Sabuurradii 142:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 30:8 : 8 Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.
  • Sab 57:1 : 1 Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.
  • Sab 28:2 : 2 Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
  • Sab 54:1 : 1 Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.
  • Sab 141:1 : 1 Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
  • Cib 11:38 : 38 Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka.
  • Sab 32:1 : 1 Waxaa barakaysan kii xadgudubkiisa la cafiyey, oo dembigiisa la daboolay.
  • 1 Sam 22:1-2 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed Daa'uud halkaas wuu ka tegey oo wuxuu u baxsaday xagga bohoshii Cadullaam, oo markii walaalihiis iyo reerkii aabbihiis oo dhammu ay taas maqleen ayay halkaas isagii ugu tageen. 2 Oo mid kasta oo cidhiidhi ku jira, iyo mid kasta oo deyn qaba, iyo mid kasta oo aan raalli ahaynba isagay isu soo urursadeen, oo isna wuxuu u noqday madax u taliya, oo waxaa isaga la joogay in ku dhow afar boqol oo nin.
  • 1 Sam 24:3 : 3 Markaasuu wuxuu yimid xeryihii idaha oo jidka ku ag yiil, oo halkaasna waxaa ku tiil bohol; markaasaa Saa'uul halkaas u galay inuu cagihiisa qariyo aawadeed. Haddaba Daa'uud iyo raggiisiiba waxay ku jireen bohosha meelaha ugu sii hooseeya.
  • 1 Taar 4:10 : 10 Oo Yacbeesna wuxuu baryay Ilaahii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa inaad i barakaysid, oo aad soohdintayda ii ballaadhisid, iyo in gacantaadu ila jirto, oo aad sharka iga dhawrtid, si aanan u tiiraanyoon! Oo Ilaahna wuu siiyey wixii uu weyddiistay.
  • Sab 77:1-2 : 1 Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa. 2 Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.

  • Sab 77:1-2
    2 aayado
    86%

    1Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.

    2Maalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 1Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.

  • 2Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.

  • Sab 130:1-2
    2 aayado
    82%

    1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

    2Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 4Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)

  • 6Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.

  • 1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

  • 7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.

  • 7Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay; Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.

  • Sab 88:1-2
    2 aayado
    80%

    1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,

    2Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,

  • 2Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.

  • Sab 116:1-2
    2 aayado
    79%

    1Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.

    2Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.

  • 17Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.

  • Sab 142:5-6
    2 aayado
    79%

    5Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.

    6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

  • 4Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

  • 2Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

  • 78%

    145Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.

    146Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • 1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.

  • 1Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

  • Sab 28:1-2
    2 aayado
    77%

    1Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.

    2Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.

  • 6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

  • 2I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,

  • 56Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.

  • 3Sayidow, ii naxariiso, Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.

  • 6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.

  • 1Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.

  • 1Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.

  • Sab 55:16-17
    2 aayado
    75%

    16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

    17Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.

  • 2Oo wuxuu yidhi, Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay, Isna wuu ii jawaabay. Waxaan ka dhex qayliyey She'ool uurkiisa, Adna codkaygaad maqashay.

  • 6Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.

  • 9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

  • 3Maalintii aan qayshaday waad ii jawaabtay, Waanad igu kalsooni gelisay xooggii aad naftayda u yeeshay.

  • 2Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.

  • 5Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.

  • 12Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.

  • 2Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,

  • 13Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.