Ayuub 22:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 15:32 : 32 Wakhtigiisii ka hor buu dhammaan doonaa, Oo laantiisuna ma cagaaroobi doonto.
  • Bil 7:17-24 : 17 Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka. 18 Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii. 19 Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen. 20 Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen. 21 Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba. 22 Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen. 23 Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii. 24 Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.
  • Mat 24:37-39 : 37 Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa. 38 Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay, 39 wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.
  • 1 But 3:19-20 : 19 Ruuxii ayuu ku tegey oo wuxuu wacdiyey ruuxyadii xabsigii ku jiray, 20 kuwaas oo waagii hore ahaa caasiyiin markii dulqaadashada Ilaah ay sugaysay intii maalmihii Nuux oo la diyaarinayay doonnidii, taasoo ay biyihii kaga badbaadeen dhawr qof oo ah siddeed nafood oo keliya.
  • 2 But 2:5 : 5 Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.
  • Bil 7:11 : 11 Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay.
  • Ayuub 14:19 : 19 Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
  • Sab 55:23 : 23 Laakiinse, Ilaahow, iyaga waxaad ku dhaadhicin doontaa yamayska halligaadda, Dhiigyocabyada iyo dadka khaa'innada ahu cimrigooda nus ma kadban doonaan, Laakiinse anigu waan isku kaa hallayn doonaa.
  • Sab 102:24 : 24 Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah, Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.
  • Wacd 7:17 : 17 Aad sharrow ha u noqon, oo nacasna ha noqon, waayo, bal maxaad wedkaaga ka hor u dhimanaysaa?
  • Mat 7:26-27 : 26 Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay. 27 Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore Ee sharrowyadu ku socon jireen?

  • 4Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.

  • 17Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?

  • 2 But 3:5-6
    2 aayado
    76%

    5Waayo, iyagu kaas bay u illoobaan in waagii hore samooyin jireen iyo dhul erayga Ilaah biyo lagaga dhex abuuray,

    6kuwaas oo dunidii waagaas jirtay ay ku baabba'day iyadoo daad qaaday.

  • 74%

    18Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba'daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa.

    19Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.

  • 73%

    19Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan, Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro, Oo sida balanbaallis u burbura!

    20Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.

  • Sab 124:3-5
    3 aayado
    72%

    3Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,

    4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,

    5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

  • 72%

    18Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa, Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray, Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.

    19Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl, Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay.

  • 11Biyuhu badda way ka dhammaadaan, Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa,

  • 14Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.

  • Sab 73:18-19
    2 aayado
    72%

    18Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.

    19Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.

  • 15Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.

  • 15Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan, Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.

  • 54Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.

  • 2Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.

  • 3Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?

  • 16Oo canaantii Rabbiga aawadeed, iyo dulalka sankiisa neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii baddu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.

  • 16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

  • 14Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca.

  • 20Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.

  • 14Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,

  • 8Laakiinse meesheeda wuxuu ku baabbi'in doonaa daad soo buuxdhaafay, oo cadaawayaashiisana wuu u eryan doonaa gudcurka dhexdiisa.

  • 5Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan.

  • 70%

    10Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,

    11Ama gudcur aadan waxba ku arki karin, Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.

  • 22Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka, Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.

  • 5Oo waxaa iyagii qariyey moolkii, Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.

  • 70%

    17Markay qorraxoodaan way libdhaan, Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.

    18Kuwa safraa gees bay uga leexdaan, Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan.

  • 24Anigu waxaan qoday oo cabbay biyo qalaad, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.

  • 10Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.

  • 24Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan; Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan, Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.

  • 5Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.

  • 18Oo axdigii aad geerida la dhigateenna waa la burin doonaa, oo heshiiskiinnii aad She'ool la lahaydeenna ma hagaagi doono, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacaysona way idinku tuman doontaa.

  • 6Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah

  • 25Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,

  • 7Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.

  • 20Naxdin baa isaga qarqin doonta sida biyo daad ah, Oo habeenkiina waxaa isaga la tegi doona duufaan.

  • 20Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen.

  • 15Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.

  • 16Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.

  • 12Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;