Ishacyaah 49:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Samooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 44:23 : 23 Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.
  • Ish 51:3 : 3 Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.
  • Ish 52:9 : 9 Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.
  • Ish 55:12 : 12 Waayo, farxad baad la bixi doontaan, oo nabad baa laydinku hoggaamin doonaa, oo buuraha iyo kuruhuna hortiinnay hees ku dhufan doonaan, oo dhirta duurka oo dhammuna way sacbin doonaan.
  • Ish 61:2-3 : 2 iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo, 3 iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.
  • Ish 66:13-14 : 13 Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem. 14 Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.
  • Yer 31:13 : 13 Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.
  • Luuk 2:13-14 : 13 Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen, 14 Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
  • Luuk 15:10 : 10 Waxaan idinku leeyahay, Sidaas oo kale markii mid dembi leh toobadkeenoba, farxad ayaa kaga jirta malaa'igaha Ilaah hortooda.
  • 2 Kor 7:6 : 6 Laakiin Ilaaha dhiirigeliya kuwa is-hoosaysiiya ayaa nagu dhiirrigeliyey imaatinka Tiitos;
  • 2 Tes 2:16-17 : 16 ¶ Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan, 17 qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.
  • Muj 5:8-9 : 8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta. 9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta, 10 oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan. 11 ¶ Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun; 12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad. 13 Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood.
  • Muj 7:9-9 : 9 ¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.
  • Sab 96:11-13 : 11 Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen, 12 Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen, Oo markaasay dhirta duurka oo dhammu Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed, 13 Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.
  • Sab 98:4-9 : 4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya. 5 Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta, Kataarad iyo codka heeska ugu gabya. 6 Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan. 7 Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen, 8 Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa, 9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.
  • Ish 12:1 : 1 ¶ Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.
  • Ish 40:1-2 : 1 ¶ Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya! 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
  • Ish 42:10-11 : 10 ¶ Kuwiinna badda ku sii dhaadhacayow, iyo waxa dhexdeeda ku jira oo dhammow, gasiiradaha iyo kuwa degganow, Rabbiga hees cusub ugu heesa, oo ammaantiisana dhulka darafkiisa ka qaada. 11 Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 52:7-9
    3 aayado
    83%

    7¶ Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta.

    8Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo.

    9Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.

  • 3Waayo, Rabbigu Siyoon wuu u qalbi qabowjiyey, oo meelaheeda baabba'ay oo dhanna wuu u qalbi qabowjiyey, cidladeedana wuxuu ka dhigay sidii Ceeden oo kale, oo lamadegaankeedana sidii beertii Rabbiga oo kale, oo dhexdeedana waxaa laga heli doonaa farxad iyo rayrayn, iyo mahadnaqid iyo cod heeseed.

  • 23Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

  • 14¶ Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay.

  • 7Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Yacquub aawadiis farxad ugu heesa, oo waxaad u dhawaaqdaan kan madaxa quruumaha ah aawadiis. Naadiya, oo ammaana, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiyow, dadkaaga ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay badbaadi.

  • 11Oo kuwa Rabbigu soo furtay way soo noqon doonaan, iyagoo gabyaya ayay Siyoon iman doonaan, oo madaxoodana farxad weligood ah ayaa saarnaan doonta, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo tiiraanyo iyo taahna way carari doonaan.

  • Ish 40:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya!

    2Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.

  • 19¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.

  • 12Waayo, farxad baad la bixi doontaan, oo nabad baa laydinku hoggaamin doonaa, oo buuraha iyo kuruhuna hortiinnay hees ku dhufan doonaan, oo dhirta duurka oo dhammuna way sacbin doonaan.

  • 10Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.

  • Yer 31:12-13
    2 aayado
    74%

    12Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.

    13Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.

  • Ish 49:11-12
    2 aayado
    74%

    11Oo buurahayga oo dhan waxaan ka dhigi doonaa waddo, oo jidadkayga weynna kor baa loo wada qaadi doonaa.

    12Bal eega, kuwanu waxay ka iman doonaan meel fog, oo bal ogaada, kuwanu waxay ka iman doonaan xagga woqooyi iyo xagga galbeed, oo kuwanuna waxay ka iman doonaan dalka reer Siiniim.

  • 6Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

  • 29Idinku waad gabyi doontaan sida habeen iid quduus ah la sameeyo, oo qalbigaad ka farxi doontaan sida marka biibiile loola sii socdo buurta Rabbiga in Kan dhagaxa u ah reer binu Israa'iil loo tago.

  • 9¶ Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega!

  • Saf 3:17-18
    2 aayado
    73%

    17Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.

    18Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd.

  • 4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

  • 13Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem.

  • 7Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

  • 7Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa.

  • 10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

  • 10¶ Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya,

  • 19Oo kuwa hooseeyaana aad bay Rabbiga ugu sii farxi doonaan, oo masaakiinta dadka ku dhex jirtaana waxay ku rayrayn doonaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 5Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya.

  • 19Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono.

  • 14addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.

  • 2Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.

  • Ish 49:8-9
    2 aayado
    71%

    8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,

    9iyo inaad kuwa xidhan ku tidhaahdid, Soo baxa, oo kuwa gudcurka ku jirana aad ku tidhaahdid, Ismuujiya. Waxay daaqi doonaan jidadka, oo daaqsintoodana waxay ka heli doonaan meelaha sare oo dhan.

  • 12Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda.

  • 11Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.

  • Ish 54:10-11
    2 aayado
    71%

    10Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo.

    11¶ Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.

  • 11Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

  • 11Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen.

  • 3iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • 23¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.

  • 11Bal eega, Rabbigu wuxuu tan iyo dhulka darafkiisa ku naadiyey oo yidhi, Magaalada Siyoon waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, badbaadadaadii waa soo socotaaye. Bal eeg, isagu abaalgudkiisii wuu wataa, oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.

  • 1¶ Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa, Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.

  • 25Magaaladii ammaanta lahayd oo aan ku faraxsanaa sidee baan looga tegin!