1 Taariikhdii 12:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo reer Manaseh badhkiisiina waxaa ka joogay siddeed iyo toban kun oo nin, oo loo magacaabay inay yimaadaan oo ay Daa'uud boqraan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 17:1-9 : 1 ¶ Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan. 2 Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen. 3 Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah. 4 Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda. 5 Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa; 6 maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay. 7 Oo soohdintii reer Manasehna waxay ahayd ilaa Aasheer iyo tan iyo Mikmetaah, taasoo ku hor taal Shekem, oo soohdintu waxay ka baxday xagga midigta, iyo ilaa dadkii degganaa Ceyn Tafuu'ax. 8 Oo dalkii Tafuu'axna waxaa iska lahaa reer Manaseh; laakiinse Tafuu'ax tii ku tiil soohdinta waxaa iska lahaa reer Efrayim. 9 Oo soohdintu waxay u baxday durdurkii Qaanaah, oo durdurka xagga koonfureed ka ahaa. Magaalooyinkaas ku dhex yiil magaalooyinkii reer Manaseh waxaa lahaa reer Efrayim. Soohdintii Efrayimna waxay ahayd durdurka xaggiisa woqooyi, oo waxaa soohdintii dhammaadkeedu ahaa badda. 10 Dhanka koonfureed waxaa lahaa reer Efrayim, dhanka woqooyina waxaa lahaa reer Manaseh, oo badduna waxay ahayd soohdintiisa, oo waxay gaadheen ilaa reer Aasheer oo woqooyi jira, iyo tan iyo reer Isaakaar oo ku yaal xagga bari. 11 Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd. 12 Laakiin reer Manaseh ma ay eryi karin dadkii degganaa magaalooyinkaas; reer Kancaanse waxay doonayeen inay dalkaas sii degganaadaan. 13 Oo markii reer binu Israa'iil aad u xoogaysteen ayay hawl saareen reer Kancaan, oo ma ay wada eryin. 14 ¶ Oo reerkii Yuusuf Yashuuca bay la hadleen, oo ku yidhaahdeen, Maxaad qayb keliya dhaxal noogu siisay? Maxaa yeelay, annagu waxaannu nahay dad badan, oo Rabbigu waa na barakeeyey ilaa haatan. 15 Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad dad badan tihiin, haddaba kaca oo duudda taga, oo waxaad soo goosataan dalka reer Feris iyo kan reer Rafaa; maxaa yeelay, dalka buuraha leh oo reer Efrayim waa idinku cidhiidhi. 16 Markaasaa reerkii Yuusuf waxay yidhaahdeen, Dalka buuraha lahu naguma filna; oo reer Kancaanka deggan dalka dooxada leh oo dhammu waxay leeyihiin gaadhifardood bir ah, kuwooda deggan Beytshe'aan iyo magaalooyinkeeda, iyo kuwooda deggan dooxadii Yesreceelba. 17 Markaasaa Yashuuca wuxuu la hadlay reer Yuusuf, kuwaasoo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin dad badan, oo waxaad leedihiin xoog badan; haddaba qayb keliya heli maysaan; 18 laakiinse dalka buuraha leh idinkaa yeelan doona; waayo, in kastoo uu duud yahay, waad jari doontaan, oo meelaha laga baxona idinkaa yeelan doona, maxaa yeelay, waxaad eryi doontaan reer Kancaan in kastay leeyihiin gaadhifardood bir ah, oo ay xoog badan yihiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 30Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah.

  • Tir 1:32-35
    4 aayado
    76%

    32¶ Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    33intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

    34¶ Oo reer Manasehna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    35intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Manaseh waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

  • 76%

    23¶ Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa.

    24Kuwii reer Yahuudah ee gaashaan iyo waran qaadayay waxay ahaayeen lix kun iyo siddeed boqol oo nin, oo dagaal hub u leh.

  • 32Oo reer Isaakaarna waxaa ka joogay rag garasho u leh wakhtiyada iyo waxa reer binu Israa'iil waajibka ku ah inay sameeyaan, oo iyaga madaxdoodu waxay ahaayeen laba boqol oo nin oo walaalahood oo dhanna iyagaa xukumay.

  • 32Oo walaalihiis oo ahaa rag xoog badanuna waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol oo nin, oo ah madaxdii qolooyinka kuwaasoo boqor Daa'uud uu ka dhigay inay taliyayaal ugu ahaadaan reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, xagga wax kasta oo xag Ilaah ku saabsan, iyo xagga danaha boqorkaba.

  • 74%

    37Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis.

    38Intaas oo dhan oo wada ahaa rag dagaalyahan ah oo dagaalka isu safi kara waxay Xebroon ula yimaadeen qalbi qumman inay Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan u boqraan, oo reer binu Israa'iil intooda hadhay oo dhammuna isku qalbi bay ku ahaayeen inay Daa'uud boqraan.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya.

  • 13Oo Daa'uudna magac buu isu yeelay markuu ka soo noqday layntii uu reer Suuriya Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo tobanka kun oo nin.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud haddana soo ururiyey raggii reer binu Israa'iil oo la doortay oo dhan, waxayna ahaayeen soddon kun.

  • 5Sidaas daraaddeed kumanyaalkii reer binu Israa'iil qabiil kasta waxaa laga soo bixiyey kun nin, oo waxay ahaayeen laba iyo toban kun oo nin oo dagaal hub u sita.

  • 21¶ Oo Rexabcaamna markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah oo dhan iyo qabiilkii reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa, si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam ina Sulaymaan.

  • 5Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

  • 21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

  • 35Oo reer Daanna waxaa ka joogay siddeed iyo labaatan kun iyo lix boqol oo nin oo dagaalka isu safi kara.

  • 71%

    19Oo weliba reer Manasehna qaar baa Daa'uud geestiisa soo maray markuu raacay reer Falastiin oo Saa'uul dagaal ugu yimid, laakiinse iyagii ma ay caawiyin, waayo, saraakiishii reer Falastiin talay isagii ku eryeen, oo waxay isyidhaahdeen, Isagu intuu madaxyadeenna khatar geliyo ayuu sayidkiisii Saa'uul garab geli doonaa.

    20Oo markuu Siiqlag tegey waxaa geestiisa reer Manaseh ka soo maray Cadnaah, iyo Yoosaabaad, iyo Yediica'eel, iyo Miikaa'eel, iyo Yoosaabaad, iyo Eliihuu, iyo Silletay, oo dhammaantood ahaa saraakiil u taliya kun kun reer Manaseh ah.

  • 8Markaasuu iyagii ku tiriyey Beseq, oo reer binu Israa'iil waxay ahaayeen saddex boqol oo kun, oo raggii reer Yahuudahna waxay ahaayeen soddon kun.

  • 18¶ Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis raggoodii xoogga lahaa oo awoodda u lahaa inay gaashaan iyo seef qaadaan, iyo inay qaansooyin ganaan, oo dagaalyahannada ahaa waxay ahaayeen afar iyo afartan kun iyo toddoba boqol iyo lixdan nin oo wada awooda inay dagaal u baxaan.

  • 9Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.

  • 16Kuwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.

  • 9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.

  • 14Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.

  • 18oo isna waxaa ku xigay Yehoosaabaad, waxaana isaga la jiray boqol iyo siddeetan kun oo nin oo dagaal loo diyaariyey.

  • 37intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Benyaamiin waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

  • 7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • Tir 1:27-29
    3 aayado
    70%

    27intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.

    28¶ Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

    29intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.

  • 2Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa.

  • 15Markaasay kaceen oo tiro ku gudbeen; oo waxay ahaayeen laba iyo toban reer Benyaamiin ah, oo ka socda xaggii Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, iyo laba iyo toban ka socda addoommadii Daa'uud.

  • 1¶ Oo Rexabcaam markuu Yeruusaalem tegey wuxuu reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin ka soo shiriyey boqol iyo siddeetan kun oo rag la doortay oo dagaalyahan ahaa si ay dadkii Israa'iil ula diriraan oo ay boqortooyadii mar kale ugu soo celiyaan Rexabcaam.

  • 46iyo lix iyo toban kun oo qof.)

  • 16Oo waxaa dhufayska Daa'uud ugu yimid reer Benyaamiin iyo reer Yahuudah qaarkooda.

  • 17Oo waxaa isaga la socday kun nin oo reer Benyaamiin ah, iyo Siibaa oo ahaa midiidinkii reerkii Saa'uul, iyo shan iyo tobankiisii wiil iyo labaatankiisii addoon; oo Webi Urdun bay dhex mareen isagoo boqorku arko.

  • 44¶ Kuwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis.

  • 17Markaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof.

  • 19Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.

  • 12Oo raggii xoogga badnaa, oo ahaa madaxdii qolooyinka oo dhan tiradoodu waxay ahayd laba kun iyo lix boqol oo nin.

  • 9Oo Meshelemyaahna wuxuu lahaa siddeed iyo toban nin oo ahaa rag xoog badan, waxayna wada ahaayeen wiilashiisii iyo walaalihiis.

  • 2Markaasaa dadka madaxdiisii oo dhan ee ka socda qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaa isa soo dhex taagay dadka Ilaah shirkiisii, kuwaasoo ahaa afar boqol oo kun oo nin oo lug ah oo wada seefqaad ah.

  • 1¶ Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay.

  • 5Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, Daa'uud wuxuu iyagii ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin.

  • 4Markaasaa Saa'uul dadkii u yeedhay, oo Tela'iim buu ku tiriyey, oo waxay noqdeen laba boqol oo kun oo nin oo lug ah, iyo toban kun oo nin ee reer Yahuudah ah.