Baroorashadii 1:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 30:30 : 30 Dubkaygu intuu gubto ayuu iska diirmaa, Oo lafahayguna kulayl bay ku gubtaan.
  • Xab 3:16 : 16 Anigu waan maqlay, kolkaasaan caloosha ka naxay, Oo codkii aawadiis ayaa bushimahaygu la qadhqadheen, Lafahaygiina way qudhmeen, oo meeshaydaan ku gariiray, Inaan iska nasto intaan sugayo maalinta dhibka Oo ay ciidammadu ku soo kici doonaan dadka.
  • Yex 17:20 : 20 Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.
  • Sab 22:14 : 14 Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
  • Ayuub 19:6 : 6 Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.
  • Yex 12:13 : 13 Oo weliba aniguna shabaggaygaan ku kor kala bixin doonaa, oo dabinkaygaa lagu soo qaban doonaa, oo waxaan isaga keeni doonaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin, oo weliba ma uu arki doono, in kastoo uu halkaas ku dhiman doono.
  • Sab 66:11 : 11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
  • Sab 70:2-3 : 2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan Ha ceeboobeen oo ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen. 3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu, Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
  • Sab 102:3-5 : 3 Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale. 4 Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno. 5 Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
  • Sab 129:5 : 5 Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
  • Ish 42:17 : 17 Kuwa sanamyada xardhan isku halleeya, oo sanamyada la shubay ku yidhaahda, Idinku ilaahyadayada baad tihiin, dib baa loo sii jeedin doonaa, oo aad loo ceebayn doonaa.
  • Yer 4:19-29 : 19 Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka. 20 Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen. 21 Ilaa goormaan calanka arkayaa, oo aan buunka dhawaaqiisa sii maqlayaa? 22 Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh. 23 ¶ Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn. 24 Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen. 25 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo ninna ma jirin, oo haaddii hawada oo dhammuna way wada carareen. 26 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed. 27 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka oo dhammu wuu cidloobi doonaa, laakiinse anigu kulligiis wada baabbi'in maayo. 28 Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qasdiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba. 29 Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono.
  • Yer 44:6 : 6 Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.
  • Bar 1:22 : 22 Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.
  • Bar 2:3-4 : 3 Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan. Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii, Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan. 4 Wuxuu qaansadiisii u xootay sidii cadow oo kale, oo gacantiisii midigna wuu u taagay sidii nacab oo kale, Oo wixii isha u roonaa ayuu wada laayay, Oo taambuuggii magaalada Siyoonna cadhadiisuu ugu soo daadiyey sidii dab oo kale.
  • Bar 4:17-20 : 17 Intaannu waxtarla'aan caawimaad u fiirinaynay ayaa indhihii na daaleen. Quruuntii aannu fiirinaynay waxay ahayd quruun aan na badbaadin karin. 18 Way na raadraadiyaan, oo jidadkayagana ma mari karno. Ugudambaystayadii way soo dhowaatay. Cimrigayagii wuu dhammaaday, waayo, ugudambaystayadii way timid. 19 Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen. 20 Kii sankayaga neefta u ahaa oo ahaa kii Rabbigu subkay ayaa godadkoodii lagu qabtay, Kaasoo aannu nidhi, Quruumaha dhexdooda ayaannu hooskiisa ku sii degganaanaynaa.
  • Bar 5:17 : 17 Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
  • Sharc 28:65 : 65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.
  • Sharc 32:21-25 : 21 Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen, Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn, Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn, Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah. 22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha. 23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin, Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa. 24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya Iyo halligaad qadhaadh, Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga, Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta. 25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.
  • Ayuub 18:8 : 8 Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
  • Sab 31:10 : 10 Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.
  • Sab 35:4 : 4 Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.
  • Yex 32:3 : 3 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shabaggaygaan kugu dul fidin doonaa iyadoo dadyow badan ila jiraan, oo iyaguna shabaggaygay kugu soo bixin doonaan.
  • Hos 7:12 : 12 Markay tagaan waxaan ku kor fidin doonaa shabaggayga, oo iyagaan u soo dejin doonaa sida haadda samada, oo sidii ururkoodu maqlay ayaan iyaga u edbin doonaa.
  • Nax 1:6 : 6 ¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.
  • 2 Tes 1:8 : 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Cib 12:29 : 29 waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bar 1:14-16
    3 aayado
    83%

    14Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.

    15Raggaygii xoogga badnaa oo dhan Sayidku dhexdayduu ku tuuray. Wuxuu iigu yeedhay shir inuu barbaarradayda burburiyo. Gabadhii bikradda ahayd ee quruunta Yahuudah ah Sayidku wuxuu ugu tuntay sidii macsaro khamri.

    16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • Bar 3:11-13
    3 aayado
    82%

    11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

    12Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.

    13Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan.

  • 12Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.

  • Bar 3:1-7
    7 aayado
    80%

    1Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.

    2Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.

    3Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.

    4Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

    5Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.

    6Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.

    7Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.

  • 80%

    12Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.

    13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.

    14Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.

  • 19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.

  • Sab 22:14-15
    2 aayado
    78%

    14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.

    15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • Bar 3:16-17
    2 aayado
    78%

    16Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.

    17Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

  • Bar 1:20-22
    3 aayado
    78%

    20Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.

    21Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.

    22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • Sab 143:3-4
    2 aayado
    78%

    3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

    4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 3Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.

  • 76%

    16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

    17Habeenkii lafahaygaa i muda, Oo xanuunka i cunayaana ima daayo innaba.

  • 13Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.

  • 10Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.

  • 9Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.

  • 11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.

  • Sab 129:2-3
    2 aayado
    75%

    2Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan.

    3Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.

  • 8Waayo, mar alla markaan hadlaba waan qayliyaa, oo waxaan ku dhawaaqaa, Waa dulmi iyo kharribaad, maxaa yeelay, eraygii Rabbigu wuxuu ii noqday sabab ay maalinta oo dhan igu caayaan oo iigu qoslaan.

  • 7Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.

  • 3Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.

  • 19Rabbiyow, adigaan kuu qayshanayaa, waayo, dab baa laastay daaqii cidlada, oo dhirtii duurka ku tiilna olol baa wada gubay.

  • 12Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.

  • 6Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)

  • 14Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.

  • 18Bal maxaa xanuunkaygu had iyo goor u sii jiraa, nabarkayguse bal muxuu la raysan waayaa, oo inuu bogsado u diidaa? Sida xaqiiqada ah ma waxaad ii noqonaysaa sidii durdur been ah, iyo sidii biyo sii gudhaya oo kale?

  • Ayuub 19:8-9
    2 aayado
    75%

    8Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.

    9Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.

  • 15Haddaba bal maxaan idhaahdaa? Isagu wuu ila hadlay, oo weliba isaga qudhiisaa waxan sameeyey. Haddaba cimrigayga oo dhan tartiib baan u socon doonaa qadhaadhka naftayda aawadiis.

  • 18¶ Murugtaydu waa mid aan la fududayn karin, oo qalbigaygiina waa igu dhex taag darnaaday.

  • 5Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.