Baroorashadii 3:54

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoon 2:3-5 : 3 Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen. 4 Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa. 5 Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.
  • Yex 37:11 : 11 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay.
  • 2 Kor 1:8-9 : 8 Walaalayaalow, dooni mayno inaad ka garaad la'aataan waxa ku saabsan dhibtayada ee xagga Aasiya nagaga dhacday, in hoos aad lanoogu celiyey si xooggayaga dhaafsiisan, sidaas aawadeed ayaannu xataa nolosha uga quusannay. 9 Laakiin annaga qudhayadu waxaannu naftayada ku haysannay xukunka dhimashada, inaannan naftayada isku hallayn, laakiin inaannu Ilaah isku hallayno kan sara kiciya kuwii dhintay. 10 Isagaa naga samatabbixiyey dhimasho saas u weyn, wuuna na samatabbixin doonaa, kan aannu rajaynayno inuu weliba na samatabbixin doono;
  • Ayuub 17:11-16 : 11 Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een. 12 Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka. 13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado, 14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay, Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay, 15 Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona? 16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno.
  • Sab 18:4 : 4 Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
  • Sab 31:22 : 22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.
  • Sab 69:1-2 : 1 Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay. 2 Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
  • Sab 69:15 : 15 Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
  • Sab 124:4-5 : 4 Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa, 5 Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.
  • Ish 38:10-13 : 10 Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday. 11 Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga, Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan. 12 Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa. 13 Oo tan iyo aroortii ayaan fikirayay, isagu lafahayga oo dhan ayuu u jejebiyaa sida libaax oo kale, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
  • Bar 3:18 : 18 Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 53Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.

  • Yoon 2:3-6
    4 aayado
    83%

    3Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.

    4Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.

    5Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.

    6Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda; Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba; Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yamayskii.

  • Sab 69:1-2
    2 aayado
    79%

    1Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.

    2Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.

  • 7Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.

  • 2 Sam 22:5-6
    2 aayado
    78%

    5Waayo, waxaa i hareereeyey hirarkii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadola'aanta.

    6Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool; Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.

  • 55Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.

  • 16Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • Sab 124:4-5
    2 aayado
    76%

    4Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,

    5Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

  • 17Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday; Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.

  • Sab 18:4-5
    2 aayado
    75%

    4Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.

    5Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.

  • Sab 69:14-15
    2 aayado
    75%

    14Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.

    15Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.

  • 14Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.

  • Sab 88:16-17
    2 aayado
    75%

    16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.

    17Maalintii oo dhan waxay hareerahayga ugu wareegsanaayeen sidii biyo oo kale, Dhammaantood way i wada hareereeyeen.

  • 24Anigu waxaan qoday oo cabbay biyo qalaad, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.

  • Bar 3:17-18
    2 aayado
    73%

    17Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

    18Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een.

  • Sab 143:3-4
    2 aayado
    73%

    3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

    4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • Sab 22:14-15
    2 aayado
    72%

    14Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.

    15Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.

  • 3Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.

  • 7Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)

  • 4Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.

  • 1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

  • 16Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor, Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.

  • 24Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa, Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.

  • 12Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.

  • 25Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.

  • 4Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad.

  • 2Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.

  • 10Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday.

  • 16Haddaba naftaydaa igu dhex daadatay, Oo waxaan la kulmay wakhti dhibaato badan.

  • 5Oo waxaa iyagii qariyey moolkii, Oo moolkay dhex tiimbadeen sidii dhagax oo kale.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • Bar 3:6-7
    2 aayado
    70%

    6Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.

    7Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.

  • 19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.

  • 14Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.

  • 4Waxaa laygu tiiriyey kuwa hoos ugu dhaadhaca yamayska, Oo waxaan ahay sida nin aan xoog lahayn,

  • 9Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.