Titus 1:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

laakiinse wakhtiyadiisii goonida ahaa uu hadalkiisii ku muujiyey wacdigii laygu ammaaneeyey sida Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu u amray,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Tim 1:11 : 11 oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.
  • 1 Tim 1:1 : 1 ¶ Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,
  • Titus 2:10 : 10 oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.
  • Titus 3:4-6 : 4 Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen, 5 ayuu ina badbaadiyey. Inaguma uu badbaadin shuqullada xaqnimada oo aynu samaynay, laakiinse naxariistiisa aawadeed wuxuu inagu badbaadiyey nadiifinta dhalashadii labaad iyo cusboonaysiinta Ruuxa Quduuska ah, 6 oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix;
  • Muj 14:16 : 16 Markaasaa kii daruurta ku fadhiyey wuxuu manjadiisii ku soo tuuray dhulka, oo midhihii dhulkiina waa la gooyay.
  • Titus 2:13 : 13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
  • 1 Tim 2:3 : 3 Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo.
  • 1 Tim 2:5-7 : 5 Waayo, waxaa jira Ilaah keliya iyo dhexdhexaadiye keliya oo u dhexeeya Ilaah iyo dadka, waana ninka Ciise Masiix ah, 6 oo naftiisii dadka oo dhan furashadooda u bixiyey, oo wakhtigiisii qummanaa loo markhaati furay. 7 Taas daraaddeed baa layga dhigay inaan noqdo mid wax wacdiya oo rasuul ah oo macallin dadka aan Yuhuudda ahayn ugu ah iimaan iyo run. Taasu waa runtay, oo been sheegi maayo.
  • 1 Tim 4:10 : 10 Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.
  • 2 Tim 1:10-11 : 10 laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka, 11 kaas oo laygu doortay inaan noqdo mid wax wacdiya iyo rasuul iyo macallinba.
  • Ish 12:2 : 2 Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.
  • Ish 45:15 : 15 Ilaaha reer binu Israa'iil oo ah Badbaadiyahow, sida runta ah waxaad tahay Ilaah isqariya.
  • Ish 45:21 : 21 Sheega oo soo saara, iyagu ha isla wada tashadeen. Bal yaa waxyaalahan waa hore muujiyey? Oo bal yaa wakhti hore sii sheegay? Sow ma aha aniga Rabbiga ah? Oo aniga mooyaane Ilaah kale ma jiro. Waxaan ahay Ilaah xaq iyo Badbaadiye ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jiro.
  • Daan 8:23 : 23 Marka ugu dambaysta boqortooyadooda, ee uu dembilayaasha wakhtigoodu buuxsamo waxaa kici doona boqor wejigiisa laga cabsado, oo garanaya waxyaalaha daahan.
  • Daan 9:24-10:1 : 24 Toddobaatan toddobaad baa loo qabtay dadkaaga iyo magaaladaada quduuska ah, in xadgudubka la joojiyo, oo dembiyada la dhammeeyo, oo xumaanta laga heshiiyo, oo la keeno xaqnimo weligeed ah, iyo in la shaabadeeyo waxyaalo lays tuso iyo waxyaalo la sii sheego, iyo in la subko kan ugu quduusan. 25 Haddaba ogow oo garo in tan iyo markii amarku soo baxay in Yeruusaalem la soo celiyo oo la dhiso ilaa uu yimaado Kan subkan oo ah amiirka waxaa ahaan doona toddoba toddobaad, iyo laba iyo lixdan toddobaad; haddana wakhtiyada cidhiidhiga ah waa la dhisi doonaa oo waxaa loo yeeli doonaa jidad iyo derbi. 26 Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay. 27 Oo toddobaad ayuu kuwo badan axdi kula dhigan doonaa: markaasuu toddobaadka badhtankiisa joojin doonaa allabariga iyo qurbaankaba; oo dushiisa waxaa ku iman doona mid wax baabbi'iya ilaa dhammaadkii la goostay lagu dejiyo kan wax baabbi'iya. 1 ¶ Sannaddii saddexaad oo boqorkii Faaris oo Kuuros ahaa ayaa wax loo muujiyey Daanyeel, oo magiciisa la odhan jiray Beelteshaasar; waxaasuna run buu ahaa, oo weliba dagaal weyn buu ahaa xaalkii wuu gartay, garashuuna u lahaa wixii la tusay.
  • Daan 11:27 : 27 Oo labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay.
  • Xab 2:3 : 3 Waayo, wixii lagu tusay waa weli, oo waxay iman doonaan wakhtigii la yidhi, wayna u degdegaan ugudambaysta, oo innaba been ma sheegi doonaan. In kastoo ay raagaan waa inaad sugtaa, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah way noqon doonaan, oo innaba ma raagi doonaan.
  • Mark 13:10 : 10 Horta injiilka waa in lagu wacdiyo quruumaha oo dhan.
  • Mark 16:15 : 15 Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya.
  • Luuk 1:47 : 47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
  • Fal 10:36 : 36 Ereygii ayuu u soo diray reer binu Israa'iil isagoo ku wacdiyaya nabad xagga Ciise Masiix. Isagu waa wax walba Rabbigood.
  • Fal 17:26 : 26 oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;
  • Room 5:6 : 6 ¶ Waayo, innagoo weli itaaldaran ayuu Masiixu wakhti qumman u dhintay kuwa aan cibaadada lahayn.
  • Room 10:14-15 : 14 Haddaba sidee bay ugu baryi doonaan kan aanay rumaysnayn? Oo sidee bay u rumaysan doonaan kan aanay maqlin? Oo sidee bay u maqli doonaan haddii aan la wacdiyin? 15 Oo sidee bay u wacdiyi doonaan haddaan la dirin? sida qoran, Qurux badanaa cagaha kuwa wax ku wacdiya waxyaalaha wanaagsan.
  • Room 15:19 : 19 oo uu ku sameeyey xoogga calaamooyinka iyo yaababka, iyo xoogga Ruuxa Quduuskaa, oo sidaasaan injiilka Masiixa ugu wada wacdiyey Yeruusaalem iyo hareeraheeda iyo ilaa Illurikon.
  • Room 16:26 : 26 laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.
  • 1 Kor 9:17 : 17 Waayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn, weli wakiilnimo baa laygu aaminay.
  • Gal 4:4 : 4 laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay,
  • Ef 1:10 : 10 oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.
  • Ef 2:17 : 17 Oo markuu yimid ayuu nabad ku wacdiyey kuwiinnii fogaa, oo kuwii dhowaana nabad buu ku wacdiyey,
  • Ef 3:5-8 : 5 kaas oo aan qarniyadii kale loogu ogeysiin bini aadmiga sida haatan Ruuxu ugu muujiyey rasuulladiisa iyo nebiyadiisa quduuska ah. 6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka, 7 kaas oo aniga layga dhigay midiidin sida ay tahay hadiyadda nimcada Ilaah oo lay siiyey sida ay tahay shaqaynta xooggiisu. 8 Aniga oo quduusiinta oo dhan ugu liita waxaa nimcadan la ii siiyey inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo hodantinimada Masiixa oo aan la baadhi karin,
  • Fil 1:13 : 13 sidaas daraaddeed waxaa askartii boqorka iyo kuwa kale oo dhanba u wada muuqday inaan Ciise Masiix aawadiis u xidhnahay.
  • Kol 1:6 : 6 Kaasu waa idiin yimid, xataa siduu ugu yimid dunida oo dhan isagoo midho dhalaya oo kordhaya, sida uu idinkana midho idiinku dhalayo oo idiinku kordhayo, tan iyo maalintii aad maqasheen oo aad ogaateen nimcada Ilaah oo runta ku jirta.
  • Kol 1:23 : 23 haddii aad ku sii jirtaan iimaanka, oo aad gun iyo xidid adag ku leedihiin, oo aydnaan ka fogaan rajadii injiilkii aad maqasheen, kaas oo lagu wacdiyey uunka samada ka hooseeya oo dhan, oo anigoo Bawlos ah layga dhigay midiidin.
  • 1 Tes 2:4 : 4 laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Titus 1:4-5
    2 aayado
    80%

    4waxaan warqaddan u qorayaa Tiitos oo ah wiilkayga runta ah xagga iimaanka inaga dhexeeya. Nimco iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.

    5¶ Sababtaas daraaddeed ayaan Kereetee kaaga dhex tegey inaad hagaajisid waxyaalaha hadhay iyo inaad waayeello magaalo walba ka dooratid sidaan kuugu amray,

  • 78%

    11oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.

    12¶ Waxaan ku mahadnaqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay,

  • 1 Tim 1:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,

    2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • Titus 1:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Anigoo Bawlos ah oo Ilaah addoon u ah, Ciise Masiixna rasuul u ah, siday yihiin iimaanka kuwa Ilaah doortay iyo aqoonta runta oo ah xagga cibaadada,

    2iyagoo rajaynaya nolosha weligeed ah oo Ilaaha aan beenta sheeginu u ballanqaaday waayadii hore hortood,

  • 2 Tim 1:9-11
    3 aayado
    74%

    9Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,

    10laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka,

    11kaas oo laygu doortay inaan noqdo mid wax wacdiya iyo rasuul iyo macallinba.

  • 4Laakiinse markii raxmaddii Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo jacaylkii uu dadka u qabay muuqdeen,

  • Kol 1:25-26
    2 aayado
    73%

    25Taas waxaa la iiga dhigay midiidin xagga wakiilnimada Ilaah oo aniga aawadiin la ii siiyey inaan dhammaan erayga Ilaah ku wada wacdiyo.

    26Wuxuu ahaa wax aan la garanayn oo qarsoonaa tan iyo weligiis iyo qarni kasta, laakiinse haatan waxaa loo muujiyey quduusiintiisa.

  • 2 Tim 1:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, sida uu leeyahay ballanka nolosha Ciise Masiix ku jirta,

    2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkayga aan jeclahay. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 72%

    10oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.

    11Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan,

  • 3¶ Gacaliyayaalow, intaan aad u dadaalayay inaan idiin soo qoro wax ku saabsan badbaadada inaga dhexaysa, waxaa dirqi igu noqday inaan idiin soo qoro oo aan idinku waaniyo inaad aad ugu dadaashaan iimaankii mar la wada siiyey quduusiinta oo dhan.

  • 6oo uu aad inoogu shubay oo uu inoogu soo dhiibay Badbaadiyeheenna ah Ciise Masiix;

  • 20Isaga horaa loo yiqiin intaan dunida la aasaasin, laakiinse wakhtiyadii dhammaadkoodii ayaa loo muujiyey idinka aawadiin,

  • 3Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo.

  • 13innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.

  • 71%

    25¶ Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis,

    26laakiinse haatan lagu muujiyey Qorniinka nebiyada sida amarka Ilaaha daa'imka ah oo quruumaha oo dhan loo ogeysiiyey inay addeecaan rumaysadka.

  • Room 1:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah addoonkii Ciise Masiix, oo loogu yeedhay inuu rasuul ahaado, oo gooni looga dhigay injiilka Ilaah.

    2Injiilkaas ayuu Ilaah markii hore nebiyadii ku ballanqaaday xagga Qorniinka quduuska ah,

  • 25isagoo ah Ilaaha keligiis ah oo Badbaadiyeheenna ah, ammaan iyo weynaan iyo xoog iyo amar ha u ahaadeen xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, wakhtiga oo dhan ka hor iyo haatan iyo weligeedba. Aamiin.

  • 18¶ Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid,

  • 1¶ Anigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.

  • 5Idinku waxaad tihiin kuwo xoogga Ilaah iyo rumaysadka lagu dhawro ilaa badbaadada diyaarka u ah in wakhtiga ugu dambaysta la muujiyo.

  • Ef 3:2-3
    2 aayado
    70%

    2Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay,

    3iyo sida qarsoodigii laygu ogeysiiyey wixii la ii muujiyey, sidii aan mar hore dhawr eray idiinku soo qoray.

  • 4kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah.

  • 70%

    13Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.

    14Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira.

  • 2inaad xusuusataan erayadii ay nebiyadii quduuska ahaa hore ugu hadleen, iyo amarkii Rabbiga Badbaadiyaha ah oo ay rasuulladiinnu ku hadleen.

  • 5kan aannu ku helnay nimco iyo rasuulnimo, inaannu addeecidda rumaysadka magiciisa daraaddiis ugu geeyno quruumaha oo dhan.

  • 1¶ Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,

  • 11Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah.

  • 3¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.

  • 19Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.

  • 11sida uu yahay qasdiga weligiis ah oo isagu ku qasdiyey Rabbigeenna Ciise Masiix,

  • 15Sidii walaalkeen gacaliye Bawlos idiinku soo qoray xigmaddii la siiyey, ku tiriya in dulqaadashada Rabbigeennu tahay badbaado;

  • 7Taas daraaddeed baa layga dhigay inaan noqdo mid wax wacdiya oo rasuul ah oo macallin dadka aan Yuhuudda ahayn ugu ah iimaan iyo run. Taasu waa runtay, oo been sheegi maayo.

  • 68%

    15Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran.

    16Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.

  • 15Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay

  • 10Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan.

  • 14inaad amarka ku xajisid iinla'aan iyo ceebla'aan ilaa Rabbigeenna Ciise Masiix muuqdo,