Maahmaahyadii 10:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 18:21-22 : 21 Markaasaa Saa'uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa. 22 Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa'uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo.
  • 1 Sam 18:29 : 29 Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa.
  • 2 Sam 3:27 : 27 Oo markuu Abneer ku soo noqday Xebroon ayaa Yoo'aab gees ula baxay oo iridda la dhex galay si uu ula faqo, markaasuu caloosha ka dooxay si uu u dhinto, maxaa yeelay, dhiiggii walaalkiis Casaaheel ayuu daadshay.
  • 2 Sam 11:8-9 : 8 Daa'uudna wuxuu Uuriyaah ku yidhi, Bal orod gurigaaga tag oo cagomaydho. Markaasaa Uuriyaah gurigii boqorka ka baxay oo waxaana lala daba galay cunto ka tagtay xagga boqorka. 9 Laakiinse Uuriyaah guriga boqorka iriddiisa ayuu la seexday addoommadii sayidkiisa oo dhan, oo gurigiisiina ma uu tegin. 10 Daa'uudna waa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Uuriyaah gurigiisii ma tegin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Uuriyaah ku yidhi, War miyaadan sodcaal ka iman? Maxaadse gurigaaga u tegi weyday? 11 Markaasaa Uuriyaah wuxuu Daa'uud ku yidhi, Sanduuqa Ilaah, iyo reer binu Israa'iil, iyo reer Yahuudahba waxay ku jiraan waabab; oo sayidkaygii Yoo'aab iyo addoommadii sayidkayguba waxay ku hoydaan berrin bannaan; haddaba miyaan u galaa gurigayga inaan wax cuno, oo wax cabbo, oo naagtayda la seexdo? Haddaba waxaan ku dhaartay noloshaada iyo naftaada inaanan waxan samaynayn. 12 Markaasaa Daa'uud Uuriyaah ku yidhi, Haddaba bal maantana iska joog oo berrina waan ku dirayaa. Saas aawadeed Uuriyaah maalintaas iyo maalintii dambeba Yeruusaalem buu joogay. 13 Markii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin. 14 Oo subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah. 15 Oo wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto.
  • 2 Sam 13:23-29 : 23 ¶ Oo laba sannadood markay buuxsameen dabadood Absaaloom wuxuu lahaa kuwo idaha dhogorta uga xiira oo jooga Bacal Xasoor, oo ku taal Efrayim dhinaciisa, oo Absaaloomna martiqaad buu ugu yeedhay wiilashii boqorka oo dhan. 24 Oo Absaaloom boqorkii buu u yimid, oo ku yidhi, Bal eeg, idihii ayaan dhogorta ka xiiranayaa, haddaba waan ku baryayaaye, boqorow, adiga iyo addoommadaaduba i soo raaca anoo addoonkaaga ah. 25 Markaasaa boqorkii wuxuu Absaaloom ku yidhi, Wiilkaygiiyow saas ma aha, ee yaannan kulligayo wada tegin, waaba intaasoo aannu culaab kugu noqonnaaye. Oo isna wuu ku sii adkeeyey, habase yeeshee wuu diiday inuu raaco, laakiinse wuu u duceeyey. 26 Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Haddaba haddaanay saas ahayn, ii daa walaalkay Amnoon ha i raacee. Kolkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Muxuu kuu raacayaa? 27 Laakiinse Absaaloom wuu ku sii adkeeyey inuu u daayo Amnoon iyo wiilashii boqorka oo dhammuba inay raacaan. 28 Markaasaa Absaaloom midiidinnadiisii amray, oo ku yidhi, Haddaba ogaada markii Amnoon intuu khamriga cabbo ku farxo, oo aan idinku idhaahdo, Amnoon dila, markaas waa inaad dishaan, hana baqina, waayo, sow anigu idinkuma amrin? Saas aawadeed dhiirranaada oo xoog yeesha. 29 Oo midiidinnadii Absaaloomna waxay Amnoon ku sameeyeen wixii Absaaloom ku amray. Markaasaa wiilashii boqorka oo dhammu wada kaceen, oo nin waluba wuxuu fuulay baqalkiisii, wayna wada carareen.
  • 2 Sam 20:9-9 : 9 Markaasaa Yoo'aab Camaasaa ku yidhi, Walaalkayow, ma nabdoon tahay? Yoo'aabna gacanta midig ayuu Camaasaa gadhka ku qabtay inuu dhunkado. 10 Laakiinse Camaasaa iskama uu jirin seefta Yoo'aab gacanta ugu jirtay, sidaasuu caloosha seeftii ugaga dhuftay, oo xiidmihiisiina dhulkuu ugu soo daadiyey, oo mar kalena kuma uu dhufan; wuuna dhintay. Dabadeedna Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay waxay eryadeen Shebac oo ahaa ina Bikrii.
  • Sab 5:9 : 9 Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
  • Sab 12:2 : 2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
  • Sab 15:3 : 3 Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
  • Sab 50:20 : 20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
  • Sab 55:21 : 21 Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.
  • Sab 101:5 : 5 Kii qarsoodi u xanta deriskiisa, kaas waan baabbi'in doonaa, Kii isla madax weyn oo qalbigiisu kibirsan yahayna uma dulqaadan doono.
  • Maah 26:24-26 : 24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa. 25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo. 26 In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
  • Luuk 20:20-21 : 20 ¶ Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha. 21 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 24Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.

  • 19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

  • 78%

    16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

    17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • Maah 10:8-10
    3 aayado
    78%

    8Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

    9Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.

    10Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.

  • 77%

    12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

    13Erayada afkiisa bilowgoodu waa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waalli baas.

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • Maah 18:6-8
    3 aayado
    77%

    6Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

    7Nacaska afkiisu waa u baabba', Oo bushimihiisuna naftiisay dabin u noqdaan.

    8Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

  • 19Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • 26In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.

  • 4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

  • 28Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

  • 7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 17Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 74%

    16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.

    17Kii runta ku hadlaa wuxuu muujiyaa xaqnimada, Laakiinse markhaatiga beenta ahu wuxuu muujiyaa khiyaanada.

  • 18Ha carrab beeleen kuwa beenta sheegaa, Oo kan xaqa ah si qallafsan wax uga sheega, Iyagoo kibir iyo quudhsasho leh.

  • 16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

  • 19Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.

  • Sab 36:2-3
    2 aayado
    74%

    2Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.

    3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

  • 3Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,

  • 9Fikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.

  • Maah 14:7-8
    2 aayado
    74%

    7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

    8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

  • 19Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

  • 3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.

  • 30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

  • 28Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

  • 5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

  • 13Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.

  • 5Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

  • 20Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.

  • 5Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

  • 14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

  • 12Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.