Maahmaahyadii 11:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 14:21 : 21 Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.
  • Luuk 16:14 : 14 ¶ Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.
  • Luuk 18:9 : 9 ¶ Masaalkan ayuu kula hadlay qaar ismoodayay inay xaq yihiin oo kuwa kale quudhsaday.
  • Yoox 7:48-52 : 48 Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga? 49 Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin. 50 Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi, 51 Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo? 52 Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.
  • 1 But 2:23 : 23 Oo isagu markii la caayay, dadkii caayay cay uma uu celin. Markuu xanuunsadayna ninna ma uu cabsiin, laakiinse wuxuu isu dhiibay kan xaqnimada wax ku xukuma.
  • Xaak 9:27-29 : 27 Markaasay beeraha tageen, oo canabkoodii soo gurteen, oo waxay ku tunteen midhihii canabka, wayna iideen, oo waxay galeen gurigii ilaahood, oo wax bay cuneen oo cabbeen, oo waxay caayeen Abiimeleg. 28 Markaasaa Gacal ina Cebed yidhi, Abiimeleg waa ayo? Shekemna waa ayo? Maxaynu ugu adeegna? Sow isagu ma aha ina Yerubbacal? Sirkaalkiisuna sow ma aha Sebul? U adeega dadkii reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis; laakiinse maxaynu ugu adeegnaa isaga? 29 Haddii Ilaah dadkan gacantayda hoos gelin lahaa, ogaada, Abiimeleg waan eryi lahaaye. Kolkaasuu ku yidhi Abiimeleg, Ciidankaaga soo badso oo soo bax.
  • Xaak 9:38 : 38 Markaasaa Sebul wuxuu ku yidhi isagii, Meeh afkaagii aad ku tidhi, Waa ayo Abiimeleg oo maxaynu ugu adeegnaa? Sow kanu ma aha dadkii aad quudhsatay? Haddaba waan ku baryayaaye, u bax oo la dirir.
  • 1 Sam 10:27 : 27 Laakiinse kuwo waxmatarayaal ah ayaa waxay yidhaahdeen, Ninkanu sidee buu noo badbaadin doonaa? Oo isagiina way quudhsadeen, oo hadiyadna uma ay keenin. Laakiinse isagu wuu iska aamusay.
  • 2 Boq 18:36 : 36 Laakiinse dadkii way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.
  • Nex 4:2-4 : 2 Markaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba'ay oo gubtay? 3 Oo haddana Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon oo agtiisa taagnaa wuxuu yidhi, Waxa ay dhisayaan oo dhan xataa haddii dawaco fuusho way kala burburinaysaa derbigooda dhagaxa ah. 4 Ilaahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta.
  • Sab 123:3-4 : 3 Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho. 4 Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.
  • Maah 10:19 : 19 Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 77%

    27Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.

    28Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • 13Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Laakiinse kii ruuxiisu aamin yahay xaalkuu qariyaa.

  • Maah 12:8-9
    2 aayado
    75%

    8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.

    9Kii la fudaydsado oo midiidin lahu Waa ka wanaagsan yahay kii isweyneeya oo cunto u baahan.

  • 29Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.

  • 74%

    16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

    17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 8Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.

  • 73%

    13Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.

    14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.

  • 5Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • 11Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.

  • 21Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.

  • 21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

  • Maah 25:8-9
    2 aayado
    72%

    8Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.

    9Dacwadaada deriskaaga kala dood, Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,

  • 72%

    15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

    16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.

  • 72%

    18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

    19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.

  • 3Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • Maah 14:6-8
    3 aayado
    72%

    6Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.

    7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

    8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 32Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.

  • Maah 29:8-9
    2 aayado
    72%

    8Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.

    9Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 18Ninkii garaaddaranu gacan buu dhaar ugu dhiibaa, Oo wuxuu dammiin ku noqdaa deriskiisa hortiisa.

  • 11Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.

  • 16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

  • Maah 14:2-3
    2 aayado
    71%

    2Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.

    3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 11Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.

  • 16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

  • 2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

  • 5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

  • 12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

  • 3Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.

  • 19Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

  • 23Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.

  • 9Labawejiilahu afkiisuu deriskiisa ku halligaa, Laakiinse kan xaqa ahu aqoon buu ku samatabbixi doonaa.

  • 28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

  • 22Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

  • 3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.

  • 11Kii dhulkiisa beertaa cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa waa garaad daranyahay.