Sabuurradii 11:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 82:5 : 5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
  • Fal 4:24-33 : 24 Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan; 25 kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi, Quruumuhu maxay u cadhoodeen, Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn? 26 Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen. Taliyayaashuna intay is-urursadeen Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa; 27 waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen, 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan. 29 Laakiin Rabbiyow, eeg, way na cabsiinayaane; haddaba addoommadaada sii dhiirranaan oo dhan oo ay ereygaaga ku sheegaan, 30 intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise. 31 Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen. 32 ¶ Oo intoodii badnayd oo rumaysatay isku qalbi iyo naf bay ahaayeen; midkoodna ma odhan, Waxaan leeyahay waa waxaygii, laakiin wax waluba waa ka dhexeeyeen. 33 Oo rasuulladu xoog weyn bay sarakicidda Rabbi Ciise uga marag fureen; oo nimco badan baa dhammaantood ku soo dul degtay.
  • 2 Tim 2:19 : 19 Habase yeeshee aasaaskii adkaa oo Ilaah dhigay wuu taagan yahay, isagoo leh sumaddan, Rabbigu wuu yaqaan kuwiisa; oo mid kasta oo magaca Rabbiga soo qaada xaqnimola'aanta ha ka tago.
  • Ish 58:12 : 12 Oo kuwaaga ayaa meelihii hore oo burburay dhisi doona, oo waxaad sara kicin doontaa aasaasyada qarniyada badan, oo waxaa laguugu yeedhi doonaa Jabniinkabe, iyo kan jidadka cusboonaysiiya si loo dego.
  • Yer 26:11-15 : 11 Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen. 12 Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan. 13 Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay. 14 Bal eega, anigu gacmihiinnaan ku jiraa, haddaba iigu sameeya sida idinla wanaagsan oo idinla qumman. 15 Laakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo.
  • Daan 3:15-18 : 15 Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa? 16 Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan. 17 Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow. 18 Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.
  • Daan 6:10-28 : 10 Daanyeelna markuu ogaaday in qorniinkii la saxeexay ayuu gurigiisii galay, haddaba daaqadihii qolkiisa oo xagga Yeruusaalem u jeeday way furnaayeen, oo saddex jeer buu maalintiiba jilbo joogsan jiray oo tukan jiray, oo Ilaahiis ku mahadnaqi jiray, siduu hore u yeeli jiray. 11 Markaasay nimankii isu soo shireen, oo waxay heleen Daanyeel oo wax weyddiisanaya oo baryaya Ilaahiis. 12 Markaasay u soo dhowaadeen, oo waxay boqorka hortiisii kaga hadlen wax ku saabsan amarkii boqorka, oo waxay yidhaahdeen, Miyaadan saxeexin amar leh, Ku alla kii, intii soddon maalmood ah, wax weyddiista ilaah kale ama nin, adiga mooyaane, waa in lagu rido bohosha libaaxyada? Boqorkiina waa u jawaabay oo ku yidhi, Taasu waa run, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris ku qoran oo aan beddelmi karin. 13 Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa. 14 Markaasaa boqorkii markuu hadalkaas maqlay ayuu aad uga xumaaday, oo isku dayay inuu Daanyeel samatabbixiyo; oo ilaa qorraxdu ka dhacday ayuu hawshoonayay inuu isaga badbaadiyo. 15 Markaasay nimankii giddigood boqorkii ku soo shireen, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal ogow, Boqorow, inay sharci reer Maaday iyo reer Faaris tahay inaan la beddelin qaynuun ama amar uu boqorku dhiso. 16 Markaasaa boqorkii amray, oo Daanyeel waa la soo kexeeyey oo lagu dhex tuuray bohoshii libaaxyada. Boqorkiina waa la hadlay Daanyeel, oo ku yidhi, Ilaahaaga aad had iyo goorba u adeegto ayaa ku samatabbixin doona. 17 Markaasaa dhagax la keenay, oo bohoshii afkeedii la saaray; oo boqorkii baa ku shaabadeeyey shaabaddiisii, iyo shaabaddii saraakiishiisa, inaan waxba laga beddelin xaaladda Daanyeel. 18 Dabadeedna boqorkii baa gurigiisii tegey, oo habeenkaas wuu soomanaa: alaabtii muusikadana looma keenin, hurdadiina waa ka duushay. 19 Boqorkii intuu aroor hore kacay ayuu degdeg u tegey bohoshii libaaxyada. 20 Oo markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo? 21 Markaasaa Daanyeel boqorkii ku yidhi, Boqorow, weligaaba noolow. 22 Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin. 23 Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey. 24 Dabadeedna boqorkii baa amar bixiyey oo waxaa la keenay nimankii Daanyeel dacweeyey, oo bohoshii libaaxyada ayaa lagu dhex tuuray, iyagii iyo carruurtoodii iyo naagahoodiiba; markaasaa libaaxyadii qabsadeen intayan bohoshii salkeeda soo gaadhin, lafahoodii oo dhanna way burbursadeen. 25 ¶ Markaasaa boqorkii Daariyus warqado u qoray dadyowgii, iyo quruumihii, iyo kuwii kala afka ahaa oo dhan, oo dhulka oo dhan degganaa; oo wuxuu ku yidhi, Nabadu ha idinku badato. 26 Waxaan amar ku bixinayaa in dadka dowladnimada boqortooyadayda oo dhan ay ku hor gariiraan oo ka cabsadaan Ilaaha Daanyeel; waayo, isagu waa Ilaaha nool, oo weligiis jiraya, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in karayn, dowladnimadiisuna way jiri doontaa ilaa ugudambaysta. 27 Isagu wax waa samatabbixiyaa oo badbaadiyaa, samada iyo dhulkana wuxuu ku sameeyaa calaamado iyo yaabab, waana kii Daanyeel ka samatabbixiyey xooggii libaaxyada. 28 Sidaasuu Daanyeelkanu ugu barwaaqoobay boqornimadii Daariyus, iyo boqornimadii Kuuroskii reer Faaris.
  • Yoox 11:8-9 : 8 Xertii waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, Yuhuuddu waxay haddana doonayeen inay ku dhagxiyaan, ma waxaad mar kale u kacaysaa meeshaas? 9 Ciise ayaa ugu jawaabay, Maalintu miyaanay laba iyo toban saacadood ahayn? Qof hadduu maalinta socdo ma turunturoodo, waayo, wuxuu arkaa iftiinka dunidan. 10 Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.
  • Fal 4:5-9 : 5 ¶ Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen; 6 waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd. 7 Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen? 8 Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow, 9 haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey, 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay. 11 Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka. 12 Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.
  • 2 Boq 19:13-18 : 13 Oo bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac, iyo kii Ciwaah? 14 ¶ Markaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaatay gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa. 15 Oo Xisqiyaah wuxuu ku baryootamay Rabbiga hortiisa oo yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey. 16 Rabbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag; bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo. 17 Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii iyo dalalkoodii, 18 oo ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
  • 2 Boq 22:12-14 : 12 Markaasaa boqorkii amray wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam ina Shaafaan, iyo Cakhboor ina Miikaayaah, iyo Shaafaan oo ahaa karraanigii, iyo Casaayaah oo ahaa midiidinkii boqorka, oo wuxuu ku yidhi, 13 War taga oo aniga iyo dadka iyo reer Yahuudah oo dhan Rabbiga inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkan la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo uu inoo cadhooday way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay dhegaysan erayada kitaabkan inay yeelaan kulli waxyaalaha inagu saabsan ee ku qoran. 14 Markaasaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam, iyo Cakhboor, iyo Shaafaan, iyo Casaayaah waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tiqwaah oo ahaa ina Xarxas, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii la hadleen,
  • 2 Taar 32:13-15 : 13 War miyeydaan ka war qabin aniga iyo awowayaashayba wixii aan ku samaynay dadyowga dalalka deggan oo dhan? War quruumaha dalalka deggan ilaahyadoodu miyey sinaba u awoodeen inay dalkooda gacantayda ka samatabbixiyaan? 14 Oo quruumihii awowayaashay ay wada baabbi'iyeen ilaahyadoodii oo dhan kee baa awooday inuu dadkiisii gacantayda ka samatabbixiyo? Haddaba Ilaahiinnu sidee buu u awoodaa inuu gacantayda idinka samatabbixiyo? 15 Haddaba sidaas daraaddeed Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn oo yuusan sidan idiin sasabin, hana rumaysanina, waayo, innaba ma jirin quruun ama boqortooyo ilaaheedu awooday inuu dadkiisa ka samatabbixiyo gacantayda iyo gacantii awowayaashay toona, haddaba ilaahiinna sidee buu gacantayda idiinka samatabbixin doonaa?
  • Nex 6:10-12 : 10 ¶ Markaasaan tegey gurigii Shemacyaah ina Delaayaah oo ahaa ina Meheetabeel oo xidhnaa; oo wuxuu igu yidhi, Guriga Rabbiga oo ah macbudka dhexdiisa aan ku kulanno, oo aan xidhanno albaabbada macbudka, waayo, iyagu waxay u iman doonaan inay ku dilaan. Haah, oo habeennimada ayay u soo iman doonaan inay ku dilaan. 11 Aniguse waxaan ku idhi, Nin anigoo kale ahu miyuu cararaa? Bal waase kee, kan aniga ila mid ah oo macbudka u geli lahaa inuu naftiisa ku badbaadiyo? Geli maayo. 12 Markaasaan gartay inaan Ilaah isaga soo dirin, laakiinse hadal iga gees ah ayuu ugu hadlay sidii nebi oo kale, waayo, waxaa soo kiraystay Toobiyaah iyo Sanballad.
  • Sab 75:3 : 3 Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 73%

    29Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.

    30Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.

  • 7Kuwa sharka leh waa la afgembiyaa, oo mar dambena lama arki doono, Laakiinse kuwa xaqa ah gurigoodu waa sii taagnaan doonaa.

  • 3Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya?

  • 3Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.

  • 4Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.

  • 25Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.

  • 3Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?

  • 11Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.

  • 6Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah

  • 6Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.

  • 3Ninna shar kuma dhismi doono, Laakiinse kuwa xaqa ah xididkooda weligiis lama dhaqaajin doono.

  • 19Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay.

  • 16Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.

  • 5Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.

  • 9Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

  • 6Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.

  • 7Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

  • 17Waayo, kuwa sharka leh gacmahoodu way jebi doonaan, Laakiinse Rabbigu kuwa xaqa ah wuu tiiriyaa.

  • 3Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)

  • 15Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

  • 71%

    10Kuwa xaqa ahu markay barwaaqoobaan, magaaladu way rayraysaa, Laakiin kuwa sharka lahu markay halligmaan farax baa lagu dhawaaqaa.

    11Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.

  • 11Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.

  • 9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.

  • 7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

  • 11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

  • 3Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?

  • 8Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo samada aasaaskeediina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.

  • 1Aasaaskiisu wuxuu ku jiraa buuraha quduuska ah.

  • 10Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.

  • 5Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.

  • 18Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.

  • 3Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.

  • 18Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.

  • 26Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.

  • 13Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?

  • 7kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.

  • 23kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!

  • 4War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa?

  • Maah 11:5-6
    2 aayado
    69%

    5Ninkii kaamil ah xaqnimadiisu jidkiisay toosisaa, Laakiinse kan sharka lahu wuxuu ku kufi doonaa sharkiisa.

    6Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.

  • 36Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha.

  • 14Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.

  • 3Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?

  • 11Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.