Sakaryaah 2:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo anna indhahaygii baan kor u qaaday, oo wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay nin gacanta ku haysta xadhig qiyaaseed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 40:3 : 3 Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.
  • Sak 1:16 : 16 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.
  • Muj 11:1 : 1 ¶ Markaasaa waxaa lay siiyey cawsduur ul u eg, oo waxaa laygu yidhi, Sara joogso, oo qiyaas macbudka Ilaah, iyo meesha allabariga, iyo kuwa Ilaah ku caabuda meeshaas.
  • Muj 21:15 : 15 ¶ Oo malaa'igtii ila hadashay waxay haysatay cawsduur qiyaaseed oo dahab ah inay ku qiyaasto magaalada iyo irdaheeda iyo derbigeeda.
  • Sak 1:18 : 18 ¶ Oo indhahaygii baan kor u qaaday, oo wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay afar gees.
  • Yex 40:5 : 5 ¶ Oo bal eeg, daarta dibaddeeda oo dhan waxaa ku wareegsanaa derbi, oo ninka gacantiisana waxaa ku jiray cawsduur wax lagu qiyaaso oo dhererkiisu yahay lix dhudhun, oo dhudhun kastaaba yahay dhudhun iyo taako. Markaasuu daarta ballaadhkeedii qiyaasay oo cawsduur buu ahaa, oo sarajooggeediina wuu qiyaasay oo cawsduur buu ahaa.
  • Yex 47:4 : 4 Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sak 2:2-3
    2 aayado
    90%

    2Kolkaasaan idhi, War xaggee baad u socotaa? Oo isna wuxuu igu yidhi, Waxaan u socdaa inaan Yeruusaalem soo qiyaaso oo aan soo ogaado intuu ballaadhkeedu yahay, iyo intuu dhererkeedu yahayba.

    3Oo bal eeg, malaggii ila hadlay ayaa baxay, oo malag kale ayaa u baxay inuu isaga ka hor tago.

  • Yex 40:1-6
    6 aayado
    80%

    1¶ Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay.

    2Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.

    3Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.

    4Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.

    5¶ Oo bal eeg, daarta dibaddeeda oo dhan waxaa ku wareegsanaa derbi, oo ninka gacantiisana waxaa ku jiray cawsduur wax lagu qiyaaso oo dhererkiisu yahay lix dhudhun, oo dhudhun kastaaba yahay dhudhun iyo taako. Markaasuu daarta ballaadhkeedii qiyaasay oo cawsduur buu ahaa, oo sarajooggeediina wuu qiyaasay oo cawsduur buu ahaa.

    6Oo wuxuu yimid iriddii xagga bari u sii jeedday, oo jaranjarradeeduu fuulay, oo wuxuu qiyaasay iridda marinkeedii, oo ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur, oo iridda kale marinkeediina ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur.

  • Sak 5:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Oo haddana indhaha baan kor u taagay oo wax fiiriyey, oo waxaan arkay qorniin la duubo oo duulaya.

    2Oo isna wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waxaan arkaa qorniin la duubo oo duulaya, oo dhererkiisu waa labaatan dhudhun, ballaadhkiisuna waa labaatan dhudhun.

  • 1¶ Markaasaa waxaa lay siiyey cawsduur ul u eg, oo waxaa laygu yidhi, Sara joogso, oo qiyaas macbudka Ilaah, iyo meesha allabariga, iyo kuwa Ilaah ku caabuda meeshaas.

  • Sak 5:5-6
    2 aayado
    75%

    5¶ Markaasaa malaggii ila hadlay soo baxay, oo wuxuu igu yidhi, Bal hadda indhaha kor u taag, oo bal arag waxa uu yahay waxan soo baxaya.

    6Oo waxaan ku idhi, Waa maxay? Kolkaasuu igu yidhi, Kanu waa weel eefaah ah oo soo baxaya. Oo weliba wuxuu igu yidhi, Kanu waa muuqashadii dembigooda oo dhulka oo dhan gaadhay.

  • 15¶ Oo malaa'igtii ila hadashay waxay haysatay cawsduur qiyaaseed oo dahab ah inay ku qiyaasto magaalada iyo irdaheeda iyo derbigeeda.

  • Yer 31:38-39
    2 aayado
    74%

    38Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka.

    39Oo xadhigga qiyaastuna wuxuu hore ugu sii gudbi doonaa tan iyo buurta Gaareeb oo ka sii horraysa, oo xagga Gocaahna wuu u jeedsan doonaa.

  • 5ayaan indhahayga kor u qaaday, oo wax fiiriyey, markaasaan arkay nin dhar wanaagsan qaba, oo dahab saafi ah oo Uufaas laga keenayaa dhexda ugu xidhan yahay;

  • 3Oo ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga.

  • Aam 7:7-8
    2 aayado
    73%

    7¶ Oo haddana wax buu i tusay, oo bal eeg, Sayidku wuxuu ag istaagay derbi xadhig miisaan leh lagu sameeyey, isagoo xadhig miisaan leh gacanta ku haysta.

    8Markaasaa Sayidku wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan ku idhi, Waxaan arkaa xadhig miisaan leh. Markaasaa Sayidku wuxuu yidhi, Bal eeg, anigu xadhig miisaan leh baan dhigi doonaa dadkayga Israa'iil dhexdooda, oo mar dambena iyaga iska dhaafi maayo.

  • 18¶ Oo indhahaygii baan kor u qaaday, oo wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay afar gees.

  • Sak 4:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo haddana malaggii ila hadlay ayaa i toosiyey, sidii nin hurdo laga soo toosiyey.

    2Oo wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa oo u jeedaa laambad wada dahab ah, oo maddiibaddeedana iyaday kor sarantahay, oo toddobadeeda laambadood ee yaryarna way kor yaalliin, oo waxaa jira toddobada tuubbo oo ku socota laambad yar oo kasta oo ku kor taal.

  • Yex 2:9-10
    2 aayado
    72%

    9Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.

    10Oo isna hortayduu ku kala bixiyey, oo dusha iyo hoostaba wax baa kaga qornaa, oo waxaa ku qornaa baroorasho iyo oohin iyo hoog.

  • Yex 42:15-16
    2 aayado
    72%

    15¶ Haddaba markuu qiyaasiddii daarta gudaha dhammaystiray ayuu iriddii xagga bari u sii jeedday iga bixiyey, oo wuxuu qiyaasay hareereheedii oo dhan.

    16Dhankii bari ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay, oo wuxuu ahaa shan boqol oo cawsduur, oo cawsduurkii qiyaasta ayuu ku soo wada wareejiyey.

  • 35Markaasuu iriddii woqooyi i geeyey, oo sidaas oo kaluu u qiyaasay

  • 16Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.

  • 15Oo haddana waxaan habeennimo tegey xaggii durdurka, oo derbigii baan fiiriyey, kolkaasaan dib u noqday, oo magaaladii ka soo galay xaggii Iriddii Dooxada, oo saasaan u soo noqday.

  • 19Oo markaasuu dhankii galbeed u leexday, oo shan boqol oo cawsduur ayuu cawsduurkii qiyaasta ku qiyaasay.

  • 1¶ Markaasuu dhegahayga cod weyn ugu qayliyey, isagoo leh, Kuwa magaalada u taliya soo dhowee, iyadoo ninkood kastaaba uu hubkiisa uu wax ku baabbi'iyo gacanta ku haysto.

  • 17Oo waxay qiyaastay derbigeedii, oo wuxuu noqday boqol iyo afar iyo afartan dhudhun, sidii ay ahayd qiyaastii ninku, kaasoo ah malaa'ig.

  • 1¶ Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.

  • 32Oo haddana wuxuu i dhex geeyey barxaddii hoose oo xagga bari u sii jeedday, oo iriddiina wuxuu u qiyaasay sidii qiyaastaas oo kale.

  • Yex 8:4-5
    2 aayado
    70%

    4Oo bal eeg, ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa halkaas joogtay, oo waxay u ekayd sidii muuqashadii aan bannaanka ku arkay oo kale.

    5Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal haatan indhaha xagga woqooyi ku taag. Markaasaan indhaha kor ugu taagay jidkii xagga woqooyi, oo waxaan xaggii woqooyi iriddii meeshii allabariga ku arkay sanamkan hinaasada ee iridda ka taagan.

  • 1¶ Meeshayda aan wax ka dhawro ayaan istaagi doonaa, qalcaddana waan isa saari doonaa, waanan u fiirin doonaa bal waxa uu igula hadli doono, iyo waxa aan uga jawaabi doono cabashadayda.

  • 10Markaasaan malaggii ila hadlay ku idhi, Kuwanu xaggee bay eefaahda u qaadayaan?

  • 10Waayo, bal yaa quudhsaday maalinta waxyaalaha yaryar? Waayo, iyagu way rayrayn doonaan, oo waxay arki doonaan xadhigga miisaanka oo ku jira gacanta Serubaabel, waana toddobadan oo ah indhihii Rabbiga. Iyagu dhulka oo dhan ayay hore iyo dibba u fiiriyaan.

  • 20Markaasaa Rabbigu wuxuu i tusay afar tumaal.

  • 28¶ Markaasuu barxaddii hoose oo iridda koonfureed ku ag tiil i geeyey, oo iriddii koonfureedna sida qiyaastaas oo kaluu u qiyaasay.

  • 1¶ Kanu waa eraygii uu Ishacyaah ina Aamoos ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem.

  • Sak 1:9-10
    2 aayado
    69%

    9Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin.

    10Oo ninkii geedaha hadaaska ah dhex taagnaa ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Kuwanu waa kuwii Rabbigu u diray inay dhulka hore iyo dib u dhex maraan.

  • 48¶ Markaasuu balbaladii daarta i geeyey, oo wuxuu qiyaasay balbalada tiirarkeedii, oo dhinacan wuxuu ahaa shan dhudhun, dhinacaasna wuxuu ahaa shan dhudhun; oo iridda ballaadhkeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun oo dhinacan ah iyo saddex dhudhun oo dhinacaas ah.

  • 17Markaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid?

  • 24¶ Oo haddana wuxuu i geeyey xaggii koonfureed, oo bal eeg, waxaa ku tiil irid xagga koonfureed u sii jeedda, oo tiirarkeedii iyo meelaheedii dednaa wuxuu u qiyaasay sidii ay qiyaastaasu ahayd oo kale.

  • 9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

  • 3Oo haddana guduhuu galay oo wuxuu qiyaasay tiir kasta oo kadinka oo wuxuu ahaa laba dhudhun, oo kadinkuna wuxuu ahaa lix dhudhun, oo kadinka ballaadhkiisuna wuxuu ahaa toddoba dhudhun.