Sabuurradii 88:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiyow, bal maxaad naftayda u xooraysaa? Oo bal maxaad wejigaaga iiga qarinaysaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 13:24 : 24 Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?
  • Sab 13:1 : 1 Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
  • Sab 43:2 : 2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
  • Sab 44:24 : 24 Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
  • Sab 69:17 : 17 Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
  • Sab 77:7-9 : 7 Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin? 8 Naxariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab? 9 Ilaah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)
  • Mat 27:46 : 46 Abbaaraha saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?
  • Sab 44:9 : 9 Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • Sab 88:15-16
    2 aayado
    81%

    15Waan dhibaataysnaa oo waxaan ku dhowaa inaan dhinto tan iyo yaraantaydiiba, Intaad cabsidaada igu riddayna waan caataysnaa.

    16Cadhadaadii kululayd ayaa i kor martay, Oo waxaa i baabbi'iyey waxyaalihii aad igu cabsiisay.

  • Sab 13:1-2
    2 aayado
    80%

    1Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?

    2Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa, Anigoo maalinta oo dhan calool xun? Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?

  • 24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

  • Sab 22:1-2
    2 aayado
    79%

    1Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?

    2Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.

  • 13Laakiinse Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo baryootankayguna subaxduu hortaada imanayaa.

  • Sab 88:6-9
    4 aayado
    78%

    6Waxaad igu ridday yamayska ugu hooseeya, Iyo gudcurka, iyo meelaha dhaadheer.

    7Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)

    8Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.

    9Indhahaygu waxay la gudheen dhibaatada daraaddeed, Rabbiyow, maalin kasta waan kuu yeedhay, Oo gacmahaygana adigaan kuu hoorsaday.

  • 9Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • Sab 44:23-24
    2 aayado
    78%

    23Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.

    24Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?

  • 46Rabbiyow, ilaa goormaad isqarin doontaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormay cadhadaadu sida dab u ololi doontaa?

  • 1Rabbiyow, maxaad meesha fog u istaagtay? Oo maxaad u dhuumataa markii dhibaato jirto?

  • Sab 143:7-8
    2 aayado
    78%

    7Rabbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.

    8Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.

  • Sab 27:8-9
    2 aayado
    77%

    8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

    9Ilaaha badbaadadaydow, wejigaaga ha iga qarin, Anoo addoonkaaga ah cadho ha igu eryin, Caawimaad baad ii ahayde, Ha i xoorin, hana i dayrin.

  • 1Ilaahow, bal maxaad weligaaba noo xoortay? Oo bal maxaa cadhadaadu ugu kululaataa idaha daaqsintaada?

  • Sab 88:1-3
    3 aayado
    76%

    1Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,

    2Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo qayladayda dhegta u dhig,

    3Waayo, naftayda waxaa ka buuxa dhibaatooyin, Oo noloshayduna waxay ku dhowaanaysaa She'ool.

  • 13Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!

  • 11Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

  • 49Sayidow, meeday naxariistaadii hore, Oo aad Daa'uud aaminnimadaada ugu dhaaratay?

  • 5Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.

  • 21Rabbiyow, ha i dayrin, Ilaahayow, ha iga fogaan.

  • Sab 143:3-4
    2 aayado
    75%

    3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

    4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 10Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.

  • 17Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.

  • 4Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.

  • 14Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.

  • 18Kii i jeclaa iyo saaxiibkayba waad iga fogaysay, Oo kuwii aan iqiinna gudcur baad iga gelisay.

  • 3Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?

  • 2Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay, Dhegta ii dhig, Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.

  • 5Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

  • 4Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag, Waayo, nin i yaqaan ma jiro, Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.

  • 11Hortaada ha iga xoorin, Oo Ruuxaaga quduuska ah ha iga qaadin.

  • 17Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay.

  • 8Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.

  • 27¶ Reer Yacquubow, bal maxaad u leedahay, Reer binu Israa'iilow, bal maxaad ugu hadlaysaa, Jidkaygu Rabbiga wuu ka qarsoon yahay, oo Ilaahayna gartayda dan kama galo?

  • 1Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.

  • 22Laakiinse anigu waxaan degdeg ku idhi, Indhahaaga hortooda waan ka go'ay, Habase yeeshee, codkii baryootankayga waad maqashay markii aan kuu qayshaday.

  • 11Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

  • 7Sayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?