Maahmaahyadii 10:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 21:15 : 15 Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
  • Sab 37:20 : 20 Laakiinse kuwa sharka lahu way halligmi doonaan, Cadaawayaasha Rabbiguna waxay ahaan doonaan sida inta wanaagsan oo doogga, Way baabbi'i doonaan, sida qiiqa oo kale way u baabbi'i doonaan.
  • Sab 84:7 : 7 Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan, Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
  • Sab 92:7 : 7 Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,
  • Ayuub 31:3 : 3 Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?
  • Sab 1:6 : 6 Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
  • Sab 36:12 : 12 Xumaanfalayaashu halkaasay ku dhaceen, Iyaga hoos baa loo riday, oo mana ay kari doonaan inay mar dambe soo kacaan.
  • Ish 40:31 : 31 Laakiinse kuwa Rabbiga isku halleeyaa xoog cusub bay heli doonaan. Way ordi doonaan, mana ay daali doonaan, oo way socon doonaan, mana ay itaal darnaan doonaan.
  • Sak 10:12 : 12 Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Mat 7:22-23 : 22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn? 23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.
  • Luuk 13:26-27 : 26 Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay. 27 Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya.
  • Room 2:8-9 : 8 laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil, 9 iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga.
  • Fil 4:13 : 13 Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 3Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.

  • 15Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.

  • 6Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.

  • 30Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.

  • 6Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.

  • Maah 11:5-6
    2 aayado
    79%

    5Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.

    6Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.

  • 28Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad, Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.

  • 3Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?

  • 7Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.

  • 77%

    11Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.

    12Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.

  • Sab 37:38-39
    2 aayado
    77%

    38Laakiinse kuwa xadgudbaa dhammaantood wadajir bay u baabbi'i doonaan, Oo kuwa sharka lahuna ugu dambaystooda way go'i doonaan.

    39Kuwa xaqa ahse badbaadadoodu waa xagga Rabbiga, Oo wakhtiga dhibaatada isagu waa qalcaddooda.

  • 9Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.

  • 17Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan, Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 16Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.

  • 76%

    19Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.

    20Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • Maah 21:7-8
    2 aayado
    76%

    7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

    8Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.

  • 18Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa, Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.

  • 9Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.

  • 7Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,

  • 10Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.

  • 32Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.

  • 16Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba';

  • 30Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?

  • 27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

  • 7Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya.

  • 21Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.

  • 28Laakiinse kuwa xadgudba iyo dembilayaasha isku mar baa la burburin doonaa, oo kuwa Rabbiga ka tagana waa la wada baabbi'in doonaa.

  • 28Jidka xaqnimada nolol baa taal; Oo waddadeedana dhimasho kuma jirto.

  • 22Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.

  • 9Waayo, xumaanfalayaashu way go'i doonaan, Laakiinse kuwa Rabbiga sugaa dalkay dhaxli doonaan.

  • 19Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan, Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.

  • 17Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.

  • 2Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.

  • 26Kan xaqa ahu deriskiisuu hanuuniyaa, Laakiinse kuwa sharka leh jidkoodu wuu ambiyaa iyaga.

  • 3Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?

  • 9Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa, Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.

  • 9Kii xigmad lahu waxyaalahan ha fiirsado. Kii miyir lahuna ha garto. Waayo, Rabbiga jidadkiisu waa qumman yihiin, oo kuwii xaq ahuna way ku socon doonaan, laakiinse kuwa xadgudbaa way ku dhex dhici doonaan.

  • 15Kii shar leh gacantiisa jebi, Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.

  • 5Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

  • 15Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

  • 20Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.

  • 9Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

  • 8Kii xaq ah waxaa laga samatabbixiyaa dhibaato, Oo meeshiisana waxaa yimaada kii shar leh.