Sabuurradii 36:2
Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.
Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.
3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.
5Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.
2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
3Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.
4Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
5Jidadkiisuu ku adag yahay had iyo goorba, Xukummadaaduna waa ka sarreeyaan isaga, waana ka fog yihiin, Oo cadaawayaashiisa oo dhanna wuu wada fudaydsadaa.
6Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo, Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
7Afkiisa waxaa ka buuxa habaar iyo khiyaano iyo dulmi, Oo carrabkiisana waxaa ku hoos jira belaayo iyo xumaan.
24Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.
25Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.
26In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.
6Oo midkood hadduu i soo booqdona been buu ku hadlaa, Oo qalbigiisuna xumaatuu urursadaa; oo markuu dibadda u baxo ayuu ka warramaa.
5Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
10Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto.
18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.
18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
2Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
3Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.
7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
5Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
3Haddii nin isu maleeyo inuu weyn yahay isagoo aan waxba ku fillayn, wuu iskhiyaaneeyaa.
36Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen.
4Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan, Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.
11Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
11Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.
10Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa, Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
12Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.
31Yuusan wax aan waxba tarayn isku hallayn, isagoo iskhiyaaneeya, Waayo, wax aan waxba tarayn ayaa abaalgudkiisa ahaan doona.
14Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.
28Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.
14Kii xaqnimada qalbigiisa dib ugaga noqdaa jidkiisuu ka dhergi doonaa, Oo ninkii wanaagsanuna wuxuu ka dhergi doonaa naftiisa.
24Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-illoobaa siduu ahaa.
9Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.
12In kastoo xumaantu afkiisa la macaan tahay, In kastoo uu carrabkiisa ku hoos qarsado,
32Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.
9Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
3Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.
11Waayo, wuu gartaa dadka waxmatarayaasha ah, Weliba xumaantana wuu arkaa, sow kama fikirin?
20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.
7Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
24Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.
13Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.
4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.
2Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga, Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa.
23Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.