Maahmaahyadii 18:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ninkii taajir ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Oo waa u derbi dheer sida ay la tahay isaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 10:15 : 15 Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
  • Maah 11:4 : 4 Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
  • Wacd 7:12 : 12 Waayo, xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax u daafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa in xigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta.
  • Luuk 12:19-21 : 19 oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax. 20 Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa? 21 Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.
  • Sharc 32:31 : 31 Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga. Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.
  • Ayuub 31:24-25 : 24 Haddaan dahab rajo ka dhigtay, Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay, 25 Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood,
  • Sab 49:6-9 : 6 Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan, 7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo, Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo, 8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad, Kumana filna weligeedba,) 9 Inuu isagu weligiis sii noolaado, Oo aanu halligaad arkin weligiis.
  • Sab 52:5-7 : 5 Ilaahna sidaas oo kaluu kuu halligi doonaa weligaaba, Oo isna kor buu kuu qaadi doonaa, oo wuxuu kaa bixin doonaa teendhadaada, Oo wuxuu kaa saari doonaa kuwa nool dalkooda. (Selaah) 6 Kuwa xaqa ahuna way arki doonaan, oo way cabsan doonaan, Wayna ku qosli doonaan, oo waxay odhan doonaan, 7 Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.
  • Sab 62:10-11 : 10 Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina. 11 Ilaah mar buu hadlay, Oo laba goor baan maqlay, In Ilaah xoogga iska leeyahay,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.

  • 11Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.

  • 12Dadka qalbigiisu waa kibraa intaanu baabbi'in ka hor, Oo sharaftana waxaa ka horraysa is-hoosaysiinta.

  • 6Kuwa maalkooda isku halleeya, Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,

  • 7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

  • 22Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

  • 10Rabbiga magiciisu waa noobiyad xoog leh, Kii xaq ahu iyaduu ku cararaa, meel sarena wuu ku nabad galaa.

  • Maah 13:7-8
    2 aayado
    74%

    7Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.

    8Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.

  • 28Kii maalkiisa isku halleeyaa wuu dhici doonaa, Laakiinse kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida caleen cagaar ah.

  • 23¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin,

  • 17waaba intaasoo aad qalbiga iska tidhaahdaan, Xooggayaga iyo itaalka gacantayada ayaannu maalkan ku helnay.

  • 21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

  • Maah 19:3-4
    2 aayado
    71%

    3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

    4Maalku wuxuu badiyaa saaxiibbo, Laakiinse miskiinku saaxiibkiisa buu ka soocmaa.

  • 11Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.

  • 5Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.

  • 14Waxaa jirtay magaalo yar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaa iyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oo dhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay.

  • 18Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

  • 20Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.

  • 6Hubaal nin kastaaba wuxuu ku socdaa hawo been ah, Hubaal waxay ku rabshaysan yihiin hawo been ah, Isagu maal buu tuulaa, mana uu yaqaan kii urursan doona.

  • Yac 1:10-11
    2 aayado
    70%

    10kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska.

    11Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.

  • 10Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.

  • 12Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

  • 28Kii aan ruuxiisa u talin karinu Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.

  • 69%

    17Kolkaasuu isla tashaday isagoo leh, Maxaan sameeyaa, waayo, ma haysto meel aan ku ururiyo wixii ii baxay?

    18Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan,

  • 4Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.

  • 18Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale, Iyo sida waab waardiye samaysto.

  • 23Nin kibirkiisu hoos buu u dejin doonaa, Laakiinse kii is-hoosaysiiyaa sharaf buu heli doonaa.

  • 21Nin xoog leh oo hubaysan markuu ilaalinayo barxaddiisa, alaabtiisu waa nabad gelaysaa.

  • 5Wuxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 22Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

  • 16Inta yar oo mid xaq ahu haystaa Way ka sii wanaagsan tahay kuwa sharka leh maalkooda badan.

  • 11Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata.

  • 7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

  • 14oo yidhaahda, Anigu waxaan dhisan doonaa guri ballaadhan iyo qolal waaweyn, oo daaqado samaysta, oo saqafkiisa hoose ka dhiga qoryo kedar ah, oo rinji cas mariya.

  • 2Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.

  • 9¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!

  • 6Nacasnimadu waxay joogtaa meelo sarsare oo waaweyn oo taajiriintuna waxay fadhiyaan meel hoose.

  • 6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

  • 4Maalinta cadhada maal faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.

  • 16Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.

  • 25Kii hunguri weynu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waa la barwaaqaysiin doonaa.

  • 3Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

  • 16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

  • 13¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.

  • 2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.