Sakaryaah 1:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Rabbigu malaggii ila hadlay ugu jawaabay erayo wanaagsan oo qabow.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 40:1-2 : 1 ¶ Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya! 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
  • Yer 29:10 : 10 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Markii toddobaatan sannadood Baabuloon loo dhammeeyo dabadeed ayaan idin soo booqon doonaa, oo waxaan idiin oofin doonaa eraygaygii wanaagsanaa, oo halkan dib baan idiinku soo celin doonaa.
  • Yer 30:10-22 : 10 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto. 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo. 12 ¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nabarkaagu waa mid aan bogsan karin, oo dhaawacaaguna aad buu u xun yahay. 13 Oo innaba mid dacwadaada kuu qaada lama arko in nabarkaaga la duubo, oo dawo wax bogsiisana ma aad haysatid. 14 Kuwii ku jeclaan jiray oo dhammu way ku wada illoobeen, oo innaba kuma ay doondoonaan, waayo, waxaan kugu dhaawacay dhaawicii cadowga, iyo edbintii kan naca weyn, waana xumaantaadii badatay aawadeed, maxaa yeelay, dembiyadaadii way sii kordheen. 15 Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood. 16 Oo sidaas daraaddeed kuwa ku baabbi'iya oo dhan waa la wada baabbi'in doonaa, oo cadaawayaashaada oo dhanna midkood kastaba maxaabiis ahaan ayaa loo kaxaysan doonaa, oo kuwa ku kala boobana waa la kala boobi doonaa, oo kuwa ku dhacana waxaan ka yeeli doonaa in iyagana la dhaco. 17 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu caafimaad baan kuu soo celin doonaa, oo dhaawacyadaadana waan kaa bogsiin doonaa, maxaa yeelay, iyagu waxay kugu magacaabeen Mid la nacay, oo waxay yidhaahdaan, Tanu waa Siyoon oo aan ninna doonaynin. 18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa. 19 Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan. 20 Oo carruurtooduna waxay noqon doonaan sidii waayihii hore, oo ururkooduna hortayduu ku dhismi doonaa, oo kuwa iyaga dulma oo dhanna waan wada ciqaabi doonaa. 21 Oo amiirkooduna iyaguu ka iman doonaa, taliyahooduna iyaguu ka soo dhex bixi doonaa, oo isagaan ka dhigi doonaa inuu ii soo dhowaado, oo isna wuu ii iman doonaa, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waa kuma kan ku dhaca inuu ii soo dhowaado? 22 Oo idinku dadkayga waad ahaan doontaan, aniguna Ilaahiinna baan ahaan doonaa.
  • Yer 31:3-9 : 3 Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay. 4 Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya. 5 Oo weliba waxaad canab ku beeran doontaa buuraha Samaariya, oo beeraleydu wax bay beeran doonaan, oo midhahoodana way ku farxi doonaan. 6 Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee. 7 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi. 8 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo kaxayn doonaa dalka woqooyi, waanan ka soo ururin doonaa dhulka darafyadiisa, oo waxaan iyaga la soo keeni doonaa indhoolaha iyo curyaanka, iyo naagtii uur leh, iyo tii ilmo la foolanaysa. Iyagoo guuto weyn ah ayay halkan ku soo noqon doonaan. 9 Iyagoo ooyaya bay iman doonaan, oo anoo qalbi qaboojinaya ayaan soo hor kici doonaa, oo waxaan iyaga soo ag marin doonaa durdurro biya ah iyo jid toosan oo ayan ku dhex turunturoon doonin, waayo, aabbaan reer binu Israa'iil u ahay, oo Efrayimna waa curadkaygii. 10 ¶ Quruumahow, Rabbiga eraygiisa maqla, oo gasiiradaha fog ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, Kii reer binu Israa'iil kala firdhiyey wuu soo ururin doonaa, oo wuxuu u ilaalin doonaa siduu adhijir adhigiisa u ilaaliyo oo kale. 11 Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay, oo wuxuu ka soo badbaadiyey gacantii kii isaga ka xoogga badnaa. 12 Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan. 13 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan. 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.
  • Aam 9:11-15 : 11 ¶ Wakhtigaas waxaan sare kicin doonaa taambuuggii Daa'uud oo dhacay, waanan awdi doonaa daldaloolkiisa, oo jajabkiisana waan sare kicin doonaa, oo waxaan u dhisi doonaa sidii waagii hore, 12 inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay. 13 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti kan beerta falaa uu soo gaadhi doono kan gooya, oo kan canabka ku tuntaana wuxuu soo gaadhi doonaa kan iniinaha beera, oo buurahana waxaa ka soo daadan doona khamri macaan, oo kuraha oo dhammuna way wada dhalaali doonaan. 14 Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan. 15 Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.
  • Saf 3:14-20 : 14 ¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree. 15 Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid. 16 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin. 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa. 18 Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd. 19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac. 20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sak 1:9 : 9 Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin.
  • Sak 1:14-16 : 14 Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn. 15 Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii. 16 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.
  • Sak 2:4-9 : 4 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood. 5 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan iyada u noqon doonaa deyr dab ah oo iyada ku wareegsan, oo waxaan iyada u noqon doonaa ammaanta dhexdeeda joogta. 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Warroy dalka woqooyi ka carara, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin kala firdhiyey sida afarta dabaylood oo samada. 7 Siyoonay, tan dadka Baabuloon la joogtoy, baxso. 8 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda. 9 Waayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray. 10 Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa. 11 Oo wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray. 12 Oo Rabbiguna dadka dalka Yahuudah wuu dhaxli doonaa iyagoo qaybtiisa ku ah dalka quduuska ah, oo weliba Yeruusaalem buu dooran doonaa.
  • Sak 4:1 : 1 ¶ Oo haddana malaggii ila hadlay ayaa i toosiyey, sidii nin hurdo laga soo toosiyey.
  • Sak 8:2-8 : 2 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah. 4 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis. 5 Oo magaalada jidadkeedana waxaa ka buuxi doona wiilal iyo gabdho oo jidadka dhexdooda ku cayaaraya. 6 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga? 7 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed. 8 Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.
  • Sak 8:19 : 19 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Soonkii bisha afraad iyo soonkii bisha shanaad iyo soonkii bisha toddobaad iyo soonkii bisha tobnaadba waxay dadka dalka Yahuudah u noqon doonaan farxad iyo rayrayn iyo iido lagu rayreeyo, haddaba sidaas daraaddeed jeclaada runta iyo nabadda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 1:9-12
    4 aayado
    82%

    9Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin.

    10Oo ninkii geedaha hadaaska ah dhex taagnaa ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa kuwii Rabbigu u diray inay dhulka hore iyo dib u dhex maraan.

    11Oo iyana waxay u jawaabeen malaggii Rabbiga oo geedaha hadaaska ah dhex taagnaa oo waxay ku yidhaahdeen, Dhulkii hore iyo dibba waannu u dhex marnay, oo bal eeg, dhulkii oo dhammu wuu deggan yahay oo wuu xasilloon yahay.

    12Markaasaa malaggii Rabbigu jawaabay oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadow, ilaa goormaadan u naxariisanayn Yeruusaalem iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, kuwaasoo aad toddobaatan sannadood u cadhaysnayd?

  • Sak 1:14-17
    4 aayado
    77%

    14Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.

    15Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.

    16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.

    17Oo haddana qayli oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Magaalooyinkaygu mar kalay barwaaqo la faafi doonaan, oo Rabbigu mar kaluu Siyoon u qalbi qaboojin doonaa, oo mar kaluu Yeruusaalem dooran doonaa.

  • Sak 4:4-5
    2 aayado
    73%

    4Oo anna waan jawaabay oo la hadlay malaggii ila hadlay oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

    5Markaasaa malaggii ila hadlay jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

  • 4Markaasaan jawaabay oo waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu?

  • Sak 6:8-9
    2 aayado
    72%

    8Markaasuu igu qayliyey, oo intuu ila hadlay ayuu igu yidhi, Bal eeg, kuwii xagga dalka woqooyi tegey ruuxaygii way ku qabowjiyeen dalka woqooyi.

    9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

  • Ish 40:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya!

    2Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.

  • 19Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.

  • 3Oo bal eeg, malaggii ila hadlay ayaa baxay, oo malag kale ayaa u baxay inuu isaga ka hor tago.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana malaggii ila hadlay ayaa i toosiyey, sidii nin hurdo laga soo toosiyey.

  • 2¶ Oo Rabbigu wuu ii jawaabay, oo wuxuu igu yidhi, Waxa lagu tusay qor, oo looxyo ku caddee, si kii akhristaaba u ordo.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

  • 1Oo weliba Rabbigu Ayuub buu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 20Markaasaan ugu jawaabay, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17Haddaba anoo addoontaada ah waxaan idhi, Boqorka sayidkayga ah hadalkiisu ha ahaado mid i nasiya, waayo, boqorka sayidkayga ahu sida malaa'igta Ilaah ayuu u kala gartaa xumaanta iyo samaanta. Rabbiga Ilaahaaga ahuna ha kula jiro.

  • 1¶ Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,

  • 13Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem.

  • 8¶ Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah, isagoo leh,

  • 4¶ Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid, isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 12Markaasaa malaggii Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu waa kula jiraa, nin yahow xoogga lahu.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

  • 9oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad iigu dirteen inaan baryootankiinna hortiisa geeyo wuxuu leeyahay,

  • 8Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi,

  • 4Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo wuxuu igu yidhi,

  • 18¶ Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,

  • 6Markaasaa malaggii Rabbigu u caddeeyey Yashuuca, oo wuxuu ku yidhi,

  • 3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.

  • 17Oo markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Wixii ay ku hadleen si wanaagsan bay u yidhaahdeen.

  • 23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 8Oo weliba waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu igu yidhi,

  • 4¶ Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.

  • 11Rabbigu wuxuu yidhi, Sida runta ah waad nabdoonaan doontaa, sida runta ah waxaan ka dhigi doonaa in cadowgu ku baryo wakhtigii masiibo jirto iyo wakhtigii dhib jiro.

  • 19Oo anna waxaan malaggii ila hadlay ku idhi, Waa maxay kuwanu? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Kuwanu waa geesihii kala firdhiyey dadkii dalka Yahuudah iyo dadkii dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemba.

  • 1Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay?

  • 13Oo isna wuu ii jawaabay oo wuxuu igu yidhi, War miyaadan aqoon waxa kuwanu yihiin? Oo anna waxaan ku idhi, Maya, sayidkaygiiyow.

  • 5¶ Markaasaa malaggii ila hadlay soo baxay, oo wuxuu igu yidhi, Bal hadda indhaha kor u taag, oo bal arag waxa uu yahay waxan soo baxaya.