Maahmaahyadii 21:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 7:19 : 19 ¶ Xigmaddu kan xigmadda leh way uga xoog badan tahay toban taliye oo magaalada jooga.
  • Wacd 9:13-18 : 13 ¶ Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd. 14 Waxaa jirtay magaalo yar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaa iyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oo dhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay. 15 Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan. 16 Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto. 17 ¶ Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya. 18 Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.
  • 2 Sam 5:6-9 : 6 ¶ Oo boqorkii iyo raggiisiiba waxay tageen Yeruusaalem, inay ku duulaan reer Yebuus oo ahaa dadkii dalka degganaa, kuwaasoo la hadlay Daa'uud oo ku yidhi, Adoo kuwa indhaha la' iyo curyaannada qaada mooyaane halkan iman maysid, waayo, waxay u maleeyeen inuusan Daa'uud halkaas iman karin. 7 Habase yeeshee Daa'uud waa qabsaday qalcaddii Siyoon, oo taasuna waa magaaladii Daa'uud. 8 Markaasaa Daa'uud maalintaas wuxuu yidhi, Ku alla kii reer Yebuus laayaa, ha tago meesha biyomareenka ah, oo ha ku laayo curyaannada iyo indhoolayaasha oo neceb Daa'uud naftiisa. Sidaas daraaddeed waxay leeyihiin, Indhoolayaasha iyo curyaannadu yaanay guriga soo gelin. 9 Oo Daa'uudna qalcaddii ayuu degay, wuxuuna u bixiyey magaaladii Daa'uud. Oo Daa'uudna wuxuu dhisay hareeraheedii iyo tan iyo Millo ilaa gudaha.
  • 2 Sam 20:16-22 : 16 Markaasaa naag caqli badanu magaaladii ka dhawaaqday, oo waxay tidhi, Waan idin baryayaaye, I maqla, oo i dhegaysta; oo waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaan, Halkan iigu kaalay, aan kula hadlee. 17 Markaasuu u soo dhowaaday, oo naagtii waxay ku tidhi, Ma Yoo'aab baad tahay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ahay. Kolkaasay ku tidhi, Bal erayadayda maqal, anoo addoontaada ah, oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan ku maqlayaa. 18 Markaasay la hadashay oo ku tidhi, Waxaa waa hore la odhan jiray, Hubaal Aabeel talo ha laga doonto, oo saasay xaalkii ku dhammeeyeen. 19 Anigu waxaan ka mid ahay kuwa reer binu Israa'iil ee nabadda jecel ee aaminka ah, adiguse waxaad doonaysaa inaad dumiso magaalo iyo hooyo reer binu Israa'iil ah. Rabbiga dhaxalkiisase maxaad u liqaysaa? 20 Markaasaa Yoo'aab wuxuu ugu jawaabay, Inaan wax liqo oo dumiyo ha iga fogaato, oo ha iga dheeraato. 21 Laakiinse xaaladdu saas ma aha. Nin ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo magiciisa la yidhaahdo Shebac ina Bikrii ayaa gacanta u qaaday boqorka Daa'uud ah. Haddaba isaga keliya ii soo gacangeliya, oo anna magaalada waan ka tegayaa. Markaasaa naagtii waxay Yoo'aab ku tidhi, Bal eeg, madaxiisii ayaa derbiga lagaaga soo tuurayaa. 22 Markaasaa naagtii waxay caqligeedii ula tagtay dadkii oo dhan. Shebac oo ina Bikrii ahaana intay madaxii ka soo gooyeen ayay Yoo'aab dibadda ugu soo tuureen. Markaasuu buunkii afuufay, oo ay magaaladii ka kala dareereen, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii. Oo Yoo'aabna Yeruusaalem iyo boqorkii buu ku noqday.
  • Maah 24:5 : 5 Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 19¶ Xigmaddu kan xigmadda leh way uga xoog badan tahay toban taliye oo magaalada jooga.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 76%

    10Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.

    11Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.

  • 75%

    19Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.

    20Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa, Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.

    21Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho, Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.

  • 12Oo qalcadda dheer oo derbiyadaada adagna wuu dumin doonaa, oo hoos buu u ridi doonaa, oo dhulka iyo ilaa ciidda, ayuu ku xoori doonaa.

  • 74%

    11Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.

    12Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.

  • Wacd 9:14-16
    3 aayado
    74%

    14Waxaa jirtay magaalo yar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaa iyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oo dhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay.

    15Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan.

    16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

  • 74%

    20Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.

    21Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.

  • 5Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.

  • 73%

    15Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa, Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.

    16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

  • 23Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.

  • 5Maxaa yeelay, isagaa hoos u soo dejiyey kuwii meelaha sare degganaa, oo magaaladii sarajoogga dheeraydna wuu hoosaysiiyey, oo wuxuu hoos ugu soo dejiyaa tan iyo dhulka, oo ciidduu ku soo xooraa.

  • 8Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.

  • 11Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.

  • 20Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa, Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.

  • 72%

    21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

    22Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba', Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.

  • 23Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

  • 26Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.

  • 7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

  • 28Kii aan ruuxiisa u talin karinu Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.

  • 25Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan, Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan.

  • 15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.

  • 1Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.

  • 2Markuu kibir yimaado, waxaa timaada ceeb; Laakiinse xigmaddu waxay la jirtaa kuwa is-hoosaysiiya.

  • 18Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

  • 29Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa, Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.

  • 9Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

  • 32Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.

  • 24Jidka noloshu waa u kor kii caqli leh, Si uu uga tago She'oolka hoose.

  • 12Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh, Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.

  • 8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.

  • 15Oo ninka hoose baa la soo dejin doonaa, oo ninka weynna waa la hoosaysiin doonaa, oo kuwa isla weyn indhahooda waa la hoosaysiin doonaa,

  • 3Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa.

  • 11Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.

  • 21¶ Hoog waxaa leh kuwa isla caqliga badan ee isla miyirka badan!

  • 22Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.

  • 1¶ Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.

  • 18Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.

  • 28Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.

  • 8Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay; Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.

  • 9Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.