Sabuurradii 9:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 57:6 : 6 Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
  • Sab 7:15-16 : 15 Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey. 16 Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
  • Sab 35:8 : 8 Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
  • Sab 37:15 : 15 Seeftoodu waxay mudi doontaa wadnahooda, Oo qaansooyinkooduna way kala jebi doonaan.
  • Sab 94:23 : 23 Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii, Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.
  • Maah 5:22 : 22 Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.
  • Maah 22:8 : 8 Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 9:16-17
    2 aayado
    81%

    16Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)

    17Kuwa sharka lahu waxay ku noqonayaan She'ool, Waana quruumaha Ilaah illoobay oo dhan.

  • 6Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)

  • 15Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.

  • 80%

    7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

    8Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.

    9Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.

    10Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.

  • 8Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay.

  • Sab 35:7-8
    2 aayado
    77%

    7Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.

    8Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.

  • 5Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)

  • Xab 1:15-17
    3 aayado
    75%

    15Isagu dhammaantood ayuu jillaab ku soo qaataa, oo shabaggiisuu ku soo qabsadaa, oo intuu shabaggiisa ku soo wada urursado ayuu soo jiitaa, haddaba sidaas daraaddeed wuu reyreeyaa oo farxaa.

    16Haddaba sidaas daraaddeed allabari buu u bixiyaa shabaggiisa, oo fooxna wuu u shidaa shabagguu jiita, maxaa yeelay, iyaga ayaa qaybtiisii ku barwaaqowday, oo quudkiisiina aad iyo aad batay.

    17Haddaba miyuu shabaggiisa madhin doonaa, oo miyuu quruumaha had iyo goorba layn doonaa, isagoo aan u tudhin?

  • Sab 141:9-10
    2 aayado
    75%

    9Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen, Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.

    10Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda Markaan anigu ka baxsado.

  • 22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.

  • Maah 1:16-18
    3 aayado
    74%

    16Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.

    17Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;

    18Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.

  • 11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.

  • Sab 10:9-10
    2 aayado
    73%

    9Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.

    10Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.

  • 18Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.

  • 26Waayo, dadkayga dhexdiisa waxaa laga helaa niman shar ah. Waxay u gabbadaan sida kuwa wax dabta, oo intay dabin u qoolaan ayay dad qabsadaan.

  • 2Oo xataa hadday hoos u qodaan ilaa She'ool, gacantaydaa halkaas ka soo saari doonta, oo xataa hadday samada fuulaan anigaa ka soo dejin doona halkaasna.

  • 9Daa'uudna wuxuu yidhi, Miiskoodu ha u noqdo dabin iyo wax qabsada iyaga, Iyo wax ay ku turunturoodaan, iyo wax ka aarguta iyaga;

  • 10Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.

  • 10Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.

  • 8Kii god qodaa isagaa ku dhici doona, oo ku alla kii deyr dumiyana abeesaa qaniini doonta.

  • 12Kibirkoodu iyaga ha dabo Dembiga afkooda iyo erayada bushimahooda aawadood, Iyo weliba habaarka iyo beenta ay ku hadlaan aawadood.

  • 85Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.

  • 22Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.

  • 17Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin.

  • 6Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.

  • 22Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.

  • 15Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan;

  • 8Sidaas daraaddeed waa la kufin doonaa, iyagoo carrabkoodu col u yahay naftooda, Wax alla wixii iyaga arka oo dhammu way carari doonaan.

  • 10Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.

  • 2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

  • 15Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska.

  • 38Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.

  • 12Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;

  • 7Cagahoodu shar bay u ordaan, oo waxay u degdegaan inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan. Fikirradoodu waa fikirro xumaaneed, baabba' iyo halligaad ayaa jidadkooda dhex yaal.

  • 9Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.

  • 8Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,

  • 15Dhimasho ha ku soo kediso iyaga, Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen, Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.

  • 14Haddaba sidaas daraaddeed She'ool calooshiisii buu isballaadhiyey, oo afkiisiina qiyaasla'aan buu u kala qaaday, oo kuwooda haybadda leh, iyo dadkooda badan, iyo kuwooda buuqa, iyo ku alla koodii reyreeyaba isagay hoos ugu dhaadhacaan.