxa, Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?

  • 4Wuxuu i keenay guriga diyaafadda, Oo calankiisii i kor sudhnaana wuxuu ahaa jacayl.

  • 15Waxaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya.

  • Hees 2:16-17
    2 aayado
    73%

    16Gacaliyahaygu waa kaygii oo anna tiisii baan ahay. Wuxuu adhigiisa daajinayaa ubaxyada dhexdooda.

    17Ilaa waagu baryo, oo hoosku baabba'o, Gacaliyahaygiiyow, soo noqo, oo ahow sida cawl oo kale, amase sida deer qayrab ah Oo buuraha Beter kor jooga.

  • 6Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.

  • 14Qoolleydayda qararka dillaacyadooda iyo meelahooda qarsoon ee dalcad ah ku jirta, Bal jaahaaga i tus, oo codkaaga i maqashii, Waayo, codkaagu wuu macaan yahay, oo jaahaaguna wuu surad wacan yahay.

  • 1Gabadha amiirku dhalayay, cagahaagu qurux badanaa markay kabo illan yihiin, Bowdooyinkaagu waa sida dahab Nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey.