Sabuurradii 6:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 119:115 : 115 Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.
  • Luuk 13:27 : 27 Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya.
  • Sab 3:4 : 4 Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
  • Mat 7:23 : 23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.
  • Mat 25:41 : 41 ¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.
  • Sab 139:19 : 19 Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh, Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow.
  • Sab 145:18 : 18 Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
  • Sab 56:8 : 8 Waad og tahay warwareeggayga, Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub, Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?
  • Sab 116:8 : 8 Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.
  • Cib 5:7 : 7 Masiixu maalmihii jidhkiisa wuxuu tukasho iyo baryooyin qaylo dheer iyo ilmo ugu bixiyey kan kara inuu isaga dhimasho ka badbaadiyo, waana loo maqlay cibaadadiisa.
  • Ish 30:19 : 19 ¶ Reer Siyoon oo Yeruusaalem degganow, mar dambe ma aad ooyi doontaan, waayo, isagu hubaal aad buu idiinku roonaan doonaa markaad qaylisaan, oo markuu maqlo wuu idiin jawaabi doonaa.
  • Ish 38:3 : 3 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
  • Ish 38:5 : 5 Tag, oo waxaad Xisqiyaah ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.

  • 115Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.

  • 7Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.

  • 27Markaasuu odhan doonaa, Waxaan idinku leeyahay, Garan maayo meeshaad ka timaadeen; iga taga kulligiin oo xaqdarrada ka shaqeeya.

  • 3Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.

  • 1Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?

  • Bar 1:21-22
    2 aayado
    74%

    21Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.

    22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 21Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.

  • 8Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.

  • 6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • 23Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.

  • Sab 55:2-3
    2 aayado
    73%

    2I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,

    3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.

  • 16Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.

  • Sab 130:1-2
    2 aayado
    72%

    1Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.

    2Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.

  • 12Rabbiyow, baryadayda maqal, oo qayladaydana dhegta u dhig, Oo ilmadaydana ha iskaga aamusin, Waayo, waxaan ahay qariib kula jooga Oo masaafir ah, sidii awowayaashay oo dhammu ay ahaan jireen.

  • 2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 6Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.

  • 2Oo iga qari talada qarsoon oo kuwa sharka ka shaqeeya, Iyo tirabadnaanta xumaanfalayaasha,

  • Sab 141:8-9
    2 aayado
    72%

    8Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.

    9Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen, Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.

  • 16Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

  • 16Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.

  • 7Rabbiyow, markaan codkayga ku qayliyo, i maqal, Weliba ii naxariiso, oo ii jawaab.

  • 1Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.

  • 2Iga samatabbixi xumaanfalayaasha, Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.

  • 19Ilaahow, hubaal waxaad layn doontaa kuwa sharka leh, Haddaba iga taga, raggiinna dhiigyocabyada ahow.

  • 10Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow.

  • 13Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,

  • 22Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.

  • 13Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen.

  • 1Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.

  • 9Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa, Oo murug baan la il go'aa, oo naftayda iyo jidhkayguba way taag darnaadaan.

  • 19Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.

  • 1Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.

  • 14Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?

  • 6Rabbiyow, cadhadaada la kac, Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda, Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.

  • 2Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.

  • 29Rabbigu kuwa sharka leh wuu ka fog yahay, Laakiinse kuwa xaqa ah baryadooduu maqlaa.

  • 3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.

  • 12Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.

  • 9Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.

  • 6Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.