Maahmaahyadii 5:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 7:15-16 : 15 Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey. 16 Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
  • Sab 9:15 : 15 Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
  • Maah 1:18 : 18 Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
  • Maah 1:31-32 : 31 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii. 32 Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta, Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.
  • Maah 11:3 : 3 Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.
  • Maah 11:5 : 5 Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.
  • Wacd 7:26 : 26 Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.
  • Yer 2:19 : 19 Haddaba xumaantaada ayaa ku edbin doonta, oo dibunoqoshadaada ayaa ku canaanan doonta. Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaba bal ogow oo arag inay tahay wax shar ah oo qadhaadh inaad iga tagtay anigoo Rabbiga Ilaahaaga ah, iyo inaadan iga cabsan.
  • Hos 4:11-14 : 11 Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan. 12 Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda. 13 Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan. 14 Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa.
  • 1 Kor 5:9-9 : 9 ¶ Waxaan warqaddaydii idiinku soo qoray inaydnaan kuwa sinaysta raacin. 10 Ulama jeedo kuwa sinaysta ee dunidan, iyo kuwa damaca badan iyo kuwa wax dulma, iyo kuwa sanamka caabuda, waayo, hadday sidaas tahay waxay noqon lahayd inaad dunida ka baxdaan.
  • Gal 5:19-21 : 19 Shuqullada jidhku waa muuqdaan, waana kuwan, sino, wasakhnimo, dhillanimo, 20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo, 21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.
  • Gal 6:7-8 : 7 Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa. 8 Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah.
  • Ef 5:5-6 : 5 Waayo, taas waad taqaaniin in dhillay, ama qof wasakh ah, ama nin damac xun oo sanam caabudaa, uusan innaba dhaxal ku lahayn boqortooyada Masiix iyo Ilaah. 6 Ninnaba yuusan idinku khiyaanayn hadal aan micne lahayn; waayo, waxyaalahaas daraaddood ayaa cadhada Ilaah ugu soo degtaa carruurta caasinimada.
  • Cib 13:4 : 4 Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.
  • Tir 32:23 : 23 Laakiinse haddaydnan sidaas yeelin, bal eega, Rabbigaad ku dembaabteen, oo bal ogaada, dembigiinnuna wuu idinku soo bixi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 78%

    7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

    8Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.

    9Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.

    10Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.

  • 23Wuxuu u dhiman doonaa edbinla'aanta, Oo isagu wuxuu ku dhex amban doonaa badnaanta nacasnimadiisa.

  • 18¶ Hoog waxaa leh kuwa xumaanta ku soo jiita xadhkaha aan waxba tarayn, oo dembigana ku soo jiita jaraha gaadhiga oo kale,

  • Maah 11:5-6
    2 aayado
    75%

    5Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.

    6Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.

  • 5Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.

  • 10Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.

  • Sab 9:15-16
    2 aayado
    73%

    15Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.

    16Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)

  • 11Waxaa hoogay kan sharka ah, waayo, belaayaa ku dhici doonta, oo waxaa loo samayn doonaa wixii gacmihiisu sameeyeen oo kale.

  • 26Marka ka xaqa ahu uu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu taas ku dhinto, wuxuu ku dhiman doonaa xumaantii uu sameeyey.

  • 21Waayo, jidadka dadku waxay hor yaalliin indhaha Rabbiga Oo isagaa fiiriya waddooyinkiisa oo dhan.

  • 8Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.

  • 11Lafihiisana waxaa ka buuxa xoogga dhallinyaranimada, Laakiinse ciidda dhexdeeduu la jiifsan doonaa.

  • 5Sow sharkaagu ma badna? Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.

  • 18Laakiinse aabbihiis xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, maxaa yeelay, isagu si nac weyn ayuu wax u dulmay, oo walaalkiisna xoog buu wax kaga boobay, oo dadkiisana wax aan wanaagsanayn buu ku dhex sameeyey.

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • 18Kan xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo oo uu xumaan sameeyo, xumaantiisuu ku dhiman doonaa.

  • 15Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

  • 22Markuu dheregsan yahay ayuu cidhiidhi dhex geli doonaa, Oo mid kasta oo belaayaysan gacantiisa ayaa ku soo degi doonta.

  • 25Xumaatooyinkiinna ayaa waxyaalahan idinka celiyey, oo dembiyadiinna ayaa waxyaalo wanwanaagsan idinka diiday.

  • 6Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.

  • 8Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.

  • 18Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah, Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.

  • 70%

    19Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaalgudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed.

    20Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa.

  • Sab 7:15-16
    2 aayado
    70%

    15Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.

    16Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.

  • 13Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.

  • 19Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.

  • 12Xumaantii reer Efrayim waa xidhxidhan tahay, oo dembigoodiina meel baa lagu kaydiyey.

  • 31Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda, Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.

  • 6Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.

  • 27Samooyinku waxay daaha ka qaadi doonaan xumaantiisa, Oo dhulkuna isaguu ku kici doonaa.

  • 2Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.

  • 23Oo wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii, Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.

  • 13Kan sharka leh waxaa u dabin ah xadgudubka bushimihiisa, Laakiinse kan xaqa ahu dhibaatada wuu ka bixi doonaa.

  • 22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.

  • 2Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga.

  • 24Laakiinse ka xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu wada sameeyo waxyaalaha karaahiyada ah ee uu sharrowgu sameeyo oo dhan, markaas miyuu sii noolaan doonaa? Waxyaalihii xaqa ahaa ee uu sameeyey oo dhan innaba lama soo xusuusan doono, oo wuxuu ku dhex dhiman doonaa xadgudubkiisii uu xadgudbay, iyo dembigiisii uu dembaabay.

  • 22Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono; Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.

  • 8Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,

  • 3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

  • 25Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.

  • 36Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

  • 20Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta.

  • 5Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,