Ishacyaah 46:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Way foororsadaan, oo dhammaantood way wada dhacaan, iyagu rarka ma ay samatabbixin karaan, laakiinse xataa iyaga qudhooda maxaabbiisahaan baa loo kaxaystaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 5:21 : 21 Iyana halkaasay sanamyadoodii kaga tageen, waxaana qaaday Daa'uud iyo raggiisii.
  • Xaak 18:17-18 : 17 Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka. 18 Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan?
  • Yer 48:7 : 7 Waayo, waxaad isku hallaysay shuqulladaada iyo khasnadahaaga, oo sidaas daraaddeed adigana waa lagu qabsan doonaa, oo Kemooshna maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa, iyo amiirradiisaba.
  • Xaak 18:24 : 24 Isna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya?
  • Yer 43:12-13 : 12 Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa. 13 Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.
  • Hos 10:5-6 : 5 Dadka dalka Samaariya degganu aad bay u cabsan doonaan sanamyada weylaha ah ee Beytaawen aawadood, waayo, dadkiisa iyo weliba wadaaddadii ku rayrayn jiray way u barooran doonaan sanamka, waana sharaftiisii aawadeed, maxaa yeelay, way ka tagtay. 6 Oo weliba sanamkii waxaa loo qaadi doonaa dalka Ashuur inuu Boqor Yaareeb gabbaro u noqdo aawadeed. Reer Efrayim wuxuu heli doonaa ceeb, oo dadka Israa'iilna waxay ka ceeboobi doonaan taladooda.
  • Ish 36:18-19 : 18 Iska jira oo yuusan Xisqiyaah idin sasabin isagoo leh, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa. Waayo, quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu dalkiisii ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur? 19 Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
  • Ish 37:12 : 12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
  • Ish 37:19 : 19 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
  • Ish 44:17 : 17 Oo intii ka hadhana wuxuu ka samaystaa wax ilaah ah oo ah xataa sanamkiisa xardhan, oo wuu u sujuudaa oo caabudaa, wuuna baryaa, oo wuxuu yidhaahdaa, I samatabbixi, waayo, adigu waxaad tahay ilaahayga.
  • Ish 45:20 : 20 Kuwiinna quruumaha ka baxsadayow, soo shira, oo dhammaantiin kaalaya, kulligiin soo wada dhowaada. Kuwa sanamyadooda qoriga ah sita oo ilaah aan waxba badbaadin karin barya aqoon ma leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Beel baa foororsada, Nebona wuu dhacaa, sanamyadoodu waxay kor saarnaadaan xayawaanka iyo lo'da. Waxyaalihii aad sidan jirteen waxaa laga dhigay rar la saaray neefkii daallanaa.

  • Ish 46:6-7
    2 aayado
    75%

    6Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan.

    7Garbahooday ku qaadaan, oo way xambaaraan, oo meeshiisay qotomiyaan. Isna wuu iska taagnaadaa, oo meeshiisana innaba kama dhaqaaqo. Oo dadku way u qayshan doonaa, laakiinse isagu uma uu jawaabi karo, oo dhibkoodana kama uu badbaadin karo.

  • 33¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan.

  • 14Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.

  • 3¶ Reer Yacquub oo ah kuwa reer binu Israa'iil ka hadhay oo dhammow, kuwiinna aan siday tan iyo wakhtigii aad caloosha ku jirteen oo aan xambaaray tan iyo wakhtigii aad uurka ka soo baxdeen, i maqla.

  • 23Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.

  • 7Haddaba sidaas daraaddeed iyagu waxay haatan raaci doonaan kuwa marka hore maxaabiis ahaanta loo kaxaysan doono, oo diyaafadda kuwa iskala bixin jiray waa dhammaan doontaa.

  • 12Sidaas daraaddeed ayuu qalbigoodii daal ku soo dejiyey, Wayna dheceen, mid iyaga caawiyaana ma jirin.

  • 15Rabbigu wuxuu leeyahay, Boqorkooda maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa isaga iyo amiirradiisaba.

  • 13Bal eega, hoostiina baan ugu hoos riixmay sida gaadhiga xidhmooyin bal ah ka buuxan u riixmo.

  • 22Laakiinse kuwanu waa dad la dhacay oo la boobay, oo kulligoodna waxaa lagu dabay godad, oo waxaa lagu qariyey guryo xabbiseed, iyagu waa wax la ugaadhsado, oo ninna ma samatabbixiyo, waa wax la boobo oo ciduna ma tidhaahdo, soo celiya.

  • Yer 46:15-16
    2 aayado
    71%

    15Kuwaagii xoogga badnaa bal maxaa loo kala xaaqay? Iyagu ma ay istaagin, waayo, Rabbiga ayaa riday.

    16Kuwa badan ayuu turuntureeyey, oo midba midka kaluu ku dhacay. Oo waxay isku yidhaahdeen, Kaca oo ina keena, aynu dadkeennii iyo dalkii aynu ku dhalannay u tagnee, oo aynu seefta ina dulmaysa ka cararnee.

  • 23Xadhkihii way dabceen, oo salka daqalkiina lama xoojin karin, shiraaqiina lama kala fidin karin, markaasaa waxaa la qaybsaday booli badan, oo curyaankuna wixii la dhacay buu qaatay.

  • 4Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

  • 10Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.

  • 3Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan, Oo fooshoodana way iska saaraan.

  • 7Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.

  • 42Oo weliba cadaawayaashoodii ayaa dulmay, Oo iyagoo gacantooda ka hooseeya ayay addoonsadeen.

  • 39Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan Dulmi iyo dhib iyo murug.

  • 12Quruumuhu waxay maqleen ceebtaada, oo qayladaaduna waxay ka buuxsantay dalka oo dhan, waayo, kuwii xoogga badnaa ayaa midba kan kale ku turunturooday, oo labadoodiiba way wada dheceen.

  • 7Markay gacanta kugu qaateen waad jabtay, oo waxaad murkicisay garbahoodii oo dhan, oo markay ku cuskadeenna waad kala jabtay, oo dhexdoodii oo dhanna waad gariirisay.

  • 3Quruunta Yahuudah maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay dhibkeedii iyo addoonsigeedii weynaa aawadood. Quruumahay dhex deggan tahay, oo innaba nasasho ma hesho. Silciyayaasheedii oo dhammu waxay soo gaadheen iyadoo cidhiidhi ku dhex jirta.

  • 6Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)

  • 2oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan!

  • 23Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.

  • 8¶ Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen.

  • 6¶ Kanu waa warka culus ee xayawaanka koonfureed ku saabsan. Waxay maalkooda dameerro dhabarkooda ugu raraan oo ay khasnadahoodana awr kuruskeed ugu qaataan dad aan iyaga waxba u tari doonin, oo waxay dhex maraan dalka dhibka iyo cidhiidhiga oo ay goosha iyo aarka, iyo jilbiska iyo masduulaaga dabka lahu ka yimaadaan.

  • 46Oo weliba wuxuu ka dhigay inay Kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay oo dhammu u naxaan.

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen.

  • 21Oo weliba raggiisa la soo kiraystay oo isaga dhex joogaana waa sida weylo cayilay, waayo, dib bay u noqdeen, oo dhammaantood way isla wada carareen, oo innaba ma ay joogsan, waayo, waxaa soo gaadhay maalintii masiibadooda iyo wakhtigii ciqaabiddooda.

  • 11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.

  • 4Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin, Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin.

  • 36Oo waxay u adeegeen sanamyadoodii, Kuwaasoo iyaga dabin u noqday,

  • 15Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.

  • 8Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen, Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.

  • 14Nebiyadaadii waxay arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo doqonnimo ah, Oo xumaantaadiina daaha sow kama ay qaadin si maxaabiistaadii laguugu soo celiyo, Laakiinse waxay kuu arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo ku leexiya.

  • 15Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.

  • 27kuwaasoo geed ku yidhaahda, Waxaad tahay aabbahay, oo dhagaxna ku yidhaahda, Adigaa i dhalay. Dhabarkay ii soo jeediyeen, wejigiina way iga sii jeediyeen, laakiinse wakhtigii ay dhibaataysan yihiin waxay i odhan doonaan, Kac oo na badbaadi.

  • 2Bikradda ah dalka Israa'iil waa dhacday, oo mar dambena ma sara joogsan doonto. Dalkeedii ayaa lagu dayriyey, oo qof kor u qaada lama arko.

  • 8Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,

  • 16Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan.

  • 61Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo, Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.

  • 17Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa.

  • 14Maxbuuska la masaafuriyey dhaqso baa loo furi doonaa, oo ma uu dhiman doono, yamayskana ma geli doono, cuntadiisana ma uu waayi doono.

  • 10Oo iyana dhammaantood waxay kugu odhan doonaan, War adiguna ma sidayadoo kalaad u taag gabtay? Oo ma annagoo kalaad noqotay?

  • 17Kuwa sanamyada xardhan isku halleeya, oo sanamyada la shubay ku yidhaahda, Idinku ilaahyadayada baad tihiin, dib baa loo sii jeedin doonaa, oo aad loo ceebayn doonaa.

  • 3Taliyayaashaadii oo dhammu way wada carareen, oo qaansola'aan iyagoo ah ayaa la xidhay. Inta lagaa helay oo dhan waa la wada xidhay in kastoo ay meel fog u carareen.