Sabuurradii 7:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 4:8 : 8 Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
  • Sab 35:7-8 : 7 Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen. 8 Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
  • Sab 119:85 : 85 Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.
  • Sab 141:10 : 10 Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda Markaan anigu ka baxsado.
  • Maah 26:27 : 27 Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona, Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.
  • Wacd 10:8-9 : 8 Kii god qodaa isagaa ku dhici doona, oo ku alla kii deyr dumiyana abeesaa qaniini doonta. 9 Ku alla kii dhagaxyo rujiyaaba wuu ku dhaawacmi doonaa, oo kii qoryo jejebiyaana isagaa khatar ku geli doona.
  • Yer 18:20 : 20 Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.
  • Maah 5:22 : 22 Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.
  • Est 7:10 : 10 Sidaas daraaddeed Haamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uu u diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaa boqorkii cadho baxay.
  • Sab 140:9-9 : 9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho. 10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
  • Sab 57:6 : 6 Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
  • Sab 94:13 : 13 Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
  • Ayuub 6:27 : 27 Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.
  • Sab 9:15-16 : 15 Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen. 16 Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)
  • Sab 10:2 : 2 Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 7:13-14
    2 aayado
    81%

    13Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada, Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.

    14Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan, Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.

  • Sab 9:15-16
    2 aayado
    80%

    15Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.

    16Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)

  • 27Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona, Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.

  • Wacd 10:8-9
    2 aayado
    80%

    8Kii god qodaa isagaa ku dhici doona, oo ku alla kii deyr dumiyana abeesaa qaniini doonta.

    9Ku alla kii dhagaxyo rujiyaaba wuu ku dhaawacmi doonaa, oo kii qoryo jejebiyaana isagaa khatar ku geli doona.

  • 16Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.

  • 10Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.

  • 78%

    7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

    8Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.

    9Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.

    10Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.

  • Sab 35:7-8
    2 aayado
    76%

    7Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.

    8Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.

  • 6Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)

  • Maah 6:14-15
    2 aayado
    75%

    14Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.

    15Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

  • 33¶ Oo haddii nin god daboolka ka qaado, ama haddii nin god qodo oo uu dabooli waayo, oo uu ama dibi ama dameer ku dhaco,

  • Sab 10:9-10
    2 aayado
    73%

    9Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.

    10Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.

  • 15Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska.

  • 13Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.

  • 9Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.

  • 15War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?

  • Sab 36:3-4
    2 aayado
    72%

    3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

    4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 28Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.

  • 27Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

  • 18Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.

  • 2Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.

  • 8Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay.

  • 27Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

  • 7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

  • 85Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

  • 22Kan sharka leh waxaa qabsan doonta xumaantiisa, Oo waxaa isaga lagu soo xidhi doonaa xadhkaha dembigiisa.

  • 14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.

  • 3Anba waxaan arkay nacas xidid yeeshay. Laakiinse degdeg baan u habaaray rugtiisii.

  • 35Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan, Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.

  • 5Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.

  • 19Ninkii caajis ah jidkiisu waa sida meel qodxan leh oo kale, Laakiinse kii xaq ah jidkiisu waa dariiq bannaan.

  • 10Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.

  • 20Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey.

  • 14Kuwa sharka lahu waxay la bexeen seeftoodii, qaansadoodiina way xooteen, Si ay miskiinka iyo kan baahan hoos ugu tuuraan, Oo ay laayaan kuwa jidkooda ku qumman.

  • 30Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan, Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo.