7¶ Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta.
8Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo.
9Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.
10Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.