Sabuurradii 55:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 38:14 : 14 Sidii dabafallaadh iyo saratoosiye oo kale ayaan u dhawaaqay. Oo waxaan u baroortay sidii qoolley oo kale, oo indhahaygu daal bay la gudheen sidaan kor u fiirinayay, Rabbiyow, waa lay dulmay, ee i caawi.
  • Ish 59:11 : 11 Kulligeen sida orsooyin oo kale ayaynu u cabaadnaa, oo sida qoolleyo oo kale ayaynu u baroorannaa. Waxaynu sugnaa caddaalad, laakiinse lama arko, oo waxaynu sugnaa badbaado, laakiinse way inaga fog tahay.
  • Sab 13:1-2 : 1 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa? 2 Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa, Anigoo maalinta oo dhan calool xun? Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?
  • Sab 32:3 : 3 Markii aan iska aamusay, lafahaygii way gaboobeen, Maxaa yeelay, maalintii oo dhan baan cabaadayay.
  • Sab 38:6 : 6 Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa.
  • Sab 43:2 : 2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
  • Sab 64:1 : 1 Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo, Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.
  • Sab 66:19 : 19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
  • Sab 77:3 : 3 Waxaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)
  • Sab 102:9-9 : 9 Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale, Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii. 10 Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1Ilaahow, tukashadayda dhegta u dhig, Oo baryootankaygana ha iska qarin.

  • 1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

  • 2Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,

  • Sab 5:1-2
    2 aayado
    79%

    1Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.

    2Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.

  • Sab 102:1-2
    2 aayado
    79%

    1Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.

    2Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay, Dhegta ii dhig, Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.

  • 2Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 1Anigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.

  • 7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.

  • Sab 55:16-17
    2 aayado
    78%

    16Laakiinse anigu Ilaah baan baryi doonaa, Oo Rabbigaa i badbaadin doona.

    17Fiidka, iyo subaxda, iyo duhurkaba, anigu waan cataabi doonaa, oo waan taahi doonaa, Oo isna codkayguu maqli doonaa.

  • 56Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda.

  • 6Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.

  • 3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.

  • 19¶ Rabbiyow, bal i maqal, oo bal dhegayso kuwa ila diriraya codkooda.

  • Sab 142:1-2
    2 aayado
    77%

    1Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.

    2Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.

  • 2Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,

  • 12Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.

  • 2Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.

  • 6Ilaahow, waan ku baryay, waayo, waad ii jawaabi doontaa, Bal dhegta ii dhig, oo hadalkayga maqal.

  • 6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

  • 1Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.

  • 1Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

  • 1Rabbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.

  • 16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

  • 1Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.

  • 20Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.

  • 6Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.

  • Bar 1:21-22
    2 aayado
    74%

    21Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.

    22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 19Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 23¶ Dhegta ii dhiga, oo codkayga maqla, dhegaysta oo hadalkayga maqla.

  • 8Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga.

  • 1Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

  • 1Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab, Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.

  • 17Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • 7Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Haah, waxaan u qayshaday Ilaahay; Oo isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayduna dhegihiisay gashay.

  • Sab 6:8-9
    2 aayado
    73%

    8Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.

    9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

  • 28Anigoo barooranaya ayaan qorraxda la'aanteed socdaa, Waxaan ka dhex istaagaa shirka, oo caawimaad waan u qayshadaa.

  • 1Ilaahow, codkayga maqal markii aan kuu soo cawdo, Oo naftayda ka ilaali cadowga cabsidiisa.

  • 8Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.