Sabuurradii 66:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 116:1-2 : 1 Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii. 2 Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.
  • Bar 3:55-56 : 55 Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay. 56 Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.
  • Cib 5:7 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
  • 1 Yoox 3:20-22 : 20 xagga wax alla wixii qalbigeennu inagu eedeeyo, maxaa yeelay, Ilaah waa ka weyn yahay qalbigeenna, oo wax walbaba wuu og yahay. 21 Gacaliyayaalow, haddii aan qalbigeennu ina eedayn, kalsoonaan ayaynu ku leennahay xagga Ilaah. 22 Oo wax kastoo aynu ka barinno waynu ka helnaa, maxaa yeelay, qaynuunnadiisa ayaynu xajinnaa, oo waxaynu falnaa waxa isaga ka farxiya.
  • Sab 6:9 : 9 Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
  • Sab 34:6 : 6 Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 20Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.

  • 9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

  • Sab 66:16-18
    3 aayado
    80%

    16Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.

    17Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.

    18Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,

  • 1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

  • 6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

  • 6Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.

  • 2Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,

  • 6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.

  • Sab 55:1-2
    2 aayado
    75%

    1Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig, Oo baryootankaygana ha iska qarin.

    2I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,

  • 1Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.

  • 1Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.

  • 1Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 6Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.

  • 1Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.

  • 2Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.

  • 19Oo weliba Rabbiyow Ilaahayow, aqbal tukashadayda iyo baryootankayga, anoo addoonkaaga ah, oo maqal qaylada iyo tukashada anoo addoonkaaga ahu aan hortaada ku tukanayo,

  • 2Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.

  • 13Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.

  • Sab 55:16-17
    2 aayado
    72%

    16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

    17Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.

  • 1Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • 8Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh,

  • 56Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.

  • 1Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

  • 24Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.

  • 21Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 1Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo, Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.

  • 7Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay; Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.

  • Sab 88:1-2
    2 aayado
    71%

    1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,

    2Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,

  • 17Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii, Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.

  • 40Haddaba Ilaahayow waan ku baryayaaye indhahaagu ha furmeen oo dhegahaaguna ha maqleen baryootanka meeshan lagu baryootamo.

  • 7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.

  • 8Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.

  • 15Waayo, Rabbiyow, adaan wax kaa rajaynayaa, Oo adna waad ii jawaabi doontaa, Sayidow Ilaahaygiiyow.

  • 1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

  • 19Ilaah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan.

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

  • 16Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.

  • 20¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday, taas aawadeed waan ku maqlay.

  • 9Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado?