Ishacyaah 56:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 3:2 : 2 Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
  • Sab 85:9 : 9 Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.
  • Ish 1:16-19 : 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya. 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca. 18 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan. 19 Haddaad raalli tihiin oo aad dhega nugushihiin, waxaad cuni doontaan dalka barwaaqadiisa,
  • Ish 26:7-8 : 7 Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya. 8 Rabbiyow, annagu waxaannu kugu sugaynay jidka xukummadaada. Oo naftayaduna waxay xiiso u qabtaa magacaaga iyo xusuustaada.
  • Ish 46:13 : 13 Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.
  • Ish 51:5 : 5 Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.
  • Ish 55:7 : 7 Ka sharka lihi jidkiisa ha ka tago, ninka aan xaqa ahaynuna fikirradiisa, oo Rabbiga ha u soo noqdo, oo isna wuu u naxariisan doonaa, oo ha u yimaado Ilaaheenna, waayo, aad buu u saamixi doonaa.
  • Sab 24:4-6 : 4 Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran. 5 Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo. 6 Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
  • Sab 50:23 : 23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
  • Room 1:17 : 17 Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.
  • Room 10:6-9 : 6 Laakiin xaqnimada rumaysadku sidanay tidhaahdaa, Qalbigaaga ha iska odhan, Yaa samada kori doona (inuu Masiix soo dejiyo)? 7 Ama, Yaa yamayska hoos u geli doona (inuu Masiix kuwa dhintay ka soo sara kiciyo)? 8 Laakiin maxay leedahay? Eraygii waa kuu dhow yahay, waana ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga, waxaa weeyaan erayga rumaysadka oo aannu kugu wacdinno. 9 Maxaa yeelay, haddaad afka ka qiratid in Ciise yahay Rabbiga, oo aad qalbiga ka rumaysatid in Ilaah isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay, waad badbaadi doontaa, 10 waayo, qalbiga wax baa laga rumaystaa xagga xaqnimada, afkana wax baa laga qirtaa xagga badbaadinta.
  • Room 13:11-14 : 11 ¶ Oo weliba waad garanaysaan wakhtiga inay haatan tahay saacaddii aad hurdada ka toosi lahaydeen, waayo, haatan ay badbaadintu inooga dhow dahay markii horoo aan rumaysannay. 12 Habeenkii hore buu u batay, maalintiina waa soo dhowaatay, sidaas daraaddeed aan iska dhigno shuqullada gudcurka oo aan qaadanno hubka iftiinka. 13 Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso. 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
  • Mat 4:17 : 17 ¶ Markaas dabadeed Ciise wuxuu bilaabay inuu wax ku wacdiyo oo yidhaahdo, Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
  • Mark 1:15 : 15 wuxuuna yidhi, Wakhtigii waa buuxsamay, oo boqortooyadii Ilaah waa soo dhowaatay; toobadkeena oo injiilka rumaysta.
  • Luuk 3:3-9 : 3 Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis, 4 siday ugu qoran tahay kitaabkii hadallada Nebi Isayos, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 5 Dooxo walba waa la buuxin doonaa, Qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, Wixii qalloocanna waa la toosin doonaa, Jidadka xunxunna waa la simi doonaa, 6 Uunka oo dhammuna badbaadinta Ilaah ayay arki doonaan. 7 Haddaba wuxuu ku yidhi dadkii badnaa oo u soo baxay inuu baabtiiso iyaga, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, hana bilaabina inaad isku tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim. 9 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa.
  • Yoox 7:17 : 17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo.
  • Yer 7:3-9 : 3 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan. 4 Ha isku hallaynina erayo been ah oo leh, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbiga, Macbudkii Rabbigu waa kan. 5 Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa, 6 iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin, 7 de markaas waxaan idinka yeeli doonaa inaad degganaataan meeshan, oo ah dalkii aan waa hore awowayaashiin u siiyey inay weligood lahaadaan. 8 Bal eega, idinku waxaad isku hallaysaan erayo been ah oo aan waxba idin tari karin. 9 Intaad wax xaddaan, oo dhiig daadisaan, oo sinaysataan, oo been ku dhaarataan, oo Bacal foox u shiddaan, oo ilaahyo kale oo aydaan aqoon daba gashaan, 10 miyaad i hor imanaysaan, oo gurigan laygu magacaabay gudihiisa soo istaagaysaan, oo odhanaysaan, Annaga waa nala samatabbixiyey, si aad haddana karaahiyadan oo dhan u sii samaysaan? 11 Gurigan laygu magacaabay ma wuxuu hortiinna ku noqday god tuugo? Bal eega, Rabbigu wuxuu leeyahay, Aniguba waan arkay.
  • Mal 4:4 : 4 ¶ Xusuusta addoonkaygii Muuse sharcigiisii, kaasoo aan ku amray isagoo jooga Buur Xoreeb oo aan u siiyey reer binu Israa'iil oo dhan daraaddood, waxaana weeye qaynuunno iyo xukummo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 51:4-8
    5 aayado
    80%

    4¶ Dadkaygow, i maqla, oo quruuntaydoy, dhegta ii dhiga, waayo, sharci baa iga soo bixi doona, oo caddaaladdaydana waxaan ka dhigi doonaa inay dadyowga iftiin u noqoto.

    5Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.

    6Bal indhihiinna samooyinka ku taaga, oo haddana dhulka hoose fiiriya, waayo, samooyinku sida qiiq oo kale bay u libdhi doonaan, oo dhulkuna sida dhar buu u duugoobi doonaa, oo kuwa degganuna sidaas oo kalay u dhiman doonaan, laakiinse badbaadintaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo xaqnimadayduna weligeed ma dhammaan doonto.

    7¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.

    8Waayo, aboor baa sida dhar oo kale u cuni doona, oo dixiri baa sida dhogor oo kale u cuni doona, laakiinse xaqnimadaydu weligeedba way sii waari doontaa, oo badbaadintayduna tan iyo ab ka ab way sii jiri doontaa.

  • Ish 46:12-13
    2 aayado
    79%

    12Kuwiinna qalbiga qallafsan oo xaqnimada ka fogow, bal i maqla!

    13Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.

  • 17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.

  • 10Rabbigu wuxuu soo saaray xaqnimadeennii, ina keena oo aynu Siyoon ka caddayno shuqulka Rabbiga Ilaaheenna ah.

  • 3Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.

  • 13Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.

  • 27Siyoon waxaa lagu soo furan doonaa caddaalad, oo kuweeda soo noqdayna waxaa lagu soo furan doonaa xaqnimo.

  • 16Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.

  • 9Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.

  • Yer 23:5-6
    2 aayado
    73%

    5¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.

    6Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.

  • Yer 33:14-16
    3 aayado
    73%

    14¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.

    15Wakhtigaas iyo waagaasba waxaan Daa'uud u soo bixin doonaa biqil xaq ah, oo isna wuxuu dalka ku dhex samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.

    16Wakhtigaas dadka Yahuudah waa la badbaadin doonaa, oo Yeruusaalemna ammaan bay ku degganaan doontaa, oo kanuna waa magaca iyada lagu magacaabi doono, Rabbigu waa xaqnimadayadii.

  • 8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

  • 2Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn.

  • 6Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.

  • 20Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba.

  • 1¶ Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno.

  • 8Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.

  • 5Oo carshigu naxariis buu ku dhismi doonaa, oo run ahaan waxaa carshiga taambuugga Daa'uud dhexdiisa ah ku fadhiisan doona mid caddaalad ku garsoora, caddaaladna doondoona, oo xaqnimada ku dhaqsada.

  • 11Bal eega, Rabbigu wuxuu tan iyo dhulka darafkiisa ku naadiyey oo yidhi, Magaalada Siyoon waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, badbaadadaadii waa soo socotaaye. Bal eeg, isagu abaalgudkiisii wuu wataa, oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.

  • 21Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

  • 29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.

  • 6Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo, Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.

  • 8¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,

  • 8Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa.

  • 14Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto.

  • 1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

  • 5Oo anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.

  • 8Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah.

  • 4Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.

  • 7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.

  • 2Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii, Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.

  • 3Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.

  • 5Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.

  • 6Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)

  • 5Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.

  • 5Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,

  • 9Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.

  • 20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 5Rabbiga dhexdeeda jooga waa xaq, oo innaba xumaan ma samayn doono, oo caddaaladdiisana aroor kastaba wuu soo saaraa, oo marnaba kama baaqdo, laakiinse caddaaladlaawuhu isma ceebsan yaqaan.

  • 2Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.