Maahmaahyadii 14:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 28:6 : 6 Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.
  • 1 Boq 3:6 : 6 Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.
  • Ayuub 1:1 : 1 ¶ Dalka Cuus la yidhaahdo waxaa joogi jiray nin magiciisa Ayuub la odhan jiray, oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin qumman oo toosan, wuxuuna ahaa mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada.
  • Ayuub 12:4 : 4 Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto, Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay, Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
  • Ayuub 28:28 : 28 Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.
  • Sab 25:21 : 21 Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.
  • Sab 112:1 : 1 Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
  • Sab 123:3-4 : 3 Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho. 4 Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.
  • Maah 2:15 : 15 Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
  • Maah 11:12 : 12 Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.
  • Maah 16:17 : 17 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
  • Maah 19:1 : 1 Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.
  • Mal 2:5-6 : 5 Axdigaygii aan iyaga la dhigtay wuxuu ahaa mid nolol iyo nabaadiino ah, oo waxaan u siiyey inay iga cabsadaan, wayna iga cabsadeen, oo magacaygana way ka cabsadeen. 6 Sharcigii runtu afkooduu ku jiray, oo bushimihoodana xaqdarro lagama helin. Way igula socdeen nabaadiino iyo qummanaan, qaar badanna xumaan bay ka leexiyeen.
  • Luuk 10:16 : 16 Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.
  • Luuk 16:14 : 14 ¶ Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.
  • Fal 9:31 : 31 ¶ Sidaas darteed kiniisaddii ku tiil Yahuudiya iyo Galili iyo Samaariya oo dhan nabad bay lahayd, waana dhisantay oo badatay iyadoo ku socota cabsida Rabbiga iyo gargaarka Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 10:22 : 22 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.
  • Fal 10:35 : 35 laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa.
  • Room 2:4-5 : 4 Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda? 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
  • 2 Tim 3:2-3 : 2 Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn, 3 iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn,
  • Wacd 12:13 : 13 ¶ Xaalkan soo koobiddiisii waa tan. Waa la wada maqlay. Ilaah ka cabso, oo amarradiisana dhawr, waayo, taasu waa waxa binu-aadmiga oo dhan u gudboon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.

  • 8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.

  • 18Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa, Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.

  • 6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

  • 1Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda.

  • 2Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.

  • 13Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.

  • 4Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,

  • 76%

    15Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa, Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.

    16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

    17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 3Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.

  • 20Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

  • Maah 13:5-6
    2 aayado
    76%

    5Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.

    6Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.

  • 9Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.

  • 13Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.

  • 9Kii xigmad lahu waxyaalahan ha fiirsado. Kii miyir lahuna ha garto. Waayo, Rabbiga jidadkiisu waa qumman yihiin, oo kuwii xaq ahuna way ku socon doonaan, laakiinse kuwa xadgudbaa way ku dhex dhici doonaan.

  • 13Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,

  • 23Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.

  • 20Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.

  • 21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 17Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.

  • 14Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.

  • 7Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 15Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,

  • 33Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda, Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.

  • 15Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,

  • 1Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.

  • 12Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.

  • 17Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.

  • 32Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga, Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.

  • 1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.

  • 5Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada, Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.

  • 4Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.

  • 29Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • Maah 22:4-5
    2 aayado
    72%

    4Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol.

    5Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.

  • 16Kii amarka dhawraa naftiisuu dhawraa, Laakiinse kii jidadkiisa fudaydsadaa wuu dhiman doonaa.

  • 27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

  • 15Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.

  • 12Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.

  • 10Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.

  • 2Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.