Ishacyaah 42:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Kuwiinna badda ku sii dhaadhacayow, iyo waxa dhexdeeda ku jira oo dhammow, gasiiradaha iyo kuwa degganow, Rabbiga hees cusub ugu heesa, oo ammaantiisana dhulka darafkiisa ka qaada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 33:3 : 3 Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
  • Sab 40:3 : 3 Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.
  • Ish 42:4 : 4 Isagu ma uu taag darnaan doono, mana uu qalbi jabi doono, jeeruu caddaalad dhulka ku hagaajiyo, oo gasiiraduhuna waxay sugi doonaan sharcigiisa.
  • Room 15:9-9 : 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa. 10 Oo haddana wuxuu leeyahay, Quruumahow, la reyreeya dadkiisa. 11 Oo haddana, Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow, Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga.
  • Muj 5:9 : 9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,
  • Muj 14:3 : 3 markaasay carshiga hortiisa iyo afartii xayawaan iyo odayaasha hortoodii waxay ku gabyeen gabay cusub; oo gabaygaas ninna ma baran karin, boqol iyo afar iyo afartanka kun oo dunida laga soo iibsaday mooyaane.
  • 1 Taar 16:32 : 32 Badda iyo waxa ka buuxaba ha guuxeen, Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,
  • Ish 44:23 : 23 Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.
  • Ish 49:6 : 6 Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.
  • Ish 49:13 : 13 Samooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa.
  • Ish 51:5 : 5 Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.
  • Ish 60:9 : 9 Hubaal gasiiraduhu anigay i sugi doonaan, oo doonniyaha Tarshiish ayaa marka hore iman doona inay wiilashaadii meelo fog ka keenaan iyagoo lacagtoodii iyo dahabkoodiiba wata, oo waxay u iman doonaan magaca Rabbiga ah Ilaahaaga iyo Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil aawadiis, maxaa yeelay, isagu wuu ku ammaanay.
  • Ish 65:14 : 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.
  • Saf 2:11 : 11 Rabbigu wuxuu iyaga u noqon doonaa mid aad looga cabsado, waayo, wuu wada macaluulin doonaa ilaahyada dhulka oo dhan, kolkaasay dadku isaga caabudi doonaan, oo mid kastaaba wuxuu isaga ka caabudi doonaa meeshiisa, oo xataa quruumaha gasiiraduhu way wada caabudi doonaan isaga.
  • Sab 96:1-3 : 1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya. 2 Rabbiga u gabya, oo magiciisa ammaana, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin. 3 Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.
  • Sab 96:11 : 11 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,
  • Sab 97:1 : 1 Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.
  • Sab 98:1-4 : 1 Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado. 2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda. 3 Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil, Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna. 4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
  • Sab 107:23-32 : 23 Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan, 24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa, Iyo yaababkiisa moolka ku jira. 25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda. 26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed. 27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan, Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan. 28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda. 29 Wuxuu dejiyaa duufaanka, Si ay hirarkiisu u xasillaan. 30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin, Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan. 31 Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo! 32 Iyagu ha ku sarraysiiyeen shirka dadka dhexdiisa, Oo ha ku ammaaneen fadhiga odayaasha.
  • Sab 117:1-2 : 1 Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana, Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga. 2 Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay, Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa. Rabbiga ammaana.
  • Sab 148:1-9 : 1 Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana. 2 Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga. 3 Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga. 4 Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow. 5 Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen. 6 Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn. 7 Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow, 8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow, 9 Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow, 10 Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow, 11 Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow, 12 Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray, 13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa. 14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.
  • Sab 150:6 : 6 Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.
  • Ish 24:14-16 : 14 Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan. 15 Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda. 16 ¶ Darafka dhulka ugu shisheeya ayaan ka maqalnay gabayo lahaa, Ammaanu ha u ahaato kan xaqa ah. Laakiinse anigu waxaan idhi, Caatoobay oo caatoobay, anaa iska hoogay! Khaa'innadii khiyaanay sameeyeen, hubaal khaa'innadii aad iyo aad bay khiyaano xun u sameeyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 42:11-12
    2 aayado
    79%

    11Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen.

    12Rabbiga ha sharfeen, oo ammaantiisana gasiiradaha ha ka naadiyeen.

  • 1Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya.

  • Ish 24:14-15
    2 aayado
    76%

    14Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan.

    15Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

  • Sab 98:4-5
    2 aayado
    74%

    4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

    5Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.

  • Ish 12:4-5
    2 aayado
    74%

    4Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.

    5Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya.

  • 34Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.

  • 9Bal eega, waxyaalihii hore way wada noqdeen, oo hadda waxaan idiin sheegayaa waxyaalo cusub, oo intayan iman ayaan idiin sii sheegayaa.

  • Sab 98:7-8
    2 aayado
    73%

    7Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,

    8Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,

  • 32Badda iyo waxa ka buuxaba ha guuxeen, Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,

  • 7Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow,

  • Sab 33:2-3
    2 aayado
    72%

    2Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.

    3Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.

  • 1Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan, Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.

  • 3Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.

  • 32Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)

  • 72%

    23Dadka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.

    24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • 1Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya.

  • 11Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,

  • Sab 66:1-2
    2 aayado
    70%

    1Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,

    2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 8Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga, Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.

  • 4Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)

  • 5Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen.

  • 10Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan?

  • 23Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.

  • 13Samooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa.

  • 7Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa.

  • 11Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.

  • 9Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • 2Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

  • 1Rabbigu isagaa taliya, haddaba dhulku ha reyreeyo, Oo gasiiradaha badanuna ha wada farxeen.

  • 9Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.

  • 1Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana, Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.

  • Sab 47:6-7
    2 aayado
    68%

    6Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

    7Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.

  • 4Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.

  • 3Bal maqla, Boqorradow; oo dhegaysta, Amiirradow, Anigu anaa u gabyi doona Rabbiga; Ammaan baan ugu gabyi doonaa Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 8Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.

  • 3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • 6Wax kasta oo neef lahuba Rabbiga ha ammaaneen. Rabbiga ammaana.

  • 3Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla.

  • 29Idinku waad gabyi doontaan sida habeen iid quduus ah la sameeyo, oo qalbigaad ka farxi doontaan sida marka biibiile loola sii socdo buurta Rabbiga in Kan dhagaxa u ah reer binu Israa'iil loo tago.