1 Taariikhdii 15:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwii reer Qohaad waxay ahaayeen Uurii'eel oo madax ahaa, iyo walaalihiis oo ahaa boqol iyo labaatan nin,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 6:22-24 : 22 Qohaadna waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Cammiinaadaab, oo dhalay Qorax, oo isna dhalay Asiir, 23 oo isna dhalay Elqaanaah, oo isna dhalay Ebiyaasaaf, oo isna dhalay Asiir, 24 oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Uurii'eel, oo isna dhalay Cusiyaah, oo isna dhalay Shaa'uul.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 79%

    6kuwii reer Meraariina, Casaayaah oo madax ahaa, iyo laba boqol iyo labaatan nin oo walaalihiis ahaa,

    7kuwii reer Gershoomna, Yoo'eel oo madax ahaa, iyo boqol iyo soddon nin oo walaalihiis ahaa,

    8kuwii reer Eliisaafaanna, Shemacyaah oo madax ahaa, iyo laba boqol oo nin oo walaalihiis ahaa,

    9kuwii reer Xebroonna, Elii'eel oo madax ahaa, iyo siddeetan nin oo walaalihiis ahaa,

    10kuwii reer Cusii'eelna, Cammiinaadaab oo madax ahaa, iyo boqol iyo laba iyo toban nin oo walaalihiis ahaa.

    11Markaasaa Daa'uud u yeedhay Saadooq iyo Aabyaataar oo wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa Uurii'eel, iyo Casaayaah, iyo Yoo'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elii'eel, iyo Cammiinaadaab,

    12oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin madaxdii qolooyinka reer Laawi, haddaba idinka iyo walaalihiinba isdaahiriya si aad sanduuqii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ugu soo qaaddaan meeshii aan u hagaajiyey.

  • 19Oo wiilashii Qohaad siday qolooyinkoodu yihiin waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.

  • 76%

    11Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.

    12¶ Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen afar, waana Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon iyo Cusii'eel.

  • 30Oo amiirka reer Qohaadna waa inuu ahaadaa Eliisaafaan ina Cusii'eel.

  • 1 Taar 6:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

    2Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.

  • 18Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel.

  • Tir 3:27-28
    2 aayado
    75%

    27¶ Oo Qohaadna waxaa ka soo farcamay reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel; kuwaasu waa qolooyinkii reer Qohaad.

    28Siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan intii bil jirtay ama ka sii weynayd waxay ahaayeen siddeed kun iyo lix boqol, oo waxay u taliyeen meesha quduuska ah.

  • 34¶ Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii shirku waxay reer Qohaad u tiriyeen qolo qolo iyo reer reer,

  • 18Reer Qohaadna waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. Oo Qohaad cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo saddex iyo soddon sannadood.

  • 2Reer Qohaad qolo qolo iyo reer reer uga soo tiri reer Laawi,

  • 11Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 4Oo haddana Daa'uud wuxuu soo wada ururiyey reer Haaruun iyo reer Laawi.

  • Tir 4:36-37
    2 aayado
    73%

    36Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton.

    37Kuwanu waa kuwii qolooyinkii reer Qohaad ee la tiriyey, kulli intii ka adeegi jirtay teendhadii shirka, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.

  • Tir 4:44-46
    3 aayado
    72%

    44xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.

    45Kuwanu waa kuwii qolooyinka reer Meraarii oo la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.

    46¶ Oo kulli intii reer Laawi ah oo la soo tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil ay qolo qolo iyo reer reer u soo tiriyeen,

  • 35Oo qabiilka reer Meraarii amiirkoodii wuxuu ahaa Surii'eel ina Abiixayil, oo iyana waa inay taambuugga dhankiisa woqooyi teendhooyinkooda ka dhistaan.

  • 23Oo waxaana jiray reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel.

  • 17Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 71%

    17Sidaas daraaddeed reer Laawi waxay doorteen Heemaan oo ahaa ina Yoo'eel iyo walaalihiis oo ahaa Aasaaf ina Berekyaah, oo walaalahood reer Meraariina waxay ka doorteen Eetaan ina Quushaayaah,

    18oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.

  • 16¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 42¶ Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey,

  • 57¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.

  • 38ina Isehaar, ina Qohaad, ina Laawi, ina Israa'iil.

  • 12¶ Markaasaa kuwii reer Laawi waxaa ka dhex kacay Maxad ina Camaasay, iyo Yoo'eel ina Casaryaah oo ahaa reer Qohaad, oo reer Meraariina waxaa ka kacay Qiish ina Cabdii, iyo Casaryaah ina Yehaleleel, oo reer Gershoonna waxaa ka kacay Yoo'aax ina Simmaah, iyo Ceeden ina Yoo'aax.

  • 22Qohaadna waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Cammiinaadaab, oo dhalay Qorax, oo isna dhalay Asiir,

  • 6Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 15Axii ina Cabdii'eel oo ahaa ina Guunii madax buu u ahaa reerahoodii.

  • 15reer Haarimna Cadnaa, reer Meraayoodna Xelqay,

  • 1¶ Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

  • 2Oo kuwanu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, Naadaab oo curadkii ahaa, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

  • 24Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax.

  • 20Kii saddex iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Shuubaa'eel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 32Oo Elecaasaar ina wadaadka Haaruun waa inuu ahaadaa amiirka amiirrada reer Laawi, oo wuxuu korka ka ilaalin doonaa kuwa u taliya meesha quduuska ah.

  • 23Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.

  • 50Oo kuwanuna waa farcankii Haaruun, wiilkiisii Elecaasaar, oo dhalay Fiinexaas, oo isna dhalay Abiishuuca,

  • 24Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 29¶ Oo reer Meraariina waa inaad qolo qolo iyo reer reer u soo tirisaa.

  • 5iyo Elcuusay, iyo Yeriimood, iyo Becalyaah, iyo Shemaryaah, iyo Shefatyaah oo ahaa reer Xaruuf,