Sakaryaah 13:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxay wakhtigaas noqon doontaa inaan dalka dhexdiisa ka wada baabbi'iyo magacyada sanamyada, oo mar dambena iyaga lama soo xusuusan doono, oo weliba waxaan ka dhigi doonaa inay nebiyada beenta ah iyo ruuxa wasakhda ahuba dalka ka dhex baxaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 2:17 : 17 Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono.
  • 1 Boq 22:22 : 22 Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.
  • Yer 23:14-15 : 14 Oo nebiyadii Yeruusaalemna wax aad iyo aad u xun, baan ku arkay. Way sinaystaan, oo been bay ku socdaan, oo weliba waxay sii xoogeeyaan gacmaha xumaanfalayaasha, si aan midnaba xumaantiisa uga soo noqon. Iyagu kulligood waxay iila mid noqdeen sidii Sodom, oo kuwii degganaana sidii Gomora oo kale. 15 ¶ Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu nebiyada ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan iyaga ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed, waayo, nijaas baa nebiyada Yeruusaalem ka soo faaftay oo waxay wada gaadhay dalka oo dhan.
  • Yex 36:25 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.
  • Bax 23:13 : 13 Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.
  • Yex 30:13 : 13 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa.
  • Bax 22:13 : 13 Haddiise dugaag bakhtiisto, waa inuu marag ahaan u keenaa, oo wixii dugaaggu bakhtiistay waxba ka magdhabi maayo.
  • Sharc 12:3 : 3 Oo waa inaad meelahooda allabariga dumisaan, oo aad tiirarkoodana wada burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gubtaan, oo sanamyada xardhan oo ilaahyadoodana waa inaad jartaan, oo magacoodana waa inaad meeshaas ka baabbi'isaan.
  • Yash 23:7 : 7 Oo iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,
  • Yex 37:23 : 23 Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.
  • Yer 29:23 : 23 maxaa yeelay, nacasnimo ayay dalka Israa'iil ku dhex sameeyeen, oo weliba naagihii derisyadooda ayay ka sinaysteen, oo erayo been ah oo aanan iyaga ku soo amrin ayay magacayga ku hadleen. Anigu kan og baan ahay, oo markhaati baan ka ahay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yex 13:12-16 : 12 Bal ogaada, markii derbigu dhaco sow laydinkuma odhan doono, War meeday dhoobadii aad wax ku malaasteen? 13 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigoo cadhaysan ayaan dabayl duufaan leh ku dumin doonaa. Oo waxaa xanaaqayga ku iman doona roob daad weyn iyo roobdhagaxyaale waaweyn oo cadhadayda ku baabbi'iya. 14 Sidaasaan derbigii aad dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasteen u dumin doonaa, oo dhulkaan ku ridi doonaa, oo aasaaskiisana waa la bannayn doonaa. Wuu soo dhici doonaa, oo dhexdiisaa laydinku wada baabbi'in doonaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 15 Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan. 16 Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Yex 13:23 : 23 sidaas daraaddeed mar dambe wax aan waxba ahayn ma arki doontaan, oo faalna ma faalin doontaan, oo dadkayga ayaan gacantiinna ka samatabbixin doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 14:9 : 9 Oo haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa.
  • Sab 16:4 : 4 Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa, Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah, Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
  • Ish 2:18 : 18 Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.
  • Ish 2:20 : 20 Oo maalintaas dadku sanamyadooda lacagta ah iyo sanamyadooda dahabka ah oo ay u samaysteen inay caabudaan waxay u tuuri doonaan jiirarka iyo fiidmeeraha,
  • Yer 8:10-12 : 10 Sidaas daraaddeed waxaan naagahooda siin doonaa kuwa kale, oo beerahoodana waxaan siin doonaa kuwo xantiyi doona, waayo, midkood kasta kan ugu yar ilaa kan ugu weynuba wuxuu u go'ay damacxumaan, oo nebiga iyo xataa wadaadka inta ka dhexle midkood kastaaba been buu ku macaamiloodaa. 11 Waayo, iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad! 12 Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan.
  • Hos 14:8 : 8 Reer Efrayim waxay odhan doonaan, Bal maxaa mar dambe annaga iyo sanamyo noo dhexeeya? Anna waan u jawaabay oo waan fiirin doonaa. Waxaan ahay sida geed beroosh ah oo qoyan, midhihiinna xaggaygaa laga helaa.
  • Miik 2:11 : 11 Nin dabayl iyo khiyaano ku dhex socda hadduu been sheego oo yidhaahdo, Waxaan wax kaaga sii sheegayaa khamri iyo wax lagu sakhraamo, xataa kaasu nebi buu dadkan u noqon doonaa.
  • Miik 5:12-14 : 12 Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal. 13 Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna. 14 Oo dhexbadhtankiinna waan ka rujin doonaa geedihiinna Asheeraah ah, oo magaalooyinkiinnana waan wada dumin doonaa.
  • Saf 1:3-4 : 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa. 4 ¶ Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada,
  • Saf 2:11 : 11 Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.
  • Mat 7:15 : 15 ¶ Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa.
  • Mat 12:43 : 43 ¶ Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn isagoo nasasho doonaya, mana helo.
  • Luuk 11:20 : 20 Laakiin haddaan jinniyada ku saaro farta Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.
  • 2 Kor 11:13-15 : 13 ¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix. 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
  • 2 But 2:1-3 : 1 ¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah. 2 Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah. 3 Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.
  • 2 But 2:15-19 : 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada. 16 Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga. 17 Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka. 18 Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta; 19 oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada.
  • 1 Yoox 4:1-2 : 1 ¶ Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida. 2 Taasaad ku garanaysaan Ruuxa Ilaah; ruux walba oo qirta in Ciise Masiix jidh ku yimid, waa ku Ilaah.
  • Muj 16:13-14 : 13 Markaasaan arkay saddex jinni oo nijaas ah oo ka soo baxaya masduulaagii afkiisii, iyo bahalka afkiisii, iyo nebigii beenta ahaa afkiisii, oo waxay u ekaayeen rahyo; 14 waayo, waxay ahaayeen ruuxyo jinniyo oo calaamooyin samaynaya, kuwaas oo u taga boqorrada dunida oo dhan inay u soo ururiyaan dagaalka maalinta weyn oo Ilaaha Qaadirka ah.
  • Muj 18:2 : 2 Markaasay ku dhawaaqday cod xoog weyn, oo waxay tidhi, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, oo waxay noqotay hoygii shaydaanyada, iyo rugtii jinni kasta oo nijaas ah, iyo rugtii shimbir kasta oo nijaas ah oo la neceb yahay.
  • Muj 19:20 : 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;
  • Muj 20:1-3 : 1 ¶ Oo markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn. 2 Oo markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay, 3 oo waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Waayo, afkeeda waan ka fogayn doonaa magacyada Bacaliimta, iyana mar dambe magacooda lama soo qaadi doono.

  • 18Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.

  • Nax 1:13-15
    3 aayado
    74%

    13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.

    14¶ Oo Rabbigu wuxuu bixiyey amar kugu saabsan, si aan innaba mar dambe jirin farcan magacaaga sii wada. Guriga ilaahyadaada waxaan ka baabbi'in doonaa sanamka xardhan iyo sanamka la shubay, oo waxaan samayn doonaa qabrigaagii, waayo, waxaad tahay wax la fududaystay.

    15Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.

  • 7de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

  • 1¶ Wakhtigaas waxaa reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba u furmi doonta il dembiga iyo nijaasta lagaga maydho.

  • Miik 5:10-13
    4 aayado
    73%

    10¶ Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas fardihiinna waan idinka dhex baabbi'in doonaa, oo gaadhifardoodkiinnana waan wada jejebin doonaa.

    11Oo magaalooyinka dalkiinna waan baabbi'in doonaa, oo qalcadihiinnana waan wada dumin doonaa.

    12Oo gacantiinnana sixir waan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma lahaan doontaan faaliyayaal.

    13Oo waxaan dhexdiinna ka baabbi'in doonaa taswiirahiinna xardhan iyo tiirarkiinna, oo mar dambe ma aad caabudi doontaan sancada gacmihiinna.

  • Saf 1:3-4
    2 aayado
    73%

    3Rabbigu wuxuu leeyahay, Dad iyo duunyoba waan wada baabbi'in doonaa, haadda samada iyo kalluunka baddaba waan wada baabbi'in doonaa, oo waxa lagu turunturoodo iyo sharrowyadaba waan wada baabbi'in doonaa, oo binu-aadmigana waan ka gooyn doonaa dhulka korkiisa.

    4¶ Oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa dalka Yahuudah iyo inta Yeruusaalem deggan oo dhan, oo intii Bacal ka hadhayna meeshan waan ka gooyn doonaa, iyo magaca Kemaariim iyo wadaaddada,

  • Sak 13:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo markii mid wax sii sheego, aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga ku yidhaahdaan, Waa inaadan sii noolaan, waayo, been baad magaca Rabbiga ku sheegtaa. Oo aabbihiis iyo hooyadiisii dhalay waa inay isaga wareemaan intuu wax sii sheegayo.

    4Oo wakhtigaas nebiyada midkood kastaaba wuu ku ceeboobi doonaa riyadiisii markuu wax sii sheegayo, mana ay xidhan doonaan dhar dhogor badan oo ay wax ku khiyaanaan.

  • 9Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • 20de markaasaan xididdadooda ka rujin doonaa dalkayga aan iyaga siiyey, oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo waxaan isaga dadyowga oo dhan kaga dhex dhigi doonaa maahmaah iyo halqabsi.

  • 13Oo nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.

  • 30Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa.

  • 22Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii.

  • 24Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.

  • 13Oo sidaas daraaddeed dalkan waan idinka xoori doonaa oo waxaan idinku dhex tuuri doonaa dal aydaan aqoonin idinka iyo awowayaashiin toona, oo halkaasaad ilaahyo kale ugu adeegi doontaan habeen iyo maalinba, oo aniguna innaba raalli idinkama ahaan doono.

  • 10waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.

  • 23Oo mar dambena iskuma ay nijaasayn doonaan sanamyadooda, ama waxyaalahooda karaahiyada ah, ama xadgudubyadooda midkoodna, laakiinse waxaan ka badbaadin doonaa meelaha ay ku hoydaan oo ay ku dhex dembaabeen oo dhan, oo waan nadiifin doonaa, oo sidaasay dadkayga u ahaan doonaan, oo aniguna Ilaahooda baan ahaan doonaa.

  • 13Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.

  • 25Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintaas dhidibkii meesha adag ku dhuuqsanaa wuu ka siibmi doonaa, oo intuu jabo ayuu dhici doonaa, oo culayskii saarnaana waa la baabbi'in doonaa, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • 4Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.

  • 14Maalinta aan dadka Israa'iil xadgudubyadooda u ciqaabi doono ayaan weliba meelaha allabariga ee Beytel baabbi'in doonaa, oo meelaha allabariga geesahooda ka taagan waa la wada jari doonaa, oo dhulkay ku soo dhici doonaan.

  • 15Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba.

  • 16Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 9Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa maalintaas noqon doona in boqorka qalbigiisa iyo amiirrada qalbigooduba ay kharribmaan, oo wadaaddaduna way yaabi doonaan, oo nebiyaduna way fajici doonaan.

  • 52Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyadeeda xardhan, oo dalkeeda oo dhanna dadka dhaawaca ah baa ka dhex taahi doona.

  • 3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa dalka Moo'aab dhexdiisa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa.

  • Yer 14:15-16
    2 aayado
    70%

    15Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.

    16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.

  • 8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

  • 23sidaas daraaddeed mar dambe wax aan waxba ahayn ma arki doontaan, oo faalna ma faalin doontaan, oo dadkayga ayaan gacantiinna ka samatabbixin doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yer 23:15-16
    2 aayado
    69%

    15¶ Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu nebiyada ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan iyaga ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed, waayo, nijaas baa nebiyada Yeruusaalem ka soo faaftay oo waxay wada gaadhay dalka oo dhan.

    16Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.

  • 18Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.

  • 12Rabbigu wuxuu teendhooyinka reer Yacquub uga baabbi'in doonaa ninkii waxan sameeya, kan toosa iyo kan ka jawaaba, iyo weliba kan qurbaan u bixiya Rabbiga ciidammadaba.

  • 31Bal eeg, waxaa iman doona wakhtigii aan gooyn lahaa gacantaada iyo gacanta reerka aabbahaaba si aan reerkaaga nin da' weyn looga helin.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa.

  • 15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.

  • 13¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba sanamyada waan wada burburin doonaa, oo ekaamahana Nof baan ka baabbi'in doonaa, oo mar dambena ma uu jiri doono amiir dalka Masar u taliyaa, oo dalka Masarna cabsi baan ku soo dejin doonaa.

  • 27Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga magiciisu yahay Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idinka dhigi doonaa in maxaabiis ahaan laydiinku kaxaysto Dimishaq shishadeeda.

  • 7Waayo, maalintaas nin kastaaba wuxuu iska xoori doonaa sanamyadiisii lacagta ahaa iyo sanamyadiisii dahabka ahaa oo ay gacmihiinnu dembi idiinku sameeyeen.

  • 8Oo ninkaas wejigaygaan u jeedin doonaa, oo waxaan isaga ka dhigi doonaa yaab iyo calaamad iyo maahmaah, oo dadkaygaan ka dhex gooyn doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 7Taswiiraheeda xardhan oo dhan waa la wada burburin doonaa, oo kirooyinkeeda oo dhanna dab baa lagu gubi doonaa, oo sanamyadeeda oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, waayo, iyadu waxay ku soo urursatay dhillo kiradeed, oo kulligoodna waxay dib ugu noqon doonaan dhillo kiradeed.

  • 4Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.