Baroorashadii 3:59

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 35:23 : 23 Sara joogso, oo garsooriddayda u toos, Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.
  • Sab 43:1 : 1 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
  • Sab 26:1 : 1 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
  • Sab 35:1 : 1 Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.
  • Bil 31:42 : 42 Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.
  • Sab 9:4 : 4 Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
  • Yer 11:19-21 : 19 Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan. 20 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay. 21 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin,
  • Yer 15:10 : 10 ¶ Anigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.
  • Yer 18:18-23 : 18 ¶ Oo markaas waxay yidhaahdeen, Ina keena aynu Yeremyaah shirqool u hindisnee, waayo, sharcigu wadaadka ka tegi maayo, oo taladuna kii xigmad leh ka tegi mayso, oo erayguna nebiga ka tegi maayo. Ina keena aynu isaga carrabka ku dhufannee, oo erayadiisana yeynan innaba dheg u dhigin. 19 ¶ Rabbiyow, bal i maqal, oo bal dhegayso kuwa ila diriraya codkooda. 20 Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo. 21 Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa. 22 Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen. 23 Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.
  • Yer 20:7-9 : 7 ¶ Rabbiyow, waad i khiyaanaysay, oo waa lay khiyaaneeyey, adigu waad iga xoog badan tahay, oo waad iga adkaatay. Maalin kasta waa laygu qoslaa, oo mid kastaaba waa i yaraystaa. 8 Waayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan. 9 Oo haddaan idhaahdo, Isaga ka hadli maayo, oo mar dambe magiciisa wax ku sheegi maayo, waxaa qalbigayga ku jira wax dab ololaya la moodo oo lafahayga ku dheggan, oo waxaan la daalay hadalka. 10 Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.
  • Yer 37:1-9 : 1 ¶ Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah. 2 Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah. 3 Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari. 4 ¶ Oo markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin. 5 Oo ciidankii Fircoon ayaa Masar ka soo baxay, oo reer Kaldayiinkii Yeruusaalem ku hareeraysnaana markay warkoodii maqleen ayay Yeruusaalem ka kala tageen. 6 Markaasaa eraygii Rabbigu Nebi Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi, 7 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Boqorka dalka Yahuudah oo ii soo kiin diray inuu wax i weyddiisto waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, ciidanka Fircoon oo u soo baxay inuu ku caawiyo, waxay ku noqon doonaan dalkoodii Masar. 8 Oo reer Kaldayiinna way soo noqon doonaan, oo magaaladan bay la diriri doonaan, wayna qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan. 9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ha iskhiyaanaynina, oo ha isku odhanina, Hubaal reer Kaldayiin way naga tegayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay tegi doonaan. 10 Waayo, in kastoo aad ciidanka reer Kaldayiin ee idinla diriraya wada baabbi'in lahaydeen, oo rag dhaawac ah mooyaane aan iyaga wax kale ka hadhin, haddana iyaga midkood kastaaba wuxuu ka soo kici lahaa teendhadiisa, oo dab bay magaaladan ku gubi lahaayeen. 11 ¶ Oo markii ciidankii reer Kaldayiin ay Yeruusaalem uga kala tageen cabsi ay ka qabaan ciidankii Fircoon aawadiis 12 ayaa Yeremyaah Yeruusaalem ka baxay oo wuxuu galay dalkii reer Benyaamiin si uu meeshaas qaybtiisa dadka uga dhex helo. 13 Oo markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin. 14 Markaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay. 15 Amiirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen. 16 Markii Yeremyaah uu gurigii godka ahaa galay iyo weliba qolalkii hoose, oo uu halkaas maalmo badan ku jiray, 17 ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon. 18 Oo weliba Yeremyaah wuxuu Boqor Sidqiyaah ku yidhi, Bal maxaan adiga, amase addoommadaada, amase dadkan u dhimay, oo aad ii xabbisteen? 19 Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba? 20 Haddaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye. 21 Markaas Boqor Sidqiyaah wuxuu ku amray in Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha lagu daayo, oo waxaa dharaar kasta jidka kibisdubayaasha laga siin jiray xabbad kibis ah, ilamaa kibistii magaaladu ay wada dhammaatay. Oo sidaasuu Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha ugu sii hadhay.
  • 1 But 2:23 : 23 Oo isagu markii la caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay kan xaqnimada wax ku xukuma.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 58Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay.

  • Bar 3:60-61
    2 aayado
    81%

    60Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.

    61Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan,

  • 12Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.

  • 20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 4Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.

  • Sab 35:22-24
    3 aayado
    76%

    22Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.

    23Sara joogso, oo garsooriddayda u toos, Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.

    24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

  • 2Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.

  • 1Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.

  • 8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

  • 3Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,

  • 3Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.

  • 15Haddaba Rabbigu aniga iyo adiga dhexdeenna xaakin ha ka ahaado oo ha inoo garnaqo, oo ha arko gartayda, gacantaadana ha iga samatabbixiyo.

  • 9Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.

  • 5Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.

  • 1Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.

  • 15¶ Rabbiyow, wax kastaba waad og tahay, haddaba bal i soo xusuuso, oo i soo booqo, oo iiga aargud kuwa i silcinaya. Ii dulqaado oo ha i fogayn. Ogow inaan aawadaa cay ugu adkaystay.

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 19Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.

  • 1Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 4Adiga keliya ayaan kugu dembaabay, Oo waxaan sameeyey wax hortaada ku xun, Inaad xaq ahaatid markaad hadashid, Oo aad daahir ahaatid markaad wax xukunto.

  • 3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.

  • 9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 14Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed, Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa, Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.

  • 3Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa.

  • 1Rabbiyow, Ilaaha aargudashada lahow, Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.

  • 75Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.

  • 3Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?

  • 23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

  • 29Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.

  • 18Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.

  • 3Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda, Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan, Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.

  • 137Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 5Waayo, Ayuub wuxuu yidhi, Anigu xaq baan ahay, Laakiinse Ilaah baa gartaydii ii diiday.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 18Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.

  • 19Rabbiyow, sara joogso, oo dadku yaanay adkaan. Quruumaha hortaada ha lagu xukumo.

  • 154Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

  • 13Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo.

  • 8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • 1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.