1 Taariikhdii 25:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii saddex iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Shuubaa'eel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    9Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay reer Aasaaf oo waxaa helay Yuusuf. Kii labaadna wuxuu u soo baxay Gedalyaah, oo isaga iyo walaalihiis iyo wiilashiisiiba waxay isku ahaayeen laba iyo toban.

    10Kii saddexaadna wuxuu u soo baxay Sakuur, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban nin.

    11Kii afraadna wuxuu u soo baxay Yisrii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    12Kii shanaadna wuxuu u soo baxay Netanyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    13Kii lixaadna wuxuu u soo baxay Buqiyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    14Kii toddobaadna wuxuu u soo baxay Yeshareelaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    15Kii siddeedaadna wuxuu u soo baxay Yeshacyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    16Kii sagaalaadna wuxuu u soo baxay Matanyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    17Kii tobnaadna wuxuu u soo baxay Shimcii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    18Kii kow iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Casareel, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    19Kii laba iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xashabyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 86%

    21Kii afar iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Matityaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    22Kii shan iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Yereemood, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    23Kii lix iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xananyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    24Kii toddoba iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Yaashbeqaashaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    25Kii siddeed iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Xanaanii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    26Kii sagaal iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Mallootii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    27Kii labaatanaadna wuxuu u soo baxay Elii'aataah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    28Kii kow iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Hootiir, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    29Kii laba iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Giddaltii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    30Kii saddex iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Maxasii'ood, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

    31Kii afar iyo labaatanaadna wuxuu u soo baxay Romamtii Ceser, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 11kii labaadna wuxuu ahaa Xilqiyaah, kii saddexaadna Tebalyaah, kii afraadna Sekaryaah. Oo Xosaah wiilashiisii iyo walaalihiis oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban.

  • 19iyo Xashabyaah, iyo Yeshacyaah oo ahaa reer Meraarii, iyo walaalihiis iyo wiilashoodii oo labaatan isku ahaa,

  • 20¶ Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.

  • 25Waxaana la jiray walaalihiis ahaa reer Eliiceser, kuwaasoo ahaa wiilkiisii Rexabyaah, iyo isagii wiilkiisii Yeshacyaah, iyo isagii wiilkiisii Yooraam, iyo isagii wiilkiisii Sikrii, iyo isagii wiilkiisii Shelomood.

  • 73%

    12kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,

    13kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,

  • 73%

    8kuwii reer Eliisaafaanna, Shemacyaah oo madax ahaa, iyo laba boqol oo nin oo walaalihiis ahaa,

    9kuwii reer Xebroonna, Elii'eel oo madax ahaa, iyo siddeetan nin oo walaalihiis ahaa,

    10kuwii reer Cusii'eelna, Cammiinaadaab oo madax ahaa, iyo boqol iyo laba iyo toban nin oo walaalihiis ahaa.

  • 7Wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Cotnii, iyo Refa'eel, iyo Coobeed, iyo Elsaabaad, walaalahoodna oo ah Eliihuu iyo Semakiyaah waxay ahaayeen rag xoog badan.

  • 13oo walaalahood oo ay isku reer ahaayeen waxay ahaayeen Miikaa'eel, iyo Meshullaam, iyo Shebac, iyo Yooray, iyo Yackaam, iyo Siica, iyo Ceeber, oo waxay ahaayeen toddoba.

  • 4Oo Cobeed Edoomna wuxuu lahaa wiilal, oo curadkiisii wuxuu ahaa Shemacyaah, kii labaadna Yehoosaabaad, kii saddexaadna Yoo'aax, kii afraadna Saakaar, kii shanaadna Netaneel,

  • 12iyo Sakuur, iyo Sheereebyaah, iyo Shebanyaah,

  • 15Oo sirkaalkii laba iyo tobnaad ee bishii laba iyo tobnaad bixi jirayna wuxuu ahaa Xelday oo ahaa reer Netofaah, oo ka ahaa reer Cotnii'eel, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

  • 13iyo walaalihiis oo ahaa madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo afartan, iyo Camashay oo ahaa ina Casareel, ina Axsay, ina Meshilleemood, ina Immeer;

  • 11Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.

  • 18oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.

  • 4iyo reer Heemaan: oo wiilashii Heemaanna waxay ahaayeen Buqiyaah, iyo Matanyaah, iyo Cusii'eel, iyo Shebuu'eel, iyo Yeriimood, iyo Xananyaah, iyo Xanaanii, iyo Elii'aataah, iyo Giddaltii, iyo Romamtii Ceser, iyo Yaashbeqaashaah, iyo Mallootii, iyo Hootiir, iyo Maxasii'ood.

  • 14Oo reer Laawina waxaa ka joogay Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah oo ahaa reer Meraarii,

  • 20iyo Eliiceenay, iyo Silletay, iyo Elii'eel,

  • 6kuwii reer Meraariina, Casaayaah oo madax ahaa, iyo laba boqol iyo labaatan nin oo walaalihiis ahaa,

  • 24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 27Shimciina wuxuu lahaa lix iyo toban wiil iyo lix gabdhood, laakiinse walaalihiis carruur badan ma ay lahayn, oo qoladooda oo dhammuna uma ay tarmin, sida reer Yahuudah oo kale.

  • 20reer Sallayna Qallay, reer Caamooqna Ceeber,

  • 15Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah, ina Bunnii;

  • 70%

    13Oo reer Eliisaafaanna waxaa ka kacay Shimrii iyo Yecuu'eel, oo reer Aasaafna waxaa ka kacay Sekaryaah iyo Matanyaah.

    14Oo reer Heemaanna waxaa ka kacay Yexii'eel iyo Shimcii, oo reer Yeduutuunna waxaa ka kacay Shemacyaah iyo Cusii'eel.

  • 9Oo Meshelemyaahna wuxuu lahaa siddeed iyo toban nin oo ahaa rag xoog badan, waxayna wada ahaayeen wiilashiisii iyo walaalihiis.