Sabuurradii 31:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 116:11 : 11 Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.
  • Yoon 2:4 : 4 Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.
  • Yoon 2:7-9 : 7 Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow; Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa. 8 Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa Waxay ka tagaan naxariistoodii. 9 Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa; Wixii aan nidrayna waan bixinayaa. Badbaado waxaa leh Rabbiga.
  • Cib 5:7 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
  • Ish 6:5 : 5 Markaasaan idhi, Anaa hoogay! Waayo, waan lumay, maxaa yeelay, waxaan ahay nin aan bushimihiisu daahirsanayn, oo weliba waxaan dhex degganahay dad aan bushimahoodu daahirsanayn, waayo, indhahaygu waxay arkeen Boqorka ah Rabbiga ciidammada.
  • Ish 38:10-12 : 10 Anigu waxaan is-idhi, Cimrigayga oo badh ah ayaan irdihii She'ool sii mari doonaa, Oo intii cimrigayga ka hadhayna waa layga qaaday. 11 Waxaan is-idhi, Ma aan arki doono Rabbiga, kaasoo ah Rabbiga dalka kuwa nool jooga, Mar dambena ma arki doono qof ka mid ah dadka dunida deggan. 12 Rugtaydii waa layga fogeeyey, oo sidii adhijir teendhadiis ayaa la iiga qaaday. Sida dharsameeye ayaan noloshaydii u duudduubay, oo wuxuu iga gooynayaa alaabtiisa uu dharka ku sameeyo, Oo maalin ilaa habeenba waad i sii dhammaystiraysaa.
  • Ish 49:14 : 14 ¶ Laakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay.
  • Bar 3:54-55 : 54 Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day. 55 Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay.
  • Yex 37:11 : 11 Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, lafahanu waa reer binu Israa'iil oo dhan. Bal eeg, iyagu waxay yidhaahdaan, Lafahayagii way engegeen, oo rajadayadiina way go'day, oo waannu wada baabba'nay.
  • 1 Sam 23:26 : 26 Oo Saa'uulna wuxuu maray buurta dhankeedii soke, Daa'uud iyo raggiisiina waxay mareen buurta dhankeedii shishe, oo Daa'uudna wuu dhaqsaday inuu u cararo cabsi uu Saa'uul ka qabo aawadeed, waayo, Saa'uul iyo raggiisii waxay u hareereeyeen Daa'uud iyo raggiisii inay qabtaan.
  • 1 Sam 27:1 : 1 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa.
  • 2 Taar 33:11-13 : 11 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen. 12 Oo intuu dhibaataysnaa ayuu baryay Rabbigii Ilaahiisa ahaa, oo si weyn buu isugu hor hoosaysiiyey Ilaahii awowayaashiis. 13 Oo isagii buuna baryay, oo isna wuu aqbalay oo baryootankiisiina wuu maqlay, oo mar kale ayuu dib ugu soo celiyey Yeruusaalem iyo boqortooyadiisii. Markaasaa Manaseh ogaaday in Rabbigu Ilaah yahay.
  • Ayuub 35:14 : 14 In kastoo aad tidhaahdaa, Isaga ma arko, Dacwadii isagay hor taal, oo adna waa inaad isaga sugtaa.
  • Sab 6:9 : 9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
  • Sab 31:17 : 17 Rabbiyow, yaanan ceeboobin, waayo, adigaan kuu qayshaday, Kuwa sharka lahu ha ceeboobeen, oo She'ool ha ku dhex aamuseen.
  • Sab 88:16 : 16 Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 4Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 8Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.

  • 14Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.

  • 6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

  • 19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.

  • 1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

  • 2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

  • 21Mahad waxaa leh Rabbiga, Waayo, wuxuu raxmaddiisa yaabka leh igu tusay magaalo xoog weyn.

  • 6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 7Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay; Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.

  • 16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

  • 9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

  • 6Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.

  • 7Naxariistaada waan ku farxi doonaa, waanan ku rayrayn doonaa, Waayo, dhibaatadii igu dhacday waad aragtay, Waanad ogayd qaxarka naftaydu ku jirtay,

  • 54Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day.

  • Sab 27:7-8
    2 aayado
    76%

    7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.

    8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • 22Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.

  • 5Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.

  • Sab 130:1-2
    2 aayado
    76%

    1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

    2Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.

  • Sab 22:1-2
    2 aayado
    76%

    1Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?

    2Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.

  • 56Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.

  • 12Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.

  • 16Inaan ku addeeco oo aan adhijir sii ahaado kama aanan degdegin, oo maalinta hooggana ma aanan jeclaysan. Taas waad og tahay. Oo wax alla wixii bushimahayga ka soo baxayba hortaadaan ku idhi.

  • 2Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.

  • 22Waayo, anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Oo qalbigayguna wuu igu dhex dhaawacmay.

  • 11Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.

  • Sab 38:15-16
    2 aayado
    75%

    15Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa, Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.

    16Waayo, waxaan idhi, Yaanay igu rayrayn, Oo markii cagtaydu simbiriirixato, yaanay iska kay weynayn.

  • 1Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.

  • Sab 102:1-2
    2 aayado
    75%

    1Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.

    2Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay, Dhegta ii dhig, Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.

  • Sab 38:21-22
    2 aayado
    75%

    21Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.

    22Soo dhaqso oo i caawi, Sayidow, badbaadadaydow.

  • 17Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.

  • 7Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow; Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa.

  • 22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 20Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.

  • 9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

  • 8Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.

  • 2Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.

  • 2Dhegtaada ii soo dhig, oo dhaqso ii samatabbixi, Dhagax weyn oo xoog leh ii ahow, iyo guri laysku daafaco si aad ii badbaadisid.

  • 4Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 17Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.