Sabuurradii 116:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Yoox 4:19 : 19 ¶ Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday.
  • 1 Yoox 5:2-3 : 2 Taasaynu ku garanaynaa inaynu carruurta Ilaah jecel nahay, goortaynu Ilaah jeclaanno oo qaynuunnadiisa xajinno. 3 Waa kan jacaylka Ilaah, kaasoo ah inaynu qaynuunnadiisa xajinno; oo qaynuunnadiisuna ma cusla.
  • Sab 66:19-20 : 19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay. 20 Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.
  • Sab 69:33 : 33 Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
  • Sab 119:132 : 132 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.
  • Mark 12:33 : 33 In laga jeclaado qalbiga oo dhan, iyo caqliga oo dhan, iyo nafta oo dhan, iyo xoogga oo dhan, iyo in deriska loo jeclaado sida nafta, taasaa ka sii wanaagsan allabaryo la wada gubo iyo allabaryo kale oo dhanba.
  • Yoox 16:24 : 24 Tan iyo imminka waxba magacayga kuma weyddiisan. Weyddiista, waanad heli doontaan, inay farxaddiinnu buuxsanto.
  • Yoox 21:17 : 17 Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji.
  • Bil 35:2 : 2 Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha,
  • 1 Sam 1:26 : 26 Kolkaasay tidhi, Sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaaranayaa naftaada nool, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naagtii halkan ku soo ag istaagtay, iyadoo Rabbiga baryaysa.
  • Sab 18:1-6 : 1 Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay. 2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer. 3 Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa. 4 Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta. 5 Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada. 6 Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
  • Sab 31:22-23 : 22 Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday. 23 Quduusiintiisa oo dhammay, Rabbiga jeclaada, Rabbigu wuu ilaaliyaa kuwa aaminka ah, Kan waxa kibirka ah falase aad iyo aad buu u abaalmariyaa.
  • Sab 34:3-4 : 3 Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno. 4 Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.
  • Sab 40:1 : 1 Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.

  • Sab 28:6-7
    2 aayado
    84%

    6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

    7Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

  • 9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

  • 1Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.

  • Sab 130:1-2
    2 aayado
    78%

    1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

    2Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.

  • 6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 1Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

  • 21Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.

  • 7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.

  • 8Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.

  • 1Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

  • 4Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)

  • 1Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.

  • 6Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.

  • 2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • Sab 116:4-5
    2 aayado
    75%

    4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

    5Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.

  • 1Rabbiga ammaana. Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugaga mahadnaqi doonaa Guddiga kuwa qumman dhexdiisa iyo ururka dhexdiisaba.

  • 5Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.

  • 1Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.

  • 1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.

  • 6Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.

  • 1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

  • 17Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.

  • 159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

  • 8Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.

  • 2Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.

  • 7Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay; Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.

  • 12Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?

  • 16Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.

  • 19Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.

  • 4Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.

  • 28Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.

  • 3Waayo, raxmaddaadu way ka sii wanaagsan tahay nolol, Haddaba bushimahaygu way ku ammaani doonaan.

  • 6Rabbigaan u gabyi doonaa, Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.

  • 146Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.

  • Sab 66:16-17
    2 aayado
    73%

    16Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.

    17Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.

  • 149Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,

  • 16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

  • 8Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.