1 Taariikhdii 16:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 96:1-9 : 1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya. 2 Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin. 3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega. 4 Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan. 5 Waayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka. 6 Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan. 7 Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog. 8 Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala. 9 Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. 10 Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad. 11 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen, 12 Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen, Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed, 13 Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.
  • Ish 12:5 : 5 Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya.
  • Ish 51:6-8 : 6 Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto. 7 ¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina. 8 Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.
  • Bax 15:21 : 21 Markaasaa Maryan waxay ugu celisay iyagii, War Rabbiga u gabya, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Oo faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.
  • 1 Taar 16:9 : 9 Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.
  • Sab 30:4 : 4 Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.
  • Sab 40:10 : 10 Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
  • Sab 71:15 : 15 Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada, Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 96:1-3
    3 aayado
    89%

    1Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.

    2Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.

    3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • 24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • 77%

    8Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

    9Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • Sab 98:2-5
    4 aayado
    75%

    2Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.

    3Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.

    4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

    5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

  • 2In jidkaaga laga ogaado dhulka, Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.

  • 74%

    35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

    36Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Markaasaa dadkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, oo Rabbigay ammaaneen.

  • Ish 12:4-5
    2 aayado
    74%

    4Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.

    5Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya.

  • 2Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • 16Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!

  • Sab 66:1-2
    2 aayado
    73%

    1Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,

    2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 72%

    30Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

    31Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo quruumaha dhexdooda ha laga yidhaahdo, Rabbigu waa boqor.

  • 14Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.

  • Sab 100:1-2
    2 aayado
    72%

    1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

    2Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.

  • 4Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)

  • 15Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada, Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.

  • 10¶ Kuwiinna badda ku sii dhaadhacayow, iyo waxa dhexdeeda ku jira oo dhammow, gasiiradaha iyo kuwa degganow, Rabbiga hees cusub ugu heesa, oo ammaantiisana dhulka darafkiisa ka qaada.

  • 32Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)

  • 20Rabbigu waa u diyaar inuu i badbaadiyo, Haddaba sidaas daraaddeed annagu cimriga noloshayada oo dhan Waxaannu guriga Rabbiga ku dhex gabyi doonnaa gabayadayda annagoo alaab xadhko leh ku cayaarayna.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

  • 1Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana, Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.

  • 1Kaalaya, aynu Rabbiga u gabaynee, Oo aynu farxad ugu qaylinno dhagaxa badbaadadeenna.

  • 24Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.

  • 19Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada, Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)

  • 3Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.

  • 7Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.

  • 1Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.

  • 11Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.

  • 4Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.

  • 1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.

  • 4Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.

  • 2Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.

  • 6Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

  • 4Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen, Ilaah ha la weyneeyo.

  • 23Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.

  • 16Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.

  • 28Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.

  • 7Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,