Maahmaahyadii 28:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 26:16 : 16 Kii caajis ahu waa iskala caqli badan yahay Toddoba nin oo xigmad ku jawaabi karta.
  • Wacd 9:15-17 : 15 Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan. 16 Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto. 17 ¶ Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.
  • Room 12:16 : 16 Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.
  • 1 Kor 3:18-19 : 18 ¶ Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho. 19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,
  • 1 Tim 6:17 : 17 ¶ Kuwa dunidatan haatan la joogo hodanka ku ah waani inayan iskibrin oo ayan maalka aan la hubin isku hallayn, laakiinse ay isku halleeyaan Ilaaha wax kasta si deeqsinimo ah inoo siiya si aynu ugu raaxaysanno.
  • Ish 5:21 : 21 ¶ Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!
  • Ish 10:13-14 : 13 Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey. 14 Oo gacantayduna waxay maalkii dadka u heshay sidii buul shimbireed oo kale, oo sida loo soo ururiyo ukumo laga tegey ayaan u soo ururiyey dhulka oo dhan, oo lamana arag mid baal dhaqaajiyey, ama afka kala qaaday, amase ciyey.
  • Yex 28:3-5 : 3 Bal eeg, adigu xataa Daanyeel waad ka sii xigmad badan tahay, oo wax qarsoodi ah oo lagaa qarin karaana innaba ma jiraan. 4 Xigmaddaada iyo waxgarashadaada ayaad maalka ku heshay, oo khasnadahaagana waxaad ku buuxsatay dahab iyo lacag. 5 Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.
  • Luuk 16:13-14 : 13 Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal. 14 ¶ Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.
  • Room 11:25 : 25 ¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho;
  • Ayuub 32:9 : 9 Kuwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh, Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.
  • Maah 18:11 : 11 Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.
  • Maah 18:17 : 17 Kii dacwaddiisa u hor mara, mid xaq ah baa la moodaa, Laakiinse deriskiisaa ka daba yimaada oo imtixaama isaga.
  • Maah 19:1 : 1 Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.
  • Maah 23:4 : 4 Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.
  • Maah 26:5 : 5 Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 28:5-6
    2 aayado
    81%

    5Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.

    6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

  • 11Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.

  • Maah 13:7-8
    2 aayado
    80%

    7Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.

    8Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.

  • 15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.

  • 7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • Wacd 9:15-16
    2 aayado
    77%

    15Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan.

    16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 22Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

  • 12Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

  • 28Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.

  • 20Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.

  • 23Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.

  • 8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 8Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.

  • 3Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.

  • 10Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.

  • 6Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.

  • 12Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa.

  • 75%

    26Kii qalbigiisa isku halleeyaa waa nacas, Laakiinse ku alla kii si caqli ah u socda waa la samatabbixin doonaa.

    27Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.

  • 12Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • 8Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.

  • Maah 18:1-2
    2 aayado
    74%

    1Kii gooni isu soocaa, wuxuu doondoonaa damaciisa, Oo xigmadda oo dhanna wuu ku kacaa.

    2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

  • 8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?

  • 15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

  • 7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

  • 74%

    15Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa, Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.

    16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

  • 23¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin,

  • 8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.

  • 4Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo, Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.

  • 2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

  • 6Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oo waaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose.

  • 3Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.

  • 21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

  • 13Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.

  • 16Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.

  • 12Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.

  • 31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

  • 19Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.

  • 73%

    12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

    13Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.

  • 22Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

  • 24Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.