Miikaah 7:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 37:6 : 6 Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.
  • 1 Sam 24:15 : 15 Haddaba Rabbigu aniga iyo adiga dhexdeenna xaakin ha ka ahaado oo ha inoo garnaqo, oo ha arko gartayda, gacantaadana ha iga samatabbixiyo.
  • 1 Kor 4:5 : 5 Taa aawadeed wakhtiga hortiisa waxba ha xukumina ilaa Rabbigu imanayo, kan waxyaalaha qarsoon ee gudcurka iftiimin doona oo muujin doona tashiyada qalbiga, oo markaas nin kastaaba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Ilaah.
  • 2 Tes 1:5-9 : 5 Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan. 6 Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba, 7 iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa, 10 markuu yimaado maalintaas in isaga lagu ammaano quduusiintiisa oo lagula yaabo kuwii rumaystay oo dhan, maxaa yeelay, markhaatifurkayagii aan idiin sheegnay waa la rumaystay.
  • 2 Tim 4:8 : 8 Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa.
  • Cib 12:6-7 : 6 Waayo, ka uu Rabbigu jecel yahay ayuu edbiyaa, Wuuna karbaashaa wiil kasta oo uu aqbalo. 7 U adkaysta edbinta. Ilaah wuxuu idiinla macaamiloodaa sida wiilal oo kale; waayo, waa wiilkee kan aanu aabbihii edbin?
  • Muj 6:10-11 : 10 oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga? 11 Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.
  • Muj 18:20 : 20 Haddaba iyada ku farxa, samaday, iyo quduusiintay, iyo rasuulladow, iyo nebiyadow, waayo, Ilaah xukunkiinnii iyaduu ku xukumay.
  • Laaw 26:41 : 41 oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda,
  • 1 Sam 3:18 : 18 Oo Samuu'eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga.
  • 1 Sam 25:39 : 39 Oo Daa'uudna markuu maqlay in Naabaal dhintay ayuu yidhi, Waxaa mahad leh Rabbigii Naabaal caydii uu i caayay iiga soo aarguday, oo anoo addoonkiisa ah shar iga celiyey; Naabaalna xumaantii uu samaynayay Rabbigu isaguu ku celiyey. Markaasuu Daa'uud cid u diray Abiigayil oo kala hadlay siduu u guursan lahaa.
  • 1 Sam 26:10 : 10 Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.
  • 2 Sam 16:11-12 : 11 Daa'uudna wuxuu ku yidhi Abiishay, iyo addoommadiisii oo dhanba, Bal eega, wiilkaygii iga soo baxay ayaa doonaya inuu nafta iga qaado; haddaba intee in ka badan ayaa ninkan reer Benyaamiin igu samaynayaa? Haddaba ninkan iska daaya, ha iska habaartamee; waayo, Rabbigaa saas ku amray. 12 Mindhaa Rabbigu intuu dhibaatadayda eego ayuu wanaag iigu beddeli doonaa habaarkuu maanta igu habaaray.
  • 2 Sam 24:17 : 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.
  • Ayuub 23:10 : 10 Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro, Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.
  • Ayuub 34:31-32 : 31 Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo, 32 Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?
  • Sab 7:6 : 6 Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
  • Sab 43:1 : 1 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
  • Ish 46:13 : 13 Xaqnimadaydii waan soo dhowaynayaa, oo iyana ma ay fogaan doonto, oo badbaadintayduna ma ay raagi doonto. Reer binu Israa'iil oo sharaftayda ah daraaddood ayaan badbaadin Siyoon u dhex dhigi doonaa.
  • Yer 50:17-20 : 17 Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday. 18 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale. 19 Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa la doondooni doonaa xumaantii dadka Israa'iil oo innaba ma ay jiri doonto, iyo dembiyadii dadka Yahuudah oo innaba lama heli doono, waayo, kuwii aan soo reebay waan saamixi doonaa.
  • Yer 50:33-34 : 33 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan. 34 Bixiyahoodu waa xoog badan yahay, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Oo isagu sida xaqiiqada ah dacwadooda wuu u qaadi doonaa, si uu dhulka u nasiyo, oo uu kuwa Baabuloon deggan u gariiriyo.
  • Yer 51:35-36 : 35 Kan Siyoon degganu wuxuu odhan doonaa, Dulmigii aniga iyo jidhkayga lagu sameeyey Baabuloon ha saarnaado. Yeruusaalem waxay odhan doontaa, Dhiiggaygu dadka dalka Kalday deggan ha saarnaado. 36 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.
  • Bar 1:18 : 18 Rabbigu waa xaq, waayo, amarkiisaan ku caasiyoobay. Dadyowga oo dhammow, i maqla, waan idin baryayaaye, oo bal murugtayda fiiriya. Hablahaygii bikradaha ahaa iyo barbaarradaydii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay.
  • Bar 3:39-42 : 39 Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa? 40 Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno. 41 Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira. 42 Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.
  • Mal 3:18 : 18 Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
  • Luuk 15:18-19 : 18 Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba. 19 Kol dambe ma istaahilo in laygu yeedho wiilkaaga, ee iga dhig sida kuwa aad kiraysatay midkood oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Miik 7:7-8
    2 aayado
    81%

    7¶ Laakiinse anigu Rabbigaan dhawrayaa, oo Ilaaha badbaadadayda waan sugayaa. Ilaahay wuu i maqli doonaa.

    8¶ Cadowgaygow, ha igu farxin. Goortaan dhoco waan kici doonaa, oo goortaan gudcur fadhiistana Rabbiga ayaa iftiin ii noqon doona.

  • 10Dabadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal.

  • 8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

  • 20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 35Oo weliba waxaad istidhaahdaa, Anigu xaq ma qabo. Sida xaqiiqada ah cadhadiisu way iga noqotay. Bal ogow, anigu waan kula muddici doonaaye, maxaa yeelay, waxaad tidhaahdaa, Anigu ma aan dembaabin.

  • 12Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.

  • 75%

    20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

    21Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.

  • Sab 7:3-6
    4 aayado
    75%

    3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,

    4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

    5De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)

    6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.

  • 7Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.

  • 74%

    18Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.

    19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

  • 6Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.

  • 18Haddaba anigu xumaantayda waan sheegi doonaa, Oo dembigaygana waan ka qoomamoon doonaa.

  • 6Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo, Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan.

  • Bar 3:1-2
    2 aayado
    74%

    1Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.

    2Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.

  • 24Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.

  • 59Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.

  • 25Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd; Iyo sidii nadiifsanaantaydii ay ku ahayd indhihiisa hortooda.

  • 8Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado.

  • 11Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

  • Bar 1:21-22
    2 aayado
    73%

    21Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.

    22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

  • 18Rabbigu waa xaq, waayo, amarkiisaan ku caasiyoobay. Dadyowga oo dhammow, i maqla, waan idin baryayaaye, oo bal murugtayda fiiriya. Hablahaygii bikradaha ahaa iyo barbaarradaydii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • Bar 1:13-14
    2 aayado
    73%

    13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

    14Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.

  • 10Oo aniguna indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, laakiinse jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.

  • 28Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

  • 3Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.

  • 8Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.

  • 9Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba.

  • 11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

  • 2Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.

  • 8Aniguse Ilaah baan baryi lahaa, Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 14Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa, Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.

  • 29Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.

  • 4Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.

  • 1Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.

  • 2Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.

  • 8Xumaantoodii ay igu dembaabeen oo dhan waan ka nadiifin doonaa, oo xumaatooyinkoodii ay igu dembaabeen oo ay igu xadgudbeen oo dhanna waan ka cafiyi doonaa.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.