Maahmaahyadii 6:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Miik 2:1 : 1 ¶ Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh.
  • Maah 6:18-19 : 18 Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega, 19 Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
  • Maah 16:28-30 : 28 Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo. 29 Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn. 30 Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.
  • Maah 21:8 : 8 Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.
  • Maah 22:8 : 8 Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
  • Maah 26:17-22 : 17 Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn, Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale. 18 Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho, 19 Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn? 20 Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa, Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa. 21 Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa. 22 Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.
  • Ish 32:7 : 7 Oo xoolocirdoonka hubkiisuna waa shar miidhan, oo wuxuu hindisaa hindisayaal shar ah si uu masaakiinta erayo been ah ugu baabbi'iyo, xataa haddii saboolku si qumman u hadlo.
  • Ish 57:20 : 20 Laakiinse kuwa sharka ahu waa sida bad kacsan oo kale, waayo, iyadu innaba ma xasilli karto, oo biyaheeduna waxay kor u soo xooraan wasakh iyo dhoobo.
  • Yex 11:2 : 2 Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.
  • Hos 8:7 : 7 Waayo, waxay beertaan dabaysha, oo dabaysha cirwareenta ah ayay soo goosan doonaan. Hadhuudh taagan ma leh, baalkuna midho ma dhali doono, oo hadduu dhalona, shisheeyaa cuni doona.
  • Room 16:17 : 17 ¶ Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.
  • Gal 6:7-8 : 7 Yaan laydin khiyaanayn; Ilaah laguma majaajiloodo, waayo, nin kastaa wax alla wuxuu beerto ayuu goosan doonaa. 8 Waayo, kii jidhkiisa wax ku beertaa wuxuu jidhka ka goosan doonaa qudhun, laakiin kii Ruuxa wax ku beertaa, wuxuu Ruuxa ka goosan doonaa nolol weligeed ah.
  • Sab 36:4 : 4 Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.
  • Maah 2:14 : 14 Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
  • Maah 3:29 : 29 Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 6:18-19
    2 aayado
    81%

    18Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,

    19Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.

  • Maah 6:12-13
    2 aayado
    80%

    12Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;

    13Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa;

  • 80%

    19Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.

    20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 80%

    27Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

    28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

    29Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.

    30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

  • 15Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

  • Sab 36:1-4
    4 aayado
    79%

    1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.

    2Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.

    3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

    4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.

  • 8Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 2Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.

  • Sab 7:14-15
    2 aayado
    76%

    14Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan, Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.

    15Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.

  • Maah 2:14-15
    2 aayado
    76%

    14Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;

    15Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,

  • 2Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 74%

    24Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.

    25Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.

    26In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.

  • 35Iyagu waxay uuraystaan belaayo, xumaanna way dhalaan, Oo calooshooduna waxay diyaarisaa khiyaano.

  • 20Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.

  • 2Carrabkaagu wuxuu hindisaa xumaato weyn, Oo sida mandiil afaysan ayuu ka shaqeeyaa khiyaano.

  • 6Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa, Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.

  • 17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 11Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya, Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.

  • 11Waxaa kaa soo baxay mid Rabbiga wax shar ah u fikira, oo xumaato ku taliya.

  • 4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

  • 16Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.

  • 18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

  • 19Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

  • 17Xumaantii hunguriweynaantiisa aawadeed ayaan u cadhooday oo aan wax ugu dhuftay. Waan isqariyey oo waan cadhooday, oo isna wuu ku sii leexday xagga jidkii qalbigiisa.

  • 20Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

  • 5Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.

  • 14Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh;

  • 7Oo xoolocirdoonka hubkiisuna waa shar miidhan, oo wuxuu hindisaa hindisayaal shar ah si uu masaakiinta erayo been ah ugu baabbi'iyo, xataa haddii saboolku si qumman u hadlo.

  • 13Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.

  • 24Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

  • 5Qasdi shar ah bay isku dhiirrigeliyaan, Waxay ku arrinsadaan inay si qarsoon dabinno u dhigaan, Oo ay isyidhaahdaan, Bal yaa arki doona?

  • 8Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.

  • 3Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 12Kan sharka lahu wuxuu shirqool u dhigaa kan xaqa ah, Oo isaga ayuu u ilko jirriqsadaa.