Baroorashadii 1:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 47:6 : 6 Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay.
  • Sharc 28:48 : 48 Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo.
  • Maah 5:22 : 22 Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.
  • Yex 25:4 : 4 sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan.
  • Yex 25:7 : 7 oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.
  • Yer 28:14 : 14 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.
  • Yer 32:5 : 5 oo isna Sidqiyaah ayuu u kaxaysan doonaa Baabuloon oo halkaasuu joogi doonaa ilaa aan isaga soo booqdo, ayaa Rabbigu leeyahay; oo in kastoo aad reer Kaldayiin la dirirtaan innaba ma liibaani doontaan?
  • Yer 34:20-21 : 20 waxaan kulligood ku wada ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo meydkooduna wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka. 21 Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.
  • Yer 37:17 : 17 ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.
  • Yer 39:1-9 : 1 ¶ Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen, 2 Boqor Sidqiyaah sannaddiisii kow iyo tobnaad, bisheedii afraad, maalinteedii sagaalaad ayaa meel magaalada ahayd la jebiyey, 3 markaas Yeruusaalem waa la qabtay oo amiirradii boqorka Baabuloon oo dhammu intay galeen ayay iriddii dhexe fadhiisteen, oo waxay ahaayeen Neergal Shareser, iyo Samgar Nebuu, iyo Sarsekiim, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag iyo intii kale ee saraakiishii boqorka Baabuloon oo dhan. 4 Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah. 5 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay. 6 Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan. 7 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto. 8 Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen. 9 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.
  • Yex 11:9 : 9 Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.
  • Yex 21:31 : 31 Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.
  • Yex 23:28 : 28 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day.
  • Hos 5:14 : 14 Waayo, waxaan reer Efrayim ku noqon doonaa sidii aar libaax oo kale, oo dadka Yahuudahna waxaan ku noqon doonaa sidii aaran libaax oo kale. Anigu qudhayda ayaa jeexjeexan doona oo bixi doona, waan la tegi doonaa, oo mid iga samatabbixiyaana ma jiri doono.
  • Ish 14:25 : 25 taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.
  • Yer 25:9 : 9 Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.
  • Yer 27:8 : 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.
  • Yer 27:12 : 12 ¶ Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • 12Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.

  • 78%

    11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.

    12Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq, Oo cagtaydana way iska riixaan, Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.

    13Jidadkayga way halleeyaan, Oo waxay soo deddejiyaan masiibadayda; Oo mid caawiyaana ma jiro.

  • 4Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.

  • 77%

    11Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.

    12Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.

    13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.

    14Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.

  • 15Raggaygii xoogga badnaa oo dhan Sayidku dhexdayduu ku tuuray. Wuxuu iigu yeedhay shir inuu barbaarradayda burburiyo. Gabadhii bikradda ahayd ee quruunta Yahuudah ah Sayidku wuxuu ugu tuntay sidii macsaro khamri.

  • 7Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.

  • 10Waayo, noloshaydu waxay ku dhammaatay caloolxumo, cimrigayguna taahid, Oo dembigayga daraaddiis ayaa xooggaygii ii gabay, lafahaygiina way wada kharribmeen.

  • 76%

    18Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.

    19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.

  • Sab 22:14-16
    3 aayado
    76%

    14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.

    15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

    16Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • Bar 1:20-22
    3 aayado
    75%

    20Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.

    21Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.

    22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 6Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)

  • 39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

  • Sab 129:2-3
    2 aayado
    75%

    2Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan.

    3Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.

  • 5Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)

  • Bar 3:3-5
    3 aayado
    74%

    3Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.

    4Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

    5Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.

  • 13Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.

  • 3Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda, Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan, Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.

  • 40Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

  • 18Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 17Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 2Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay.

  • 17Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay, Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay.

  • 4Oo iga bixi shabagga dabinka ah oo ay qarsoodiga iigu dhigeen, Waayo, waxaad tahay qalcaddayda.

  • 14Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.

  • 15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

  • 3Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.

  • 15Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.

  • 5Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.

  • 16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

  • 6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

  • 18Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 8Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah, Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.

  • 18Rabbigu waa xaq, waayo, amarkiisaan ku caasiyoobay. Dadyowga oo dhammow, i maqla, waan idin baryayaaye, oo bal murugtayda fiiriya. Hablahaygii bikradaha ahaa iyo barbaarradaydii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay.

  • 2Way foororsadaan, oo dhammaantood way wada dhacaan, iyagu rarka ma ay samatabbixin karaan, laakiinse xataa iyaga qudhooda maxaabbiisahaan baa loo kaxaystaa.